WHO oo shaaca ka qaaday in Fayras cusu oo kamid ah Corona laga helay 53 deegaan oo ka tirsan Hindiya

WHO oo ah Hay’adda Caafimaadka Adduunka u qaabilsan ayaa sheegtay maanta oo Arbaca ah, warbixin ay ka soo saartay faafitaanka nooc cusub oo kamid ah fayraska Corona, kaa oo si rasmi ah looga helay 53 Magaalo oo ka mid ah dalka Hindiya.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in fayraskan oo noociisu yahay (B.1.617) laga helay 7 deegaan oo hor leh, taasoo tirada guud ka dhigaysa in gudaha dalkaas xanuunkan cusub laga helay 60 Deegeen.

Ururka Caafimaadka Adduunka, ayaa Khamiistii la soo dhaafay xaqiijiyay in tallaallada hadda la heli karo ay yahiin kuwa wax ku ool ah, si looga hortago isbaddalada Covid-19.

Tirada guud dadka uu ku dhacay Corona virus ee Hindiya ayaa hadda gaaraysa 27 milyan, iyadoo afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay dalkaasi Hindiya laga diwaan galiyay 208,921 qof oo uu soo ritay xanuunkan.

Sida lagu sheegay tirakoob ay sameysay France Presse, Xanuunkan Corona ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 3,475,097 qof oo adduunka oo idil ah tan iyo markii xafiiska WHO uu sheegay in cudurkan uu ka dillaacay Shiinaha, dhammaadkii Diseembar sanadkii 2019.