Hoggaamiyaha Xisbiga Yamina oo ku biiray xulufada kasoo horjeedda xukunka Ra’iisul wasaaraha Israa’il

Siyaasiga midigta fog  Naftali Bennett, oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu saamaynta badan gudaha Israa’ail ee hoggaamiya xisbiga “Yamina” ayaa ku dhawaaqay inuu ku biirayo xulufadda Xisbiyadda is bahaystay ee kasoo horjeed Ra’iisul wasaare Netanyahu, xisbiga Yamina ayaa Baarlamaanka Israa’il ku leh lix kursi oo muhiim ah.

Dadka falanqeeya Siyaasadda gudaha Israa’il ayaa talaabdan ku tilmaamaya mid soo af-jari karta xukunka Ra’iisal wasaare Netanyahu, oo intii uu xukunka hayey la kulmay culayso guddaha ah kuwaas oo gaadhsiinsan ilaa heer maxkamdeed la soo taago iyadoo loo haysto Dacwado la xidhiidha musuq maasuq.