Wasaaradda Arrimaha Guddaha oo daah-furtay shir looga arrinsanayo nidaamka diiwaan-galinta madaniga ah

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS  Adam Abdinasir  ayaa maanta daahfuray Shirka heer wasiir ee looga arrinsanayo dib usoo celinta nidaamka diiwaangalinta Madaniga iyo tira koobka Muhiimka.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa waxaa kasoo qaybgalay Masuuliyiin heer wasiirro ah oo ka kala socda Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya