Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka oo la kulmay dhiggiisa Dalka Urdun

Safiirka Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Dalka Mareykanka Ali Sharif ayaa la kulmay Dina Kawar oo ah Safiirka Dalka Urdun ee halkaasi.

Kulankaan ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee haatan ka jirta dalka Soomaaliya iyo baahida loo qabo in la xoojiyo iskaashiga dhinacyadaasi.

. Intii uu socday kulanaasi waxaa kaloo Safiirka Somaaliya iyo gabadha lagu magaacaabo Dina Kawar ay ka wadahadleen,dib u eegista xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo arrimaha danaha guud ee heer gobol iyo heer caalami.

Shir kusaabsan sidii loo xaqiijin lahaa qoondada Haweenka oo lagu qabtay Muqdisho.

Wasiirka Haweenka iyo horumarinta xuquuqda Aadanaha ee XF Soomaaliya Marwo, Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa xalay kulan ujeedkiisu ahaa ilaalinta qoondada Haweenka Soomaaliyeed la yeelatay madaxweynaha maamulka koofur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Kulanka oo ahaa mid ay kasoo qeyb galeen haween badan oo isugu jira kuwa ku jira golayaasha dowladda iyo kuwo ka socday bulshada rayidka ah ayaa waxaa looga hadlay sidii looga dhabeyn lahaa xaqiijinta kuraasta ay ku leeyihiin horeyna loogu qoondeeyey. Sidoo kale kulanka waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka Banaadir, Ururrada Haweenka Qaranka, kan gobolka, Ururrada bulshada rayidka iyo xubno kale.

Shirka ayaa looga hadlay xaqiijinta qoonddada haweenka 30% ee doorashada soo socota, waxaana Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu xusay in marwaliba diyaar u yahay sidii u ilaalin lahaa Qoondada Haweenka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa qeyb ka ah ololaha Wasaaradda Haweenka ugu jirto sidii loo ilaalin lahaa qoonddada Gabdhaha Soomaaliyeed, Wasiirka ayaa sidoo kale waxay la kulantay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Jubaland waxayna ku adkeysay dhammaan mas’uuliyiintan in ay haweenka ku garab istaagaan sidii u heli lahaayeen xuquuqdooda siyaasadeed.

Madaxweyne Siisii oo booqasho ku tagaya Jabuuti

Madaxweynaha Dalka Masar,Cabdifataax Al-siisii iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta lagu wadaa inuu booqasho ku tego dalka jabuuti, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada Dalkaasi.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in madaxwe Al-siisii uu kulamo wada yeelan doonaan madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle, kulamada labada Hogaamiye ayaa looga hadli doonaa sidii loo xoojin karo xiriirka labda dal gaar ahaan arrimaha amniga iyo dhaqaalaha.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada hadli doona horumarka gobalka iyo xaaladda guud ee qaaradda Afrika.

Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka XFS oo kormeeray Isbitaallada magaalada Samareeb

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr. Axmed xuseen macalin  oo shalay gaarey Magaaladda Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug ayaa maanta kormeer indho-indheyn ah ku gaarey isbitaalada Dhuusamareeb, sida isbitaalka guud ee Gobolka iyo Xanaano hospital oo labaduba ka mid ah xarumaha ugu adeeg bixinta badan ee bukaanada qaabila.

Kormeerkaan oo wasiir ku-xiggeenka ay ku wehliyeen, Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdulaahi Jaamac, la-taliyaha arrimaha bulshada ee Xafiiska Madaxwaynaha JFS Mudane Cali Faarax Seeraar, Agaaaimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug iyo mas’uuliyiin kale ayaa ku qotomey ogaanshaha adeegyada ay bixiyaan xarumahaan, baahiyaha u baahan wax ka qabashada ee kajira qaybaha kala duwan ee isbitaaladaan iyo in la wadaago talooyinka la xiriira siddii loo horumarin lahaa adeega aas-aasiga ah ee caafimaadka Deegaanada Galmudug.

