Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad oo maanta la soo gabo gabeeyay

Waxaa Maanta si habsami leh loo soo gaba gaboobeeyay Imtixaanka Fasalka 8-aad oo afratii maalin ee la soo dhaafay ka socday 72 xarumood oo ku kala yaalo degmooyinka Gobalka Banaadir.

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashad Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Sheekh Nuur oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka kala socday Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Gobalka Baandir ayaa u mahadceliyay dhamaan intii ka qeyb qaadatay hirgelinta imtixaanka, dhinaca kale waxa uu Hambalyo iyo bogaadin u diray ardaydii u fariisatay imtixaanka oo tiradooda aheyd 26,688 arday.

“Maanta waxaa noo soo gaba gaboobay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad oo noo soo bilowday 24-05-2021, sanad dugsiyeedka 2020/2021, Alle ka sokow waxaan u mahadcelineynaa cidkasta oo qeyb ka qaadatay in imtixaanka uu si guul ah noogu soo dhamaaday, Wasaaradda Waxbarashada oo kaalin ku leh, Maamulka Gobolka Banadir oo leh mas’uuliyadda qaadista imtixaanka, waxaana kaloo u mahadcelineynaa maamulada 72 xarumood na siiyay in ardayda ay imtixaanka ku galaan”. Ayuu yiri Mudane cabdiraxmaan Cumar Sheekh.

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashad Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Sheekh Nuur ayaa xusay in todobaadka soo socda uu si rasmi ah u bilaaban doono imitxaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad ee dugsiga sare.