Xeryaha qaxoontiga Rohinga ee dalka Bangaladesh oo laga helay tiradii ugu badnad caabuqa Covid-19

Xeryaha qaxootiga Rohinga ee ku yaal koonfurta dalka Bangladesh ayaa laga diiwaan geliyey tiradii ugu badanad ee hal maalin ah oo kiisaska coronavirus Axaddii oo ay la socdaan 49 cudur cusub, taas oo wadarta guud ka dhigeysa 992 qof.

Ka dib markii la baadhay 312qof oo Rohinga 49 ayaa lagu ogaaday natiijadooda baadhitaan inay qabaan cudurka COVID-19, 24-kii saac ee la soo dhaafay, xafiiska Wakiilka Dib-u-celinta Qaxootiga ee Bangladesh ayaa warbaahinta la wadaagay habeenimadii Axadda,tirada dadka Rohinga ee u dhintay virus-ka ayaa gaartay 15 qof labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Rohinga, oo ay ku tilmaamtay UN-ka inay yihiin dadka ugu badan ee adduunka lagu dhibaateeyo, Sida laga soo xigtay heya’adda Amnesty International, in ka badan 750,000 oo qaxooti Rohinga ah, oo u badan haween iyo carruur, ayaa ka qaxay Myanmar una tallaabay dhinaca Bangladesh kadib markii ciidamada Myanmar ay bilaabeen olole ka dhan ah bulshada muslimiinta ah ee laga tirada badan yahay bishii Ogos 2017.