Wasiir Wasaaradda Warfaafinta XFS ayaa tacsi u diray Abwaan Sooraan oo ku geeriyooday Burco

Alle ha u naxariistee Abwaan Sooraan oo ka mid ahaa jilayaasha caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Burco.

Wasiirka Warfaafinta XFS Cismaan Obokor Dubbe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida marxuumka.

“Ilaahay ha u naxariisto waxa goor dhoweyd Magaalada Burco ku geeriyooday fannaankii, hal abuurkii iyo jilaagii hal-doorka ahaa ee Sooraan Ismaaciil Sugulle. Waxan ka tacsidaynaa ehelkiisii, qaraabadii iyo bahda fanka Soomaaliyeed oo uu muddo dheer ka tirsanaa. ilaahay ha u naxariisto Sooraan” ayuu yiri wasiir Dubbe.