Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo daah furay imtixaamka shahaadiga ee Dugsiga sare

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare sanad dugsiyeedka 2020-2021 oo sanadkaan ay galayso ardey gaareysa 42 kun.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka ayaa ardayda dugsiyada sare ee maanta u fariisaneysa imtixaanka shahaadiga ah u rajeeyay inuu guul ugu soo dhammaado imtixaanka.

Sidoo kale, Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Eng C/llaahi Abuukar Xaaji ayaa sheegay in imtixaanka dugsiga sare ee maanta ka bilowday dalka lagu geli doono 121 Goobood marka laga soo bilaabo Gaalkacyo.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa dowr muhiim ah ka qaadanaya sugida amniga guud ahaan goobaha imtixaamka lagu galayo iyo ardayda intaba.

Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa sanad kasta qaada Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare, iyada oo loo diyaariyay qaab waafaqsan nidaamka waxbarashada dalka.