Ciidanka XDS oo 25 Al-shabaab ahaa ku dilay gobolka Hiiraan

Buulo-burte- Ciidanka xoogga Dalka Soomaliyeed, qeybta 27aad ayaa howlgal ay ka sameeyeen degaanka Ceel-bacad oo hoos tagta degmada Buulo-burte waxa ay ku dileen 25 ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal, Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Al-shabaab looga furtay dagaalkaasi hub fara badan iyo agab millateri.

Taliyaha ayaa xusay qasaaraha argagixisada la gaarsiiyay inuu intaa ka badan yahay balse uu socdo tirakoob iyo xog ururin, islamarkaana ay dib kasoo sheegi doonaan.

Wasiir kuxigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya oo CXDS ku boorriyay inay labajabbaaraan dagaalka ka dhanka ah cadowga

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS xildhibaan Cabdulfitaax Qaasim oo maalmahanba kormeer shaqo u joogay Gobolka Hiiraan ayaa wuxuu halkaasi kulamo kula yeeshay taliska guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee xooga Dalka Soomaaliya oo uu fadhigiisu yahay magaalada Baladweyn.

Wasiirka ayaa saraakiisha taliska kadhageystay xaaladaha Ciidanka, waxaana uu ku bogaadiyay howsha ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo faray inay sii laba laabaan dadaalkooda ku aaddan sugidda ammaanka iyo la dagaallanka cadowga.

Mudane, Qaasim ayaa sidoo booqday xabsiga dhexe ee magaalada Baladweyn, wuxuuna halkaasi warbixin ku aaddan maxaabiista uga dhageystay Taliska xabsiga iyo xaaladaha ciidanka halkaasi ka howlgala.

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada xuska maalmaha xoriyadda oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay todobaadka xorriyadda

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada xuska maalmaha xoriyadda dalka Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay guddiga in ay hortaalo howlo balaaran oo ay ugu horeyso diyaarinta iyo weyneynta xuska 61-guurada ka soo wareegtay markii Gobollada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska ee 26-ka Juun. Midowga Waqooyi iyo Koonfur ee 1-da Luulyo.

“Waxaan rabnaa inaan si weyn u weyneyno waa 61 guuradii ka soo wareegtay markii la saaray calan Soomaaliyeed oo ugu horeysay 26-ka Juun iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur iyo xornimadii Gobollada Koonfureed marka la isku wada darro, munaasabadaas oo dhan 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo waxay noqon doonaan, maalmihii xoriyadda, maalmihii Qaranka oo runtii inoo ah maalmo sumad gaar ah inoo leh, Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto’. Ayuu yiri Wasiir Dubbe

Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada todobaadka xoriyadda ayaa xusay in wada hadallada dowladda  Federaalka iyo Somaliland ay meel fiican soo gaareen, isla markaana ay jireen in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi ay kulmeen muddo labo jeer ah, iyagoo isla meel dhigay arrimo badan, shacabkuna ay kalsooni badan ku qabaan in wada hadalada lagu guuleysto.

Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga oo kormeeray fariisimada ciidamada ee duleedka Ceeldheere

Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Caddow Cali Sanka ayaa kormeer dhiira-gelin ah ku tagay fariisimada ciidanka Guutada 15-aad ku leeyihiin duleedka deeganka Ceeldheere, waxaana halkaas si diiran Taliyaha Qeybta ugu soo dhaweeyey Jeneraal Mascuud Maxamed Warsame Taliyaha Guutada 15-aad Gaashaanle Xersi Cali Quuri Abaanduulaha Guutada iyo Saraakiil kale oo guutada ka tirsan.

Taliyaha ayaa booqday difaacyada ciidanka xoogga iyo deegaanadii ay ku baacsanayeen maal mihii danbe malishiyada Al-Shabaab, kuwaas oo hoostaga deeganka Ceeldheere ee gobolka Galgaduud.

Jeneraal Sanka ayaa bogaadiyey howlgallada joogtada ah oo ciidamadu aagaas ka wadaan isagoo kula dar daarmay inay sii xaqiijiyaan nabadgalyada deeganka iyo deegaanada ku xeeran.

Wasiir ka tirsan dowladda Uganda oo lagu risaaseeyey Magaalada Kampala.

Wararka ka imaanaya magaalada Kambala ee dalka Uganda ayaa waxa ay sheegayaan in Wasiirka howlaha Guud iyo Gaadiidka ee dalkaasi Uganda Gen. Katumba Wamala saakay lagu raasaaseeyay Kisota, xilli uu ka yimid Gurigiisa oo ku yaala Najjera.

Wasiirka ayaa waxaa la sheegay in uu soo gaaray dhaawac isla markaana loola cararay Isbitaalka, waxaa sidoo kale wararka ay sheegayaan in uu dhintay Darawalkiisa iyo Gabar uu dhalay.

Galmudug waxaa la kala diray Guddigii Farsamada ee dhismaha golayaasha degaannada.

Kusimaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug ahna Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arimaha guddaha Maamulka Galmudug ayaa soo saaray wareegto lagu kala diray Guddigii farsamada dhismaha Goleyaasha deegaanada Galmudug.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arimaha Guddaha Galmudug ayaa lagu sheegay sababta loo kala diray Guddiga iyo qodobada loo cuskaday kala dirkooda.

Hoos Ka aqriso Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Wasiirka.

Wasiirka gaadiidka ee XFS oo soo xiray tababar ku saabsan amniga garoonka diyaaradaha Muqdisho

Aqoon kororsigan oo ku aadan sare u qaadista amniga, tayeynta xirfadaha iyo adeegsiga qalabka baarista xirfadlayaasha garoonka Aadan Cadde ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Tababarkan oo socday 10- casho oo ay ka qeyb galeen 16 qof oo ka mid yihiin howl-wadeennada xafiisyada hay’adda duulista rayidka iyo xafiiska maamulka guud ee maareeyaha garoonka ayaa lagu baranayay mashiinnada baarista ee yaala garoonka iyo qalabka gacanta ee baarista oo lagu baaro rakaabka iyo dadka isticmaala garoonka.

Maareeyaha hay’adda duulista rayidka Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in koorsadan ay horumarinayso aqoonta howl-wadeennada amniga garoonka.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada mudane Duraan Axmed Faarax oo soo xiray tababarkan ayaa adkeeyey in dhammaan dadka ka howl-gala garoonka la siin fursadda tababarkan si loo illaaliyo amniga iyo shuruucda garoonka.

Safiirka Soomaaliya ee Sudan oo la kulmay Ra’iisul wasaaraha dalkaas

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee u fadhiya wadanka Sudan Mudane Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa maanta Xafiiskiisa ku booqday ra’iisul wasaaraha wadanka Sudan Dr. Abdalla Hamdok.

kulan miro dhal ahaa oo ay wada yeesheen danjiraha iyo Ra’iisul wasaaraha wadanka Suudaan Dