Shirweynaha Golaha wadatashiga qaran oo maanta la soo gabo gabaynayo

Shirweynaha Golaha wadatashiga qaran oo socday mudo 4 cisho ayaa maanta lagu soo afmeerayaa caasimadda dalka ee Moqadisho, shirweynahan oo lagaga hadlayey xalinta khilaafadka arrimaha doorashooyinka ayaa qorshuhu yahay in lagu dhamaystiro heshiiskii 17 September iyo 16 February.

Shirweynahan oo ay kasoo qayb galeen wufuud kala duwan sida  madaxda maamul goboleedadda oo dhan, Gudoomiyaha Golaha Shacab, Guddoomiyaha aqalka sare, Guddoomiyaha Goboka Banaadir,Bulshada rayidka ah iyo wakiiladda beesha caalamka.

Shirkan oo uu hoggaaminayey Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble qeybna ka ahaayeen madaxda shanta maamul goboleed ee dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku dhammaaday is afgarad buuxa,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya ayaa soo gabo gabayn doona madasha xiritaanka shirweynaha Golaha wadatashiga qaran.