Madaxweyne Siisii oo booqasho ku tagaya Jabuuti

Madaxweynaha Dalka Masar,Cabdifataax Al-siisii iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta lagu wadaa inuu booqasho ku tego dalka jabuuti, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada Dalkaasi.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in madaxwe Al-siisii uu kulamo wada yeelan doonaan madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle, kulamada labada Hogaamiye ayaa looga hadli doonaa sidii loo xoojin karo xiriirka labda dal gaar ahaan arrimaha amniga iyo dhaqaalaha.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada hadli doona horumarka gobalka iyo xaaladda guud ee qaaradda Afrika.