Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga oo warbixin ka dhagaystay mas’uuliyiinta wasaaradda

Shir maanta ay yeesheen masuuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga oo uu shir-guddoominayey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Xildhibbaan Khaliif Cabdi Cumar, ayaa si weyn loogu falan-qeeyey Habka Onlaynka ah ee Diiwaan-gelinta Shirkadaha ganacsiga iyo barnaamijka Xog-kaydiyaha ganacsiga Soomaaliya oo labadu ba maraaya heer gebo-gabo ah sidoo kale na wax weyn ka taraya horumarka iyo fududeynta ganacsiga Soomaaliya, waxaa sidoo kale loogga hadlay is-af-garadka ganacsi ee wadamada Soomaaliya iyo Uganda.

Barnaamijyadan oo hadda ku jira heer tijaabo ah, ayaa qorshahu yahay in dhawaan la daah-furo, waxaana ay ganacsatada u sahli doonaan in iyaga oo jooga xafiisyaddooda shaqo ay soo dalban karaan daabacanna karaan shatiyada ganacsi ee shirkadahooda.

Sidoo kale barnaamijka Xog-kaydiyaha ganacsiga, ayaa isagu na ah Website weyn oo lagu kaydinaayo guud ahaan xogaha la xidhiidha ganacsiga oo ay ka faa’idi karaan ganacsatada iyo maal-gashadeyaasha doonaya inay wadanka ka sameeyaan maal-gashiyo waaweyn.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Xildhibbaan Khaliif Cabdi Cumar ayaa boggaadiyey shaqada wanaagsan ee laga qabtay labada barnaamij, waxaana uu guddi gaar ah u saaray Is-af-garadka Ganacsi ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Uganda kuwaas oo ka soo talo-bixin doona heshiiska Ganacsi ee Soomaaliya la galayso dalka Uganda.