Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka DFS oo Gaalkacyo gaaray ayaa kormeeray xarumaha Caafimaad ee magaalada.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka DFS oo maalmahaan ba kormeer ku maraayay deegaanada maamul-goboleedka Galmudug si uu ugu kuur-galo baahiyaha caafimaad ee kajira deeganada Galmudug ayaa maanta gaarey magaalada Gaalkacyo.

Wafdiga Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Soomaaliya oo ay qayb ka ahaayeen Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdulaahi Jaamac, lataliyaha arimaha bulshada ee Xafiiska Madaxwaynaha JFS Mudane Cali Faarax Seeraar, Agaaaimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed iyo Mas’uuliyiin  ka tirsan Golleyaasha maamul-goboleedka Galmudug ayaa kormeeray Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug oo ay xog dheeri ah ka dhageysteen Maamulka iyo agaasinka Gobolka, kuwaa oo xusey in ay sugayaan  balaarin lagu sameeyo adeegyada aas-aasiga ah ee Caafimaadka oo dhinacyada qaar u baahan in la kordhiyo baaxad ahaan.

Wafdiga wasiirka ayaa sidoo kale u gudbey Isbitaalka Gaalkacyo daanta Puntland oo uu ku soo dhaweeyay Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir yuusuf xaaji oo qayb-qayb u tusiyey shaqada baaxada leh ee ka socota xarumaha adeega caafimaadka ee Gaalkacyo iyo hormarada ay ka sameeyeen adeeg bixinta mudooyinkan, iyadoo howshani qayb ka tahay dadaalada isku xirka iyo wada shaqeynta labada wasaaradood oo wafdiga wasiirku ugu sii gudbey Magaalada garoowe ee Caasimada Puntland.