Talo loo dhan yahay ayaa lagu tanaadaa (warbixin)

Wadatashi waa nidaam aasaasi ah oo aan looga maarmin in la helo talo loo dhan yahay oo lagu dhiso maamul bulshao iyo mid dowladnimo, oo horseeda in la gaaro xal oo loo daneeyo umadda.

Marka laga yimaado shirkii wadatashiga ee hiigsiga cusub oo ahaa kii ugu  dambeeyay ee dhacay 2015-kii,waxaa afartii sano ee la soo dhaafay gudaha dalka iyo dibadda ka qabsoomay kulammo u dhexeeyay madaxda Dowladda Fedraalka ah, Dowlad Goboleedyada iyo Beesha caalamka,kuwaas oo la xiriiray sii ambaqaadidda qodobo horay u degsanaa oo ay ka mid ahaayeen  xoojinta amniga,kobcinta dhaqaalaha, dedejinta dhismaha ciidamado isku dhafka ah iyo qaabka ugu habboon ee loo suurtagelin karo dhameystirka dastuurka iyo qabsoomidda doorashooyin la isla wada ogol yahay .

Inkastoo sanadkii tagay iyo horaantii sanadkaan ay dhaceen buuq iyo hakad hareeyay shirar dhowr ah,haddana,kualamadaasi wadatashiga waxay soo mareen marxaladaha soo socda:-

December 6, 2017-kii waxaa Magaalada London lagu qabtay  wajiga 2-aad ee shirkii wadatashiga arrimaha Soomaliya, waxaana kulankaasi uu noqday mid miro dhal ah, Kadib kolkii dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay soo bandhigeen sida ay u arkaan in lagu gaari karo xalka Soomaaliya,gaar ahaan mustaqbalka dhow .

18-kii Agoosto 2018-kii waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Shirkii wadatashiga oo ku saabsanaa diyaarinta hannaanka qaran ee dib u heshiisiinta Soomaaliya.

15-kii Maarso 2020 ,waxaa Magaalada Garowe lagu qabtay shir wadatashi ah oo ay ka qeybgaleen xubnaha Puntland ku matala Dowladda Federaalka ee Soomalaiy,waxaana shirkaasi lagu fallanqeeyay xal u helidda khilaafka u dheeyay Dowladda Federaalka iyo kan Puntland.

September 17, 2020 waxaa qabsoomay Shir ay yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ,kaas oo ka dhacay magaalada Mugdisho intii u dhaxaysay 13 -17-kii,waxaana uu daba socday shirar ka dhacay Dhuusamareeb oo lahaa wajigii koowaad,labaad iyo sadexaad.

February ,3- 5-tii , 2021,waxaa Magaalada Dhuusamareeb ka dhacay shirkii wadatashiga ee Madaxweynaha iyo madaxda maamul-goboleedyada ,wuxuuna gabagabadii keenay khilaaf dhaliyay in lagu kala dareero.

10-16-kii Febaraayo 2021-ka ,waxaa Magaalada Baydhabo  lagu qabtay Shirka Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashada Federaalka,kaas oo looga hadlay wax ka qabashada cabashooyin laga soo gudbiyay, qaar ka mid ah xubnaha guddigga doorashooyinka ,,kuraasta Somaliland,Xaaladda Gobolka Gedo ,Adkaynta qoondada haweenka iyo diyaarinta Jadwalka qabsoomidda doorashada.

12-kii Apriil ee sanadkaan,,Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u codeeyay muddo laba sano ah oo lagu kordhiyay muddo xileedka dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo,taasina waxay dhalisay in tallaabadaasi ay diidaan madaxda mucaaradka iyo beesha caalamka.

1-dii May 2021, Madaxweyne Farmaajo ayaa Golaha Shacabka ka dalbaday in laga noqdo xeerkii muddo kordhinta,wuxuuna arrimaha doorashooyinka ku wareejiyayRa’iisul Wasaare Rooble,iyadoo isla maalintaasi Golaha Shacabka ay laaleen muddo kordhintaasi.

