Shirka wadatashiga Qaran oo maanta looga hadlayo arrimo muhiim ah

Shirka Golaha wada tashiga Qaran ee Arimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya,maamul goboleedyadda iyo gobolka Banaadir ayaa maalintii saddexaad galay.

Shirkan oo uu guddoominayo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa shalay diirada lagu saaray ka doodista qodobbada turxaan bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka, waxaana laga sameeyay horumar wanaagsan.

Shirka maanta ayaa waxaa lagu falanqeyn doonaa ajandayaasha horyaala shirka.

 

Guddiga Qaran ee amniga doorashooyinka dalka oo maanta shir isugu yimid

Taliyaha guud ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu uga warbixiyey kulan uu maanta yeeshay Guddiga Qaran ee Amniga Doorashooyinka dalka.

Taliye Xijaar oo kulankaas shir guddoomiyey ayaa sheegay inay diiradda saareen, dardar gelinta hawlaha hor-tebinta u leh sugidda amniga doorashooyinka Qaranka.

“Waxa aan maanta guddoomiyey shirka Guddiga Qaran ee Amniga Doorashooyinka, kaas oo looga hadlayey dardar gelinta hawlaha hor-tebinta u leh sugidda amniga doorashooyinka si dalka ay uga qabsoonto doorasho ku dhacda jewi nabdoon,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Ra’iisal wasaare Rooble oo shir guddoomiyay shirka wadatashiga Qaran ee doorshooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo galay maalintiisii labaad.

Madaxda ayaa bilaabay ka doodista qodobbada turxaan bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka, waxaana laga sameeyay horumar wanaagsan. Iyadoo ay sii socon doonto maalinta beri ah falanqeynta ajandayaasha horyaala shirka.

Shirka oo ka qeyb galeen Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali-Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa ku soo dhamaaday rajo iyo iyo yididiilo wanaagsan.

shaqaalaha caafimaadka Galmudug oo tababar loo furay

aalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Tababarkan ayaa sidoo kale lagu baranayaa hirgelinta ka hirgelinta dhammaan goobaha caafimaadka habka caalamiga ah e ka digtoonaanta isqaadsiinta cudurka Covid-19, kordhinta wacyigelinta Bulshada iyo diyaarinta nidaamka isku xirka Bulshada.

Agaasimaha qorsheynta iyo siyaasadda ee wasaaradda caafimaadka Galmudug Cabdixakiim Maxamed Diiriye oo ka hadlay madasha furitaanka tababarkan ayaa sheegay in muhiimaddu ay tahay kor u qaadista xirfadda shaqaalaha caafimaadka.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa shaqaalaha ka faa’ideysanaya tababarkan kula dardaarmay in ay sare u qaadaan aqoontooda, maadama ay la macaamilayaan Bulsho badan.

Rabshado cusub oo dad falastiiniyiin ah iyo Boliiska Israa’iil ku dhex maray Quddus

Quddus- Ku dhowaad 50 qof oo ka mid ah Yuhuudda lagu degaameeyay bariga magaalada barakaysan ee Quddus ayaa gudaha u galay maanta Masjidka Al-Aqasa xilli ay halkaasi ku cibeedeysanayeen muslimiinta reer Falastiin.

Wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA ayaa sheegtay in booliska Israa’iil ay goor hore oo maanta ah weerareen Falastiiniyiin salaadda subax ku tukanaysay masaajidka, iyagoo si xad dhaaf ah u garaacay dadkii cibaadeysanayay, si ay fursad u siiyaan rabshad wadayaal Yuhuud ah.

Dowladda Turkiga ayaa cambaareysay weerarka iyo rabshadaha ay Israa’iiliyiintu ka geysteen masjidka barakaysan ee Quddus, waxanay Ankara sheegtay inay Yuhuuddu ka xuntahay damaashaadka iyo guulaha ay gaareen dadka reer Falastiin.

Dhacdadan ayaa imaaneysa iyadoo xabad joojin jilicsan ay kajirto magaalada go’doonsan ee Gaza, ka dib 11 duqeymo ah oo ay halkaasi ka wadday Israa’iil.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo la kulmay madaxa AMISOM

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa la kulmay madaxa Amisom ahna wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha midowga Afrika Ambassador, Francisco Madeira oo ay wehliyaan  saraakiisha sarsare ee howlgalka AMISOM.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa masuuliyiinta uu la kulmay kala hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sida amniga loo sugi lahaa.

Ra’iisal wasaare Rooble oo ka mahadceliyay taageerada Shacabka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka mahadceliyay taageerada Shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta oo ay ku jiraan Midowga Murashaxiintu u muujiyeen dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee ku aaddan in heshiis laga gaaro sidiii dalku doorasho u aaddi lahaa sida ugu degdegta badan.

