Qaramada M. oo soo dhaweysay heshiiska ay gaareen hoggaamiyaasha Soomaalida

Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay go’aanka ay gaareen madaxda Soomaalida ee ku saabsan in labo bilood gudahood lagu qabto doorashada madaxtinimo iyo tan baarlamaanka, kadib shan maalmood oo wadahadalo xoogan ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

“Waxaan ku boorinaynaa dhammaan daneeyayaasha inay si dhakhso leh horay ugu socdaan ballamada iyo wadashaqeynta ku aadan hirgalinta heshiiskaasi ayuu yiri James Swan Ergeyga aramada Midoobay ee Soomaaliya .

“Waxaan sidoo kale ku dhiirigalinaynaa dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha xubnaha ka ah federaalka inay sii wadaan wadatashiyada joogtada ah inta lagu jiro howlaha doorashada si loo hubiyo in khilaaf kasta oo soo ifbaxa la xallin karo,ayuu intaa ku daray James Swan oo sidoo kale ah madaxa Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad oo maanta la soo gabo gabeeyay

Waxaa Maanta si habsami leh loo soo gaba gaboobeeyay Imtixaanka Fasalka 8-aad oo afratii maalin ee la soo dhaafay ka socday 72 xarumood oo ku kala yaalo degmooyinka Gobalka Banaadir.

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashad Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Sheekh Nuur oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka kala socday Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Gobalka Baandir ayaa u mahadceliyay dhamaan intii ka qeyb qaadatay hirgelinta imtixaanka, dhinaca kale waxa uu Hambalyo iyo bogaadin u diray ardaydii u fariisatay imtixaanka oo tiradooda aheyd 26,688 arday.

“Maanta waxaa noo soo gaba gaboobay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad oo noo soo bilowday 24-05-2021, sanad dugsiyeedka 2020/2021, Alle ka sokow waxaan u mahadcelineynaa cidkasta oo qeyb ka qaadatay in imtixaanka uu si guul ah noogu soo dhamaaday, Wasaaradda Waxbarashada oo kaalin ku leh, Maamulka Gobolka Banadir oo leh mas’uuliyadda qaadista imtixaanka, waxaana kaloo u mahadcelineynaa maamulada 72 xarumood na siiyay in ardayda ay imtixaanka ku galaan”. Ayuu yiri Mudane cabdiraxmaan Cumar Sheekh.

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashad Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Sheekh Nuur ayaa xusay in todobaadka soo socda uu si rasmi ah u bilaaban doono imitxaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad ee dugsiga sare.

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo furay Mashruuc dib loogu howl galinaayo Isbitaalka Xeraale

Mashruucan oo soconaya muddo Sadax sano ah ayna wadajir usoo agaasimeen Wasaaradda Caafimaadka Galmudug iyo hey’adda Badbaada Carruurta, ayaa dib loogu howl galinayaa xarunta Caafimaadka Xeraale oo muddo 6 -bilood ah gaabis ku yimid howlihii ka socdey, kadib markii ay weysay kaalmadii ay ka heli jirtay hey’addii hore gacanta ugu heysay xaruntan.

Waxaana wadajir u daah furay socodsiintiisa wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr. Axmed Xuseen Macalin Dr. Gurrey oo ay wehliyaan Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac, lataliyaha arrimaha bulshada ee Xafiiska Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Cali Faarax Seeraar, Agaaaimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed, wasiiro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin ka socotay hey’adda badbaada Carruurta.

Madaxa Caafimaadka Hey’adda badbaada Carruurta Maxamed Cali Magan oo ka waramey ahmiyada mashruucan ayaa sheegay in ujeedadu tahay daboolida baahida Caafimaad ee Magaalada xeraale.

Baahiir Daahir Yuusuf Guddoomiyaha Xeraale ayaa  u mahadceliyay madaxdii isku howshay arrinkaan ayna filayaan in la dhameystiro adeegyada ka dhiman Isbitaalka Xeraale.

Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac ayaa reer Xeraale u rajeeyay in ay ilaashadaan Adeegyada qaybta ka ah mashruucan, iyaguna kabi doonaan baahiyaha wali jira.

Ugu dambeyn wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaaliya  Dr. Axmed Xuseen Macalin Dr. Gurrey ayaa balan qaadey in Dowladda gacan ka geysan doonto sidii xal loogu heli lahaa adeegyada ka dhiman Isbitaalkan.

WAR-MURTIYEEDKA SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA EE ARRIMAHA DOORASHOOYINKA

Warmurtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka Dalka

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Warmurtiyeedka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee doorashooyinka, kaasi oo maanta lagu soo gabo gaebeeyay magaalada Muqdisho.

   

 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo khudbad ka jeediyey Xiritaanka Shirka Wadatashiga Qaranka ee Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo Khudbad ka jeediyey xaflada xiritaanka shirka golaha wadatashiga qaran ee dhamaystirka heshiiskii 17-kii sebteembar ayaa u mahadceliyey dhammaan dhinacyada ay khusaysay arrinta doorashada oo muujiyey tanaasul, u-turid, iyo in danta dalka laga hormariyo tan gaarka ah, waxaana uu si gaar ah ugu mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Madaxda dowlad goboleedyada, siyaasiyiinta, Beesha Caalamka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyed.

Eng. Rooble ayaa sheegay in laga heshiiyey dhammaan qodobadii lagu kala aragtida duwanaa, waxaana uu  ballan qaaday in xukuumaddiisu ay dadaal walba ku bixinayso siddii ay dalka uga dhici lahayd doorasho hufan oo nabdoon, isaggoo ku baaqay in dhammaan dhinacyada daneeyeyaasha doorashada iyo bulshada Soomaaliyeed ay qaybtooda ka qaataan siddii loo hirgelin lahaa doorashada.

Ilaalinta qoondada Haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin goleyaasha dowladda ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaare Rooble in xukuumaddiisu ay xil iska saarayso.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada Koofur Galbeed oo maantay tagay Buurhakaba

Wasiir ku xigeenka waxbarashada Koofur Galbeed Eng. Cabdifitaax Isxaaq Maxamed iyo xildhibaan Bishaaro Cali Nuur ayaa maanta tagay degmada Buurhakaba ee gooblka Baay, u jeedada socdaalkooda wuxuu ahaa sidii degmada loo gaarsiin lahaa imtixaanka dugsiga sare iyo dhexe ee halkaas.

107 arday oo dugsiga sare ah ayaa sanadkan imtixaanka shahaadiga ku gali doonta degmada Buurhakaba kaas oo bilaabanaya 29 bishan Maajo.

Sidoo kale, wefdiga wasiir ku xigeenka waxbarashada Koofur Galbeed waxaa kamid ahaa kormeeriyaal ka socda wasaaradda Waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya.

Ruushka oo muwaadiniintiisa kala baxaya magaalada Qasa.

Wasaaradda gurmadka ee Ruushka ayaa maanta oo khamiis ah ka daad gureyneysa marinka Qasa ee dalka Falastiin 64 qof oo ay ku jiraan 31 carruur ayey Dawladda Ruushka ka saaraysaa maanta sida ay qorshaysay wasaaradda gurmadka.

Muwaadiniinta  Ruusha ee laga soo saaraayo Qasa ayaa gaaraya 400, oo qof.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa  amar ku bixiyay in laga soo qaado Qasa  muwaadinkii doonaya inuu dib ugu soo laabto dalkiisa.

Shirweynaha Golaha wadatashiga qaran oo maanta la soo gabo gabaynayo

Shirweynaha Golaha wadatashiga qaran oo socday mudo 4 cisho ayaa maanta lagu soo afmeerayaa caasimadda dalka ee Moqadisho, shirweynahan oo lagaga hadlayey xalinta khilaafadka arrimaha doorashooyinka ayaa qorshuhu yahay in lagu dhamaystiro heshiiskii 17 September iyo 16 February.

Shirweynahan oo ay kasoo qayb galeen wufuud kala duwan sida  madaxda maamul goboleedadda oo dhan, Gudoomiyaha Golaha Shacab, Guddoomiyaha aqalka sare, Guddoomiyaha Goboka Banaadir,Bulshada rayidka ah iyo wakiiladda beesha caalamka.

Shirkan oo uu hoggaaminayey Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble qeybna ka ahaayeen madaxda shanta maamul goboleed ee dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku dhammaaday is afgarad buuxa,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya ayaa soo gabo gabayn doona madasha xiritaanka shirweynaha Golaha wadatashiga qaran.

Kulan looga hadlay ilaalinta qoondada Haweenka oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirka Haweenka iyo horumarinta xuquuqda Aadanaha ee XF Soomaaliya Marwo, Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa xalay kulan la yeelatay madaxweynaha maamulka koofur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Kulanka oo ahaa mid ballaaran ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya,  guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka Banaadir, Ururrada Haweenka Qaranka, kan gobolka, Ururrada bulshada rayidka iyo xubno kale.

Shirka ayaa looga hadlay xaqiijinta qoonddada haweenka 30% ee doorashada soo socota, waxaana Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu xusay in marwaliba diyaar u yahay sidii u ilaalin lahaa Qoondada Haweenka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa qeyb ka ah ololaha Wasaaradda Haweenka ugu jirto sidii loo ilaalin lahaa qoonddada, Wasiirka waxay la kulantay Madaxweyniyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Jubaland waxayna ku adkeysay dhammaan mas’uuliyiintan in ay haweenka ugu garab istaagaan sidii u heli lahaayeen xuquuqdooda siyaasadeed.

Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir oo kormeerey Goobaha Imtixaanka Fasalka 8aad ay ka socdan.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) ayaa maanta kormeerey Goobaha uu ka socdo Imtixaanka Dugsiga Dhexe ee Gobolka Banaadir.

Ciidanka Booliska ayaa sugaya Amniga Goobaha ay ka dhacayaan imtixaanaadka Shahaadiga ee haatan ka socoda magaalada Caasimadda ah Muqdisho iyadoo maanta ay aheyd maalinti ugu dambeysay ee Imtixaanka Fasalka 8aad ee Dugsiga dhexe halka Imtixaanka Fasalka 12aad ee Dugsiga sarena uu bilaaban doono maalinnimada Sabtida ah ee nagusoo aadan taariikhduna ay ku beegantahay 29 maayo 2021.

Taliyaha ayaa waxa uu ardayda ku dhiirigeliyay in ay sii wadaan dadaalkooda ku aadan waxbarashada si ay ugu gungaaraan hadafkooda .