Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qado sharaf mahad celin ah u sameeyey Madaxda dowlad goboleedyada & G.banaadir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qado sharaf mahadcelin ah u sameeyay Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ka dib shirkii guusha ku soo dhammaaday ee Golaha Wadatashiga Qaran.