Shirka golaha wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka uu guddoominayo Ra’iisal wasaare Rooble ayaa galay maalintii labaad.

Sidoo kale, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xoogga la saaro isu tanaasul, is qancin iyo walaaltinimo si ahmiyadda loo siiyo badbaadada  Shacabka Soomaaliyeed iyo dalka u aado doorasho la isla ogol yahay oo dhaqso ku qabsoonto.

Qaar ka mid ah murashixiinta u tartamaysa xilka Madaxtinimo ee dalka ayaa soo dhaweeyay shirka Golaha Wadatashiga Qaran, oo shalay uu si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo diiradda lagu saaray dhameystirka arrimaha doorashooyinka dalka.

Taliye Tareedishe oo CXD ku boorriyay inay laba laabaan weerarrada ka dhanka ah argagixisada

Buulo burte- Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Axmed Maxamed Maxamuud (Tareedisho) ayaa faah faahiyay weerar ay argagaxisadu kusoo qaadeen shalay degmooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyay malleeshiyada Al-shabaab.

Janaraal, Tareedisho ayaa ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala gobolka Hiiraan ku ammaanay sida geesiminada leh ee ay isaga difaaceen weerarka naf lacaarinimada ah ee ay argagixisadu ku qaadeen fariisimada ciidanka xoogga ee degmooyinka Buuloburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Taliye Axmed Maxamed Tareedisho ayaa sidoo kale ciidamada XDS iyo ku boorriyay in ay sare u qaadaan howlgallada ka dhanka argagixisada, isagoo saraakiisha qaybta 27aad ee xaruntoodu tahay degmada Buuloburte usoo jeediyay inay u dhabar adaygaan howlgallada lagu baacsanayo malleeshiyaadka Al-shabaab.

Hadalka taliye Axmed Tareedishe ayaa imaanaya iyadoo ay malleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab weerar naf lacaarinimo ah kusoo qaadeen fariisimo ay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmooyinka Buuloburte iyo Jalalaqsi, halkaas oo lagaga dilay lix ka mid ahaa argagixisada lagana furtay saanad ciidan oo fara badan.

Wasiir Cabdiwahaab Ugaas Xuseen oo kormeeray xarunta Wasaaradda Shaqada

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta kormeer ku sameeyay qeybaha ay ka kooban tahay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Inta uu kormeerka ku jiray Wasiirka waxaa warbixin ka siiyay howlaha Shaqo ee Wasaaradda Agaasimaha Guud, Mudane Cabdullahi Maxamed Cali iyo agaasime waaxeedyada iyo howlwadeennada wasaaradda.

Wasiir Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif, ayaa maamulka iyo howlwadeennada Wasaaradda ku booriyay inay labo jibbaaraan howlaha ay Qaranka u hayaan.

” Wasaaraddan waxay muhiim u tahay Dawladnimada, waxaan idin ku dhiirrigalinayaa howlaha aad qaranka u heysaan, waxaan idin ku soo siyaadin doonaa adeegyada wasaaradda ay u qabanayso bulshada in la dareensiiyo oo la gaarsiiyo, taasna dadaal iyo wadajir ayay nooga baahantahay.”

“Howlwadeennada iyo maamulkaba waxaan idiin ballan-qaadayaa Soomaalinimo inan ku wada shaqeyno.”ayuu ku daray Wasiir Cabdiwahaab Ugaas Xuseen.

Wasiirka mar uu wareysi siiyay caawa Radio Muqdisho ayaa xusay in uu fursado shaqo u abuurayo dhallinta Soomaaliyeed.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa dabayaaqadii toddobaadkii hore 20 bishan May si rasmi ah xilka ula wareegay.

Dadka badan oo ka qaxaya folkaane ka qarxay Koongo

Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo ayaa ugu baaqay dadka deggan magaalada bari ee Goma in ay isaga guuraan ka dib markii folkaane weyni ka qarxay.

Dad badan oo furaashyo iyo maacuun kale sita ayaa la arkayey iyaga oo qaxaya oo xadka uga talaabaya dhanka bari ee Rwanda, si ay kaga baxsadaan dhibaatada masiibadan.

Nyiragongo ayaa markii ugu dambeysay oo uu qarxo sanadkii 2002 waxaa ku geeriyooday 250 qof halka 120,000 oo kale ay hoy la’aan noqdeen.

Buurta fulkaanuhu ka qarxay waxay magaalada u jirtaa 10km, markii ugu dambaysay ee halkaa fulkaane ka qarxaana waxay ahayd sannadkii 2002 oo waagaa ay ku dhinteen 250 qof 120,000 oo qofna ku guryo beeleen.

Madaxtooyada ayaa sheegtay in Madaxweyne Felix Tshisekedi uu soo gaabin doono safar uu ku tagi lahaa Yurub si deg deg ahn ugu soo laabanayo Koongo maalinta Axada.