Mareykanka iyo IGAD oo soo dhaweeyay guusha uu ku dhamaaday shirkii Madaxda Soomaaliya

Mareykanka ayaa soo dhaweyay heshiiskii 27-kii May ee u dhaxeeyay madaxda qaranka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya, madaxweynaha iyadoo lagu saleynayo qaab dhismeedka September 17, 2020.

Waxaan bogaadineynaa dadaalka raiisel wasaare Roble waxaan ugu baaqeynaa hogaamiyaasha soomaaliya in ay ilaaliyaan wadashaqeynta iyo tanaasulka la muujiyey intii lagu jiray wadaxaajoodka todobaadkaan.

Waxaan ku dhiirigalinaynaa dhinacyada Soomaaliya inay si dhaqso leh ugu dhaqaaqaan fulinta heshiiska,Waxaanna xageyna  rajeyneyneynaa inaan sii wadno taageerada aan siineyno howshaas.

Dhinaca kale,Madaxda IGAD waxay soo dhaweynayaan heshiiska ay gaareen madaxda Soomaalia ee ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka qaran iyadoo loo marayo wadahadal dhab ah oo ay Soomaalidu horseed ka tahay .

IGAD waxay ku amaaneysaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble qabashada shir madaxeedka iyo sida hufan ee uu hoggaamintiisa u gaarsiiyay suurtagalinta doorashooyinka.

IGAD waxay rajeyneysaa inay sii wado la shaqeynta wax ku oolka ah ee ay la leedahay dhammaan dhinacyada ay khuseyso si ay u taageerto fulinta dhaqsaha leh iyo fulinta