Dowladda Shiinaha oo dadkeeda ka qaaday sharci caqabad ku ahaa dhalmada.

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay maanta oo isniin in muwadiniinteeda loo ogolaaay inay dhali karaan hadda kadib 3 carruur ah.

Bayaan kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in go’aankaan uu qeyb ka yahay siyaasadda  guud ee wax looga qabanaayo gabowga kusoo badanaaya dadka Shiinaha .

Dowladda ayaa intaas ku dartay inay taageeri doonto hirgeinta go’aankaan cusub.

Dowladda Shinaha ayaa 2016-kii ogolaatay in la dhali karo 2 carruur kadib markii ay yaraadeen dhalinyarada dalkaas.

Waxaa xusid mudan in dowladda Shiinuhu mamnuucday 1979-kii in la dhalo hal cunug ka badan, si looga yareeyo kororka dadka Shiinaha.

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Qeybta 60-aad Ciidanka xoogga dalka oo gaaray Degmada Baraawe.

 

Wafdi Saraakiil ah uu hoggaaminayo Taliyaha Qeybta 60aad ee CXDS Jenaraal Maxamed Sheikh Cabdullahi (Ciirow) ayaa Gaarey Degmada Baraawe ee Caasimada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Taliyaha iyo Wafdigiisa ayaa Waxaa garoonka ku soo dhaweeyey Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka , Maamulka Degmada iyo Mas’uuliyiin kale.

Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ujeedka safarkooda uu salka ku haayo inay u kuurgalaan xaaladda Ciidamada ku sugan degmada Baraawe iyo xaaladaha kale ee kajira degmada sida Nabadgelyada, waxa una Kulan is xog wareysi ah la qaatey Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM ee Ku sugan Baraawe si loo Dardar geliyo Ladagaalanka Kooxda Nabadiidka Alshabab.

Deegaanada maamulka Somaliland oo ay ka bilaabantay codaynta doorashooyinka golaha wakiilada iyo deegaanka

In ku dhow hal miyan iyo bar ka mid ah Dadweynaha maamulka Somaliland ayaa saaka u dareeray goobaha cod bixinta iyagoo dadweynuhu si toos ah u soo dooranaya xubnaha golaha deegaan iyo baarlamaanka.

Masuliiyiin ka tirsan Xukuumadda Federalka Soomaaliya oo ay mid yihiin  Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka, wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Khadiija Mohamed diiriye ayaa hambalyo u diray shacabka codkooda dhiibanaya, iyagoo shacabka u rajeeyey inay nabad ugu soo dhamaato codaynta doorashada.

Shacabka ayaa si toos ah u soo dooranaya 82 xubnood oo golaha baarlamaanka ah iyo 82 xubnood oo gole deegaanka ah kuwaas oo ka soo baxaya lixda gobol ee maamulka ee Somaliland, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo masuliyiinta Xisbiyadda mucaaradka ayaa shacabka ugu baaqay inay si nabdoon codkooda u dhiibtaan iyagoo u hoggaansamaya amaawiirta ciidanka booliska ee amniga sugaya iyo kuwa gudidda doorashooyinka.

Golaha guud ee Qaramada midoobay oo canbaareeyay af-genbigii ka dhacay dalka Maali

Madaxweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Volkan Bozkir, ayaa cambaareeyay af-genbiga ka dhacay dalka Maali, wuxuuna ku baaqay in dalka lagu soo celiyo dimuquraadiyad iyadoo si nabad ah la isagu wareejinaayo xilka.

Bozkir ayaa walaac ka muujiyay xaaladda dalka Maali,wuxuuna ugu baaqay caalamka inay ka horyimaadaan af-genbiga military ee dalkaas ka dhacay.

Ciidamada dalka Maali ayaa xiray madaxweynihii kumeel gaar ahaa iyo ra’iisal wasaarihii dalkaas  isniintii lasoo dhaafay, waxeyna ku qasbeen inay is casilaan.

Maxkamadda Dastuuriga  ee Maali ayaa ku u dhawaaqday jimcihii in  General Guetta uu noqdo  madaxweynaha kumeelgaarka ah ee dalkaas.

Hoggaamiyaha Xisbiga Yamina oo ku biiray xulufada kasoo horjeedda xukunka Ra’iisul wasaaraha Israa’il

Siyaasiga midigta fog  Naftali Bennett, oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu saamaynta badan gudaha Israa’ail ee hoggaamiya xisbiga “Yamina” ayaa ku dhawaaqay inuu ku biirayo xulufadda Xisbiyadda is bahaystay ee kasoo horjeed Ra’iisul wasaare Netanyahu, xisbiga Yamina ayaa Baarlamaanka Israa’il ku leh lix kursi oo muhiim ah.

Dadka falanqeeya Siyaasadda gudaha Israa’il ayaa talaabdan ku tilmaamaya mid soo af-jari karta xukunka Ra’iisal wasaare Netanyahu, oo intii uu xukunka hayey la kulmay culayso guddaha ah kuwaas oo gaadhsiinsan ilaa heer maxkamdeed la soo taago iyadoo loo haysto Dacwado la xidhiidha musuq maasuq.

Taliye Xijaar”Ciidanka Boolisku waxaa ay awood u leeyihiin sugidda amniga doorashada”

Taliyaha Ciidanka boliiska dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa ka hadlay qorshaha diyaar garoowga sugida amniga doorashooyinka ka dhacaya dalka.

Taliyaha oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in mar horey u diyaar garoobeen sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka,ciidanka boliiskana ay awood u leeyihiin in ay sugaan amniga.

Taliska boliiska soomaaliya ayaa sidokale tilmaamay in qaar kamd ah Maamul Goboleedyada lagu qabanayo doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka,ay tageen islamarkana dowladda heysato Ciidan ku filan oo amniga suga,iyaga oo kaashanayo  Ciidamo katirsan  boliiska  Midowga Afrika ee AMISOM kuwaasi oo sid u sheegay la diyaariyay.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka DFS oo Gaalkacyo gaaray ayaa kormeeray xarumaha Caafimaad ee magaalada.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka DFS oo maalmahaan ba kormeer ku maraayay deegaanada maamul-goboleedka Galmudug si uu ugu kuur-galo baahiyaha caafimaad ee kajira deeganada Galmudug ayaa maanta gaarey magaalada Gaalkacyo.

Wafdiga Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Soomaaliya oo ay qayb ka ahaayeen Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdulaahi Jaamac, lataliyaha arimaha bulshada ee Xafiiska Madaxwaynaha JFS Mudane Cali Faarax Seeraar, Agaaaimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed iyo Mas’uuliyiin  ka tirsan Golleyaasha maamul-goboleedka Galmudug ayaa kormeeray Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug oo ay xog dheeri ah ka dhageysteen Maamulka iyo agaasinka Gobolka, kuwaa oo xusey in ay sugayaan  balaarin lagu sameeyo adeegyada aas-aasiga ah ee Caafimaadka oo dhinacyada qaar u baahan in la kordhiyo baaxad ahaan.

Wafdiga wasiirka ayaa sidoo kale u gudbey Isbitaalka Gaalkacyo daanta Puntland oo uu ku soo dhaweeyay Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir yuusuf xaaji oo qayb-qayb u tusiyey shaqada baaxada leh ee ka socota xarumaha adeega caafimaadka ee Gaalkacyo iyo hormarada ay ka sameeyeen adeeg bixinta mudooyinkan, iyadoo howshani qayb ka tahay dadaalada isku xirka iyo wada shaqeynta labada wasaaradood oo wafdiga wasiirku ugu sii gudbey Magaalada garoowe ee Caasimada Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga oo warbixin ka dhagaystay mas’uuliyiinta wasaaradda

Shir maanta ay yeesheen masuuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga oo uu shir-guddoominayey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Xildhibbaan Khaliif Cabdi Cumar, ayaa si weyn loogu falan-qeeyey Habka Onlaynka ah ee Diiwaan-gelinta Shirkadaha ganacsiga iyo barnaamijka Xog-kaydiyaha ganacsiga Soomaaliya oo labadu ba maraaya heer gebo-gabo ah sidoo kale na wax weyn ka taraya horumarka iyo fududeynta ganacsiga Soomaaliya, waxaa sidoo kale loogga hadlay is-af-garadka ganacsi ee wadamada Soomaaliya iyo Uganda.

Barnaamijyadan oo hadda ku jira heer tijaabo ah, ayaa qorshahu yahay in dhawaan la daah-furo, waxaana ay ganacsatada u sahli doonaan in iyaga oo jooga xafiisyaddooda shaqo ay soo dalban karaan daabacanna karaan shatiyada ganacsi ee shirkadahooda.

Sidoo kale barnaamijka Xog-kaydiyaha ganacsiga, ayaa isagu na ah Website weyn oo lagu kaydinaayo guud ahaan xogaha la xidhiidha ganacsiga oo ay ka faa’idi karaan ganacsatada iyo maal-gashadeyaasha doonaya inay wadanka ka sameeyaan maal-gashiyo waaweyn.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Xildhibbaan Khaliif Cabdi Cumar ayaa boggaadiyey shaqada wanaagsan ee laga qabtay labada barnaamij, waxaana uu guddi gaar ah u saaray Is-af-garadka Ganacsi ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Uganda kuwaas oo ka soo talo-bixin doona heshiiska Ganacsi ee Soomaaliya la galayso dalka Uganda.

Arday lagu afduubtay Nigeria oo lasii daayay

Abuja- Dowladda dalka Nageria ayaa sheegtay in lasii daayay 14 arday oo ay kooxo hubeysan ka afduubteen bil ka hor Jaamacad ku taallada degaanka Kaduma ee dhaca waqooyi bari Nigeria.

Kooxaha hubeysan ee dalka Nigeia ayaa si is-dabajoog ah weerarro afduub ah ugu qaadayay bilihii aynu kasoo gudubnay Jaamacado iyo Iskuullo ku yaalla waqooyi bari dalka Nigeria, iyagoo halkaa ka qafaashay in ka badan 700 oo arday tan iyo bishii December ee sanadkii tagay.

Dalka Nigeria ayaa caan ku ah kooxaha hubeysan ee afduubka u geysta ardayda, kuwaas oo ehelkooda ka qaata madax furasho.

Howlgal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab oo ka socda gobolka Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgal lagu ciribtirayo maleeshiyada Al-Shabaab ka wada gobolka Shabeellaha dhexe, kuwaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyay argagixisada.

Howlgalkan oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyada ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa hoggaaminaya taliyaha ciidamada xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage, waxaana howlgalkaas lagu xoreeyay deegaanada Gal-labashiir, War dhagax, war ciise, Gaal leef, Qoor dheere, Jilable iyo Cali Fooldheere, Galka Xarareey oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ku dhawaad 100-maleeshiyaad iyo horjoogayaal isugu jira howlgalka lagu dilay, sidoo kalena looga furtay hub iyo gaadiid dagaal, maleeshiyaad kalena nolosha lagu qabtay.

Howlgalka oo wali ka socda gobolka shabeellaha dhexe ayaa lagu baacsanayaa argagixisada oo caadeystay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed iyo in ay xoog ku qaataan hantidooda.