Shir kusaabsan sidii loo xaqiijin lahaa qoondada Haweenka oo lagu qabtay Muqdisho.

Wasiirka Haweenka iyo horumarinta xuquuqda Aadanaha ee XF Soomaaliya Marwo, Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa xalay kulan ujeedkiisu ahaa ilaalinta qoondada Haweenka Soomaaliyeed la yeelatay madaxweynaha maamulka koofur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Kulanka oo ahaa mid ay kasoo qeyb galeen haween badan oo isugu jira kuwa ku jira golayaasha dowladda iyo kuwo ka socday bulshada rayidka ah ayaa waxaa looga hadlay sidii looga dhabeyn lahaa xaqiijinta kuraasta ay ku leeyihiin horeyna loogu qoondeeyey. Sidoo kale kulanka waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka Banaadir, Ururrada Haweenka Qaranka, kan gobolka, Ururrada bulshada rayidka iyo xubno kale.

Shirka ayaa looga hadlay xaqiijinta qoonddada haweenka 30% ee doorashada soo socota, waxaana Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu xusay in marwaliba diyaar u yahay sidii u ilaalin lahaa Qoondada Haweenka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa qeyb ka ah ololaha Wasaaradda Haweenka ugu jirto sidii loo ilaalin lahaa qoonddada Gabdhaha Soomaaliyeed, Wasiirka ayaa sidoo kale waxay la kulantay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Jubaland waxayna ku adkeysay dhammaan mas’uuliyiintan in ay haweenka ku garab istaagaan sidii u heli lahaayeen xuquuqdooda siyaasadeed.