Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir oo kormeerey Goobaha Imtixaanka Fasalka 8aad ay ka socdan.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) ayaa maanta kormeerey Goobaha uu ka socdo Imtixaanka Dugsiga Dhexe ee Gobolka Banaadir.

Ciidanka Booliska ayaa sugaya Amniga Goobaha ay ka dhacayaan imtixaanaadka Shahaadiga ee haatan ka socoda magaalada Caasimadda ah Muqdisho iyadoo maanta ay aheyd maalinti ugu dambeysay ee Imtixaanka Fasalka 8aad ee Dugsiga dhexe halka Imtixaanka Fasalka 12aad ee Dugsiga sarena uu bilaaban doono maalinnimada Sabtida ah ee nagusoo aadan taariikhduna ay ku beegantahay 29 maayo 2021.

Taliyaha ayaa waxa uu ardayda ku dhiirigeliyay in ay sii wadaan dadaalkooda ku aadan waxbarashada si ay ugu gungaaraan hadafkooda .