Wasaaradda Arrimaha Guddaha oo daah-furtay shir looga arrinsanayo nidaamka diiwaan-galinta madaniga ah

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS  Adam Abdinasir  ayaa maanta daahfuray Shirka heer wasiir ee looga arrinsanayo dib usoo celinta nidaamka diiwaangalinta Madaniga iyo tira koobka Muhiimka.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa waxaa kasoo qaybgalay Masuuliyiin heer wasiirro ah oo ka kala socda Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo Xukun ku riday Maleeshiya ka tirsan Alshabaab.

Maxkamadda Ciidamadada qalabka sida aya xukun Xabsi Daa’in ah ku riday Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil, oo caan kaga ahaa Alshabaab Maxamed Carab iyo Maxamed Xuseen Xasan Abuukar ayaa loo haystaa kamid ahaanshiyaha maleeshiyada Alshabaab gaar ahaa in ay  ka kala tirsanaayeen qaybaha Caafimaad iyo Jabhadaha gobalka Mudug.

Eedeysanayaasha oo lagu soo wareejiyay hey’adaha Dambi Baarista ayaa Gungaar kadib ku soo wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida billowgii April, xilligaasi oo ay xeer ilaalinta codsatay in loo gudbiyo Eedeysanayaasha Xabsiga dhexe gar-suge ahaan.

Cabdullaahi Cabdiraxmaan oo magiciisu Afgarashadu yahay Maxamed Carab ayaa Alshabaab kaga biiray Xudur 2016, waxaa loo diyaariyay in uu Daweeyo dhaawacyada maleeshiyada, waxa uu ka shaqeeyay Ceel Cadow iyo Galhareeri oo ka kala tirsan Galgaduud iyo Shabeellada Hoose,

Maxamed Xasan Abuukar, waxa uu Alshabaab kaga biiray Bay 2018, Hiiraan ayuu tababar ku qaatay, waxaana isla xilligaasi lagu wareejiyay TuuladaCaad oo mudug ka tirsan si’uu uga mid noqday maleeshiya ku dhuumaaleysato halkaasi oo mararka qaar  weerar qarsoodi ah u tegi jiray qaybaha kale ee Gobalka,waxa una ku dhawacmay dagaal ka dhacay Bacaadweyn,xiliga oo ay ciidamadu Xoogga Dalka ku soo wareejiyeen hey’adaha Baarista.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda ka codsaday labada Eedeysane in loo Ciqaabo dambiga ay galeen Maadaama Ciidamada Amniga ay kala hor tageen hub wax dila balse ay Ciidamada doorteen in la mariyo Nidaamka Cadaaladda.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo fadhiya kala duwan ka yeeshay kiiskan ayaa ugu dambeyn kuwada xukumay 1- Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil & 2- Maxamed Xuseen Xasan Abuukar Xabsi Daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

 

Dawladda Burundi ayaa gaarsiisay agab caafimaad ciidankeeda ka tirsan hawlgalka midowga Afrika ee Soomaliya

Dowladda Burundi ayaa soo gaarsiisay qalab loogu talo galay in lagu taageero baaritaanka iyo maaraynta COVID-19 askarta Burundi ee ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya “AMISOM.”

qalabkan ayaa waxa ka mida meshiinka PCR iyadoo u sii marisay wasaarada gaashaandhiga qaranka iyo wasaarada caafimaadka bulshada waxayna soo dadajin doontaa natiijada baaritaanka ciidamadu maraan iyadoo mudo afar saacadood kusoo saaraysa, halkii markii hore qaadan jirtay hal maalin ilaa shan maalmood.

Madaxa isbitaalka Amisom ee Heerka 1Aad Kabtan Ndayishimiye Emmanuel, ayaa ku ammaanay dowladda Burundi taageerada joogtada ah ee ay siiso si loo hubiyo nabadgelyada iyo ladnaanta ciidamadooda ku sugan Soomaaliya iyadoo la gaarsiiyay qalab lagu baaro COVID-19.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo maanta shir ka yeelan doona rrimaha Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta shir ka yeelan doona arrimaha Soomaaliya – qodobbada ay ka hadli doonaan waxaa ka mid ah doorashooyinka iyo arrimaha bani’aadamnimada.

Golaha Waxaa warbixinno kooban looga dhageysan doona Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan, iyo Madaxa AMISOM, Francisco Madeira,oo shirka ka qayb gali doono.

Xeryaha qaxoontiga Rohinga ee dalka Bangaladesh oo laga helay tiradii ugu badnad caabuqa Covid-19

Xeryaha qaxootiga Rohinga ee ku yaal koonfurta dalka Bangladesh ayaa laga diiwaan geliyey tiradii ugu badanad ee hal maalin ah oo kiisaska coronavirus Axaddii oo ay la socdaan 49 cudur cusub, taas oo wadarta guud ka dhigeysa 992 qof.

Ka dib markii la baadhay 312qof oo Rohinga 49 ayaa lagu ogaaday natiijadooda baadhitaan inay qabaan cudurka COVID-19, 24-kii saac ee la soo dhaafay, xafiiska Wakiilka Dib-u-celinta Qaxootiga ee Bangladesh ayaa warbaahinta la wadaagay habeenimadii Axadda,tirada dadka Rohinga ee u dhintay virus-ka ayaa gaartay 15 qof labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Rohinga, oo ay ku tilmaamtay UN-ka inay yihiin dadka ugu badan ee adduunka lagu dhibaateeyo, Sida laga soo xigtay heya’adda Amnesty International, in ka badan 750,000 oo qaxooti Rohinga ah, oo u badan haween iyo carruur, ayaa ka qaxay Myanmar una tallaabay dhinaca Bangladesh kadib markii ciidamada Myanmar ay bilaabeen olole ka dhan ah bulshada muslimiinta ah ee laga tirada badan yahay bishii Ogos 2017.

Toogasho ka dhacday dalka maraykanka oo sababtay dhimasho iyo dhaawac

Toogasho ka dhacday gobolka New Jersey ee dalka Mareykaykan ayaa sababtay dhimasho iyo dhaawac toogashadan oo ahayd mid wadareed ayaa habeenkii sabtida ka dhacday xaflad weyn oo guri ka dhacaysay taasoo ay ku dhinteen laba qof ugu yaraan 14 kalena  ku dhaawacmeen.

Gudoomiyaha gobolka New Jersey Phil Murphy ayaa soo saaray bayaan uu ugu yeeray toogashada inay ahayd”mid argagax leh ayna ka muuqato nacasnimo iyo fulaynimo.”

Toogashadan ayaa ahayd tii ugu dambeysay iyadoo ay sii kordhayaan rabshadaha ay sababaan haysashada qoryaha,iyadoo dhinaca kale toogashadani kicisay baaqyo badan oo ku aaddan xakamaynta qoryaha arrintan oo muddo dheer muran ka taagnaa dalka Mareykanka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada XFS oo tabbar ufuray Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xfs ayaa maanta ufuray tababbar Qeybaha kala duwan ee Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda tababarkan oo ku saabsanaa Falaqeeynta iyo tirakoobka hab xisaabeedka Maaliyadda Dowaladda.

Wasiirka Maaliyada Abdirahman ducale Beyle ayaa yiri “Tirakoobka iyo ka war qabka xogta Maaliyadeed ee dowladda waxa ay muhiim u ah go’aamada iyo hirgelinta qiimeynta Soomaaliya,Waxa aan u mahadcelinaa Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya oo naga caawiyay qabashada tababarkaan

Taliyaha Qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka oo kormeer ku tagay degmada Baxdo.

Taliyaha Qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Gen Maxamed Cadoow Cali “Sanka” ayaa maanta kormeer ku tagay ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud kuwaa oo isku diyaarinaya howlgalada ka socda Gobolka Mudug iyo Galgaduud kuwaas oo argagaxisadda looga cirib tirayo.

Ciidamadan ayaa ah kuwo isku diyaarinaya ka qeyb qaadashada howlgallada ka socda Gobolka Mudug ee la doonayo in maleeshiyada Al-shabaab looga saaro degaannada ay weli kaga sugan yihiin Gobolka Mudug,

Taliyaha ayaa Warbixino ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada ku sugan Xerada, iyaga oo sheegay in Amniga degmada iyo degaannada ku dhow uu yahay mid wanaagsan oo la isku haleen karo,waxa una ciidmada ku amaanay dagaalada ay cadawga kula jiraa iyo guulaha ay ciidamadu ka gareen.

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay shirka looga hadlayo arimaha doorashooyin..

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa kulan maanta ay ku yesheen Magaalada Muqdisho waxa ay ku tagereen Shirka Dowladda Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada & Guddoomiyaha Gobolka Banaasir uga socdo Magaalada Muqdisho,kaa uu guddoominayo Ra’iisal wasaare XfS

Culimada Soomaaliyeed ayaa kulankooda waxaa ay kasoo saareen Bayaan ay ku taageerayaan shirka, iyaga oo sidoo kale baaq iyo talooyin kala duwan u jeediyay hoggaamiyeyaasha Soomaalida.

Hoos ka Akhriso Nuxurka Bayaanka ay soo saareen Hay’adda Culimada Soomaaliyeed.

1: Waxaay Culimada soo dhaweeynayaan Shirka Arrimaha doorashooyinka ee ka socda Muqdisho ee uu horay u iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxayna Alle ka baryeen in Shirka uu guuleysto.

2: Hay’adda Culimada Soomaaliyeed waxay is xasuusinayaan ammaanada cirka iyo dhulka iyo Buuraha diideen ee rabi u dhiibay siyaasiyiinta Soomaaliyeed loogana baahan yahay inay dhowraan.

3: Waxay adkeeynayaan Culimada in go’aanka doorashada lagu saleeyo Diinta Islaamka sida Cadaalada hufnaanta lagana fogeeyo dhamaan nuuc kasta uu yahay dulmiga iyo musuq maasuqa.

4: Waxaay ugu baaqeynaa Umadda Soomaaliyeed Midnimo, waxaana u mahad celinayaan cid kasta oo gacan ka geeysatay hirgelinta iyo qabsoomida Shirka looga hadlayo Arrimaha doorashada Soomaaliya.

Qaar kamid ah Xubnaha Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed oo kulanka ka hadlay ayaa dalbaday in shirkaasi la taageero laguna dadaalo sidii uu u guuleysan laha

Kulan looga hadlayo la dagaalanka argagixisada iyo sugida amniga oo ka socda Gaalkacyo

Kulan looga hadlayo la dagaalanka argagixisada iyo sugida amniga ayaa ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiinta gobolka Mudug ee Puntland oo ay wehliyaan Saraakiisha laamaha amniga heer federaal iyo heer Dowlad goboleed.

Waxyaabaha sida weyn diiradda loogu saarayo ayaa waxaa ka mid ah xaaladaha Nabadgelyada iyo la dagaallanka kooxda argagixisada Al-Shabaab