Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka oo ka furmay Muqdisho

Shirka Golaha wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamul goboleedyadda Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa goordhow ka furmay Muqdisho.

Shirka oo uu guddoominayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Siciid C/llaahi Deni, Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Hirshabeelle Midane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Mudada uu shirka socdo waxaa diirada lagu saarayaa heshiiskii 17-ka September lagu gaaray magaalada Muqdisho iyo in xal kama dambeys ah laga gaaro arrimaha doorashooyinka.