Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo furay Mashruuc dib loogu howl galinaayo Isbitaalka Xeraale

Mashruucan oo soconaya muddo Sadax sano ah ayna wadajir usoo agaasimeen Wasaaradda Caafimaadka Galmudug iyo hey’adda Badbaada Carruurta, ayaa dib loogu howl galinayaa xarunta Caafimaadka Xeraale oo muddo 6 -bilood ah gaabis ku yimid howlihii ka socdey, kadib markii ay weysay kaalmadii ay ka heli jirtay hey’addii hore gacanta ugu heysay xaruntan.

Waxaana wadajir u daah furay socodsiintiisa wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr. Axmed Xuseen Macalin Dr. Gurrey oo ay wehliyaan Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac, lataliyaha arrimaha bulshada ee Xafiiska Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Cali Faarax Seeraar, Agaaaimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed, wasiiro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin ka socotay hey’adda badbaada Carruurta.

Madaxa Caafimaadka Hey’adda badbaada Carruurta Maxamed Cali Magan oo ka waramey ahmiyada mashruucan ayaa sheegay in ujeedadu tahay daboolida baahida Caafimaad ee Magaalada xeraale.

Baahiir Daahir Yuusuf Guddoomiyaha Xeraale ayaa  u mahadceliyay madaxdii isku howshay arrinkaan ayna filayaan in la dhameystiro adeegyada ka dhiman Isbitaalka Xeraale.

Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac ayaa reer Xeraale u rajeeyay in ay ilaashadaan Adeegyada qaybta ka ah mashruucan, iyaguna kabi doonaan baahiyaha wali jira.

Ugu dambeyn wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaaliya  Dr. Axmed Xuseen Macalin Dr. Gurrey ayaa balan qaadey in Dowladda gacan ka geysan doonto sidii xal loogu heli lahaa adeegyada ka dhiman Isbitaalkan.