Haddaba,Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay kulan wadatashi oo la xiriiray dhameystirka shirar taxane ahaa iyo qabashada hannaan doorasho oo ay ku wada qancaan Madaxda Dowladda Federaalka, kan Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirkaan oo socday mudadii u dhaxeysay 22-ka illaa 26-ka bishaan,waxaa saxiixa heshiiska doorashooyinka dalka qallinkana ku duugay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble,Madaxweyneyaasha Dowladgoboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Waxaa dhab ah in hogaamiyaasha dalka ay la yimaadeen  isu tanaasul iyo wax wada qabsi ku aadan qaabka loo socodsiinayo arrimaha doorashooyinka ,iyadoo la qaadayo hal waddo oo lagu ilaaliyo danta guud ee dadka iyo dalka .

Biseylka siyaasadeed ee ka muuqda madaxda Soomaalida iyo waaya aragnimada bulshada ee laga dhaxlay waqtiyadii la soo maray,waxay na tusayaan in xilligaan laga gudbay caqabado iyo turaanturooyin ku gudbanaa geedi socodka arrimaha doorashooyinka dalka.

Shirkaan oo ahaa mid muhiim ah oo ka duwanaa shirarkii hore, una dhacay si habsami leh ,waxa uu suurtagaliyay in loo hogaansamo shuruucda dalka, laguna dhaqaaqo qabashada doorashooyin madaxtinimo oo horseedda dhismaha dowlad sal adag oo u adeegta dadka ,dalkana gaarsiisa barwaaqo.

Bacdamaa, wadatashigu uu yahay mid qeyb ka ah aasaaska hannanka dowladnimo,isla markaana lagu saxo maaulka qaranimo,waxaa xaqiiqo ah in hogaamiyaasha Soomaalida waqtigaan ay garteen danta guud,loona xilsaaran karo masiirka umadda iyo horumarka dalka.

Wadatashiyada xilligaan ee ka dhacay  gudaha Dalka Soomaaliya,waxa ay keenayaan in dadka Soomaaliyeed ku midoobaan dantooda,isla markaana laga baxo marxaladda cakiran ee siyaasadda, colaadaha sokeeye iyo in la xoojiyo dhismaha Qaranka Soomaaliya.

Talo loo dhan yahay ayaa lagu tanaadaa,sidaa aawaded, waxaa farxad ah in gunaanadkii shrka ay ka soo baxeen go’aanno qiimo leh oo wax dhisa iyo xal waara oo lagu badbaadiyo qaranka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn shacbiga Soomaaliyeed waxa la gudboon in ay ka qeybqaataan horumarka dalka,gacanna ka geystaan dadaalka dowladdu ay ugu jirto soo celinta nidaamka iyo kala dambeynta sharciga.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

Xuquuqda SONNA

Ra’iisul wasaare Rooble, madaxda maamul goboleeda xubnaha ka ah DF iyo Beesha caalamka oo shir uga furmay Mogadisho

Ra’iisul Wasaaraha JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble, madaxweyanayaasha maamul-goboleedyada,Gobolka banaadir iyo Beesha Caalamka ayaa waxaa shir uga furmay magaaladda Muqdisho.

Kulanka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa diirada lagu saarayaa qodobo ay ka mid yihiin hirgalinta heshiiskii kasoo baxay Shirkii Golaha Wada tashiga Qaran ee Arimaha Doorashooyinka oo dhawaan lagu soo gabo gabeeyey magaalada Muqdisho

Wasiirka Gadiidka iyo duulista hawada oo dhagax dhigay xarunta dayac tirka diyaaradaha

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada XFS Duraan Axmed Faarax ayaa dhagax dhigay xarunta dayactirka diyaaradaha oo laga hirgalinayo garoonka diyaaradaha  Aadan cadde.

Xafladda dhagax dhiga oo ka qabsoontay garoonka diyaaradaha ayaa waxa kasoo qayb galay wufuud kala duwan kuwaas oo isugu jiray wasiiro, xildhibaano iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo daah furay imtixaamka shahaadiga ee Dugsiga sare

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare sanad dugsiyeedka 2020-2021 oo sanadkaan ay galayso ardey gaareysa 42 kun.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka ayaa ardayda dugsiyada sare ee maanta u fariisaneysa imtixaanka shahaadiga ah u rajeeyay inuu guul ugu soo dhammaado imtixaanka.

Sidoo kale, Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Eng C/llaahi Abuukar Xaaji ayaa sheegay in imtixaanka dugsiga sare ee maanta ka bilowday dalka lagu geli doono 121 Goobood marka laga soo bilaabo Gaalkacyo.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa dowr muhiim ah ka qaadanaya sugida amniga guud ahaan goobaha imtixaamka lagu galayo iyo ardayda intaba.

Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa sanad kasta qaada Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare, iyada oo loo diyaariyay qaab waafaqsan nidaamka waxbarashada dalka.

 

Ciidamo ka tirsan Kumaandooska Gor Gor oo tababar loogu soo xiray dalka Turkiga

Ururka 7-aad Kumaandooska Xoogga Dalka ee Gor-gor ayaa tababar loogu soo xiray Dugsiga Isparta ee Dalka Turkiga, halkaas oo in muddo ah tababar noocyo kala duwan ah ku qaadanayeen.

Munaasabadda tababarka lagu soo xirayay ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socotay Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo ciidamada goobta ay ku soo bandhigeen dhoolatus iyo gaaddo ka ciyaar.

“ Runtii maanta waa maalin weyn oo maalmaha wanaagsan na soo maray ka mid, waa xafladii todobaad, haddana wey sii soconeysaa, waxaana nasiib wanaag inoo ah inaan maqalno in dhalinyaro ka mid ah ciidanka xoogga dalka 3-dii biloodba mar ay qaataan tababar qaas ah oo loogu talagalay in ciidanka xoogga dalka lagu tayeeyo,” ayuu yiri Generaal Garabeey.

Ugu dambeyntii, Generaal Garabeey ayaa uga mahadceliyay Dowladda aan walaalaha nahay ee dalka Turkiga taageerada ay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qado sharaf mahad celin ah u sameeyey Madaxda dowlad goboleedyada & G.banaadir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qado sharaf mahadcelin ah u sameeyay Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ka dib shirkii guusha ku soo dhammaaday ee Golaha Wadatashiga Qaran.

        

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawacyo oo ka dhacay Beydhabo

Wrarka ka imaanaya Magaalada Beydhabo ayaa sheegaya in qarax sababay dhimasho iyo dhawac uu goor dhaw ka dhacey  suuqa qaadka lagu iibiyo ee bartamaha magaaladaasi.

Wariyaha warbaahinta Qaranka ee magaalada Baydhabo,ayaa xaqiijiyay in tirada himashada ay gaareyso 3,halka ay dhaawacyo soo gaareen 7-ruux oo  kale oo shacab ah

Qaraxa ayaa la dhigay Bartamaha suuqa Qaadka lagu iibiyo oo aad u mashquul badan ,waana fal argagax leh oo ay caadeysteen kooxda Al-Shabaab

Mareykanka iyo IGAD oo soo dhaweeyay guusha uu ku dhamaaday shirkii Madaxda Soomaaliya

Mareykanka ayaa soo dhaweyay heshiiskii 27-kii May ee u dhaxeeyay madaxda qaranka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya, madaxweynaha iyadoo lagu saleynayo qaab dhismeedka September 17, 2020.

Waxaan bogaadineynaa dadaalka raiisel wasaare Roble waxaan ugu baaqeynaa hogaamiyaasha soomaaliya in ay ilaaliyaan wadashaqeynta iyo tanaasulka la muujiyey intii lagu jiray wadaxaajoodka todobaadkaan.

Waxaan ku dhiirigalinaynaa dhinacyada Soomaaliya inay si dhaqso leh ugu dhaqaaqaan fulinta heshiiska,Waxaanna xageyna  rajeyneyneynaa inaan sii wadno taageerada aan siineyno howshaas.

Dhinaca kale,Madaxda IGAD waxay soo dhaweynayaan heshiiska ay gaareen madaxda Soomaalia ee ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka qaran iyadoo loo marayo wadahadal dhab ah oo ay Soomaalidu horseed ka tahay .

IGAD waxay ku amaaneysaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble qabashada shir madaxeedka iyo sida hufan ee uu hoggaamintiisa u gaarsiiyay suurtagalinta doorashooyinka.

IGAD waxay rajeyneysaa inay sii wado la shaqeynta wax ku oolka ah ee ay la leedahay dhammaan dhinacyada ay khuseyso si ay u taageerto fulinta dhaqsaha leh iyo fulinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay wafdi uu hoggaaminaayay Wasiirka Iskaashiga ee dalka Sweden

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi uu hoggaaminaayay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Sweden Per Olsson Fridh oo booqasho ku jooga Magaalada Muqdisho .

Kulankaan waxaaay goob-joog ka ahaa u qaabilsanaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden ee dhinaca Africa, Safiir Ku xigeenka Sweden, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Agaasimeyaal iyo La-taliyeyaal.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu horeyn waxa uu ugu Mahadceliyay Dowlada Sweden Taageerida ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isigoo dhinaca kale ugu warbixiyay Horumarada ka socda Caasimada Soomaaliya, arrimaha narakacayaasha, shaqo abuurka dhalinyarada iyo qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir ee dhinaca horumarinta iyo adeegyada Bulshada.

Wasiirka ayaa bogaadiyay Horumarada muuqda ee ka socda Caasimada, isigoona ku amaanay Maamulka Gobolka Banaadir Howlaha dib-u-dhis iyo midka adeegyada Bulsho ee ka socda Gobolka Banaadir. waxaana uu Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden Per Olsson Fridh ballan qaaday in ay si dhaw ula shaqeyn doonaan Maamulka Gobolka Banaadir isla markaana ay ka taageeri doonaan xagga horumarinta, dib-u-dhiska iyo adeegyada Bulshada.

Ugu danbeyn Duqa Muqdisho ayaa waxa uu Wasiirka Guddoonsiiyay haddiyado isugu jira shahaado sharaf iyo dharka hiddaha & dhaqanka Soomaaliya.

Xuddur: xaflad loo sameeyay ardeyda u fariisaneysa imtixaanka dugsiyada sare

Xuddur- Agaasimaha Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Bobolka Bakool Cumar Cabdulaahi Maxamuud Atuu ,maamulayaasha dugsuyada iyo kan Degmada Xudur ayaa ka qeybgalay kullan casuumaad ah oo loo sameeyay ardada dugsiga sare ee sanadkaan  u fariisaneysa imtixaanka shahaadiga ah.

Kulankaan  oo lagu qabtay xaruunta dugsiga sare waxaa ujeedkiisu ahaa in ardada lagu dhiirigeliyo heerka waxbarasho oo ay soo gaareen,isla markaana loo muujiyo kalsooni ku aadan dadaalkooda.

Kulankaasi casuumaadda ah waxaa ka hadlay Agaasimaha madaxtooyada dowlad goboleedka koonfur galbeed ee gobolka bakool Cumar Cabdulaahi Maxamuud iyo maamulaha dugsiga sare ee Xudur ustaad Daahir Hilowle Sambul .

Qaar ka mid ah ardada  kulanka ka hadlay ayaa ka mahadceliyey xafaladda sharafta leh ee loo sameeyay,

Guud ahaan tirada ardada sanadkaan u fariisaneysa imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare waa 46 halka,20 ka mid ah ay yihiin gabdho .