Golaha guud ee Qaramada midoobay oo canbaareeyay af-genbigii ka dhacay dalka Maali

Madaxweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Volkan Bozkir, ayaa cambaareeyay af-genbiga ka dhacay dalka Maali, wuxuuna ku baaqay in dalka lagu soo celiyo dimuquraadiyad iyadoo si nabad ah la isagu wareejinaayo xilka.

Bozkir ayaa walaac ka muujiyay xaaladda dalka Maali,wuxuuna ugu baaqay caalamka inay ka horyimaadaan af-genbiga military ee dalkaas ka dhacay.

Ciidamada dalka Maali ayaa xiray madaxweynihii kumeel gaar ahaa iyo ra’iisal wasaarihii dalkaas  isniintii lasoo dhaafay, waxeyna ku qasbeen inay is casilaan.

Maxkamadda Dastuuriga  ee Maali ayaa ku u dhawaaqday jimcihii in  General Guetta uu noqdo  madaxweynaha kumeelgaarka ah ee dalkaas.