Deegaanada maamulka Somaliland oo ay ka bilaabantay codaynta doorashooyinka golaha wakiilada iyo deegaanka

In ku dhow hal miyan iyo bar ka mid ah Dadweynaha maamulka Somaliland ayaa saaka u dareeray goobaha cod bixinta iyagoo dadweynuhu si toos ah u soo dooranaya xubnaha golaha deegaan iyo baarlamaanka.

Masuliiyiin ka tirsan Xukuumadda Federalka Soomaaliya oo ay mid yihiin  Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka, wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Khadiija Mohamed diiriye ayaa hambalyo u diray shacabka codkooda dhiibanaya, iyagoo shacabka u rajeeyey inay nabad ugu soo dhamaato codaynta doorashada.

Shacabka ayaa si toos ah u soo dooranaya 82 xubnood oo golaha baarlamaanka ah iyo 82 xubnood oo gole deegaanka ah kuwaas oo ka soo baxaya lixda gobol ee maamulka ee Somaliland, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo masuliyiinta Xisbiyadda mucaaradka ayaa shacabka ugu baaqay inay si nabdoon codkooda u dhiibtaan iyagoo u hoggaansamaya amaawiirta ciidanka booliska ee amniga sugaya iyo kuwa gudidda doorashooyinka.