Howlgal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab oo ka socda gobolka Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgal lagu ciribtirayo maleeshiyada Al-Shabaab ka wada gobolka Shabeellaha dhexe, kuwaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyay argagixisada.

Howlgalkan oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyada ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa hoggaaminaya taliyaha ciidamada xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage, waxaana howlgalkaas lagu xoreeyay deegaanada Gal-labashiir, War dhagax, war ciise, Gaal leef, Qoor dheere, Jilable iyo Cali Fooldheere, Galka Xarareey oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ku dhawaad 100-maleeshiyaad iyo horjoogayaal isugu jira howlgalka lagu dilay, sidoo kalena looga furtay hub iyo gaadiid dagaal, maleeshiyaad kalena nolosha lagu qabtay.

Howlgalka oo wali ka socda gobolka shabeellaha dhexe ayaa lagu baacsanayaa argagixisada oo caadeystay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed iyo in ay xoog ku qaataan hantidooda.