Maamulada isbitaaladaan iyo bukaanada ayey wasiir kuxigeenka iyo madaxda wehlisey ka dhageysteen kaalmada looga fadhiyo dowlada federaalka, si loo helo adeeg caafimaad oo tayeysan, kaasi oo kala gaara guud ahaanba deegaanada Galmudug.

Dr. Axmed xuseen macalin, wasiir ku-xigeenka Caafimaadka xukuumada Federaalka Soomaaliya oo kormeerkaan kadib warbaahinta la hadley ayaa boggaadiyey dadaalka muuqda ee ka jira xarumahaan caafimaad, isaggoo xusey in uu usii gudbayo degmooyinka kale oo ay si mideysan uga soo uruurin doonaan macluumaad la xiriira hormarinta adeega aas-aasiga ah ee caafimaadka Deegaanada Galmudug.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo ka warbxiyey xaaladda guud ee Soomaaliya

Waxaan bogaadinayaa dhamaan madaxdii Soomaaliyeed ee baadi-goobka u galay isu-tanaasul iyo sidii loo gaari lahaa heshiis wadar-oggol ah isla markaana ka shaqeeyay sidii xaalada loo dejin lahaa iyadoo loo daneynayo qaranka iyo dadka Soomaaliyeed.

Kooxda Qaramada Midoobay waxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka taageerayaan qaban qaabada shir-madaxeedkan, waxayna si weyn uga mahad celinayaan kaalmada deeq-bixiyeyaasha muhiimka ah ee ku aaddan arrintan. Waxaan si dhow u wada shaqeynaa Midowga Afrika,Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, iyo saaxiibada kale oo aan kawada shaqayno dadaalada diblomaasiyadeed.

Si loo guda-galo doorashooyinka waxaa muhiim ah in la dhaqan-geliyo qoondada haweenku ku leeyihiin matalaadda labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka la na dardar geliyo Ka qayb-gelinta haweenka, dhalinyarada iyo kooxaha laga tirada badan yahay oo laga qayb-geliyo go’aan qaadashada siyaasadeed ee horay loogu soconayo si loo xaqiijinta horumarka dalka iyo nabad waarta oo ka hana-qaadda Soomaaliya.

Waxaan mar kale ku boorinayaa madaxda Soomaaliyeed inay si niyad wanaag leh u raadiyaan xalka, isla markaana muujiyaan hogaaminta dalku uga baahan yahay iyaga xilligan taariikhiga ah si gaar ah Saxiixayaasha heshiiskii 17kii Sebtember waa inay hadda la yimaadaan waddo cad oo horay loogu socdo si loo qabto doorashooyinka

Wasiir Wasaaradda Warfaafinta XFS ayaa tacsi u diray Abwaan Sooraan oo ku geeriyooday Burco

Alle ha u naxariistee Abwaan Sooraan oo ka mid ahaa jilayaasha caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Burco.

Wasiirka Warfaafinta XFS Cismaan Obokor Dubbe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida marxuumka.

“Ilaahay ha u naxariisto waxa goor dhoweyd Magaalada Burco ku geeriyooday fannaankii, hal abuurkii iyo jilaagii hal-doorka ahaa ee Sooraan Ismaaciil Sugulle. Waxan ka tacsidaynaa ehelkiisii, qaraabadii iyo bahda fanka Soomaaliyeed oo uu muddo dheer ka tirsanaa. ilaahay ha u naxariisto Sooraan” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug oo la kulmay danjiraha midowga Yurub u fadhiya Soomaliya

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta Muqdishu kula kulmay Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya

labada masuul ayaa iska xog wareystay qorshaha horumarineed ee Galmudug iyo sidii Midowga Yurub usii balaarin lahaayeen mashaariicda ay ka wadaan.

Danjiraha ayaa ugu danbeyntii balan qaaday in ay taageeri doonaan Hay’adaha Dowladda Galmudug isagoo dhinaca kale sheegay in ay dhawaan fulin doonaan mashaariic dib u dhis loogu sameynayo Kaabayaasha dhaqaale.

 

Ciidanka Xoogga dalka oo ka saaray deegaano ay ku dhuumalaysan jireen argagixisadda Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgallo qorshaysan ka wada Degaano katirsan Gobolka Shabeelaha dhexe, Howlgalka oo uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, ayaa Ciidanka Xooggu waxay ka fuliyeen Degaanada War-dhagax, war-ciise, Gaal leef, Qoor dheere, Jilable iyo Cali Fooldheere, oo dhamaantood ka tirsanGobolka Shabeelaha dhexe,  kuwaasi oo ay si dhuumaalaysi ah ku joogeen Maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Sare Cali Xaashi, ayaa Warbaahinta qaranka u sheegay in maleeshiyaadkii ku dhuumaalaysanayay  deegaanadaas ay isaga carareen wuxuu na intaas ku daray inuu jiro qasaare xoogan oo Ciidanka Xooggu gaarsiiyay argagixisadii ku dhuumalaysanayay deeganadaas.

Sidoo kale Afhayeenku waxaa uu hadalkiisa ku daray in Ciidamada ay weli howlgalka sii wadaan, isla markaana la filayo inay degaano hor leh oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe kala wareegaan Al-Shabaab.

WHO oo shaaca ka qaaday in Fayras cusu oo kamid ah Corona laga helay 53 deegaan oo ka tirsan Hindiya

WHO oo ah Hay’adda Caafimaadka Adduunka u qaabilsan ayaa sheegtay maanta oo Arbaca ah, warbixin ay ka soo saartay faafitaanka nooc cusub oo kamid ah fayraska Corona, kaa oo si rasmi ah looga helay 53 Magaalo oo ka mid ah dalka Hindiya.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in fayraskan oo noociisu yahay (B.1.617) laga helay 7 deegaan oo hor leh, taasoo tirada guud ka dhigaysa in gudaha dalkaas xanuunkan cusub laga helay 60 Deegeen.

Ururka Caafimaadka Adduunka, ayaa Khamiistii la soo dhaafay xaqiijiyay in tallaallada hadda la heli karo ay yahiin kuwa wax ku ool ah, si looga hortago isbaddalada Covid-19.

Tirada guud dadka uu ku dhacay Corona virus ee Hindiya ayaa hadda gaaraysa 27 milyan, iyadoo afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay dalkaasi Hindiya laga diwaan galiyay 208,921 qof oo uu soo ritay xanuunkan.

Sida lagu sheegay tirakoob ay sameysay France Presse, Xanuunkan Corona ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 3,475,097 qof oo adduunka oo idil ah tan iyo markii xafiiska WHO uu sheegay in cudurkan uu ka dillaacay Shiinaha, dhammaadkii Diseembar sanadkii 2019.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka oo laga gaaray natiijo wanaagsan

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha Doorashooyinka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa galay maalintiisi afraad, waxaana laga gaaray natiijo wanaagsan, iyadoo lagu wado in shirka la soo xiro maalinta Khamiista ah ee soo aadan.

Shirka oo ka sii wanaagsanaanayey maalinba maalinta ka dambeeyey ayaa waxaa horumarro laga sameeyay qodobbadii laga wadahadlayay ee khuseeyay doorashooyinka dalka.

Af-hayeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu, oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey shirka wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka oo galay maalintii afraad, waxaana uu sheegay in madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiya gobolka Banaadir ay muujiyeen biseyl sida ay u doonayaan in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka. Hadda waxaa heer gabogabo ah maraya dhameystirka qodobada ka soo bixi doona heshiiska la filaayo shirka laga gaaro.

“Ra’iisul wasaaraha oo had iyo jeer xudun u ahaa wadahadaladana waxaa uu ahaa qofka habeen iyo maalin ka shaqaynayey in shirku uu guuleysto” ayuu yiri Af-hayeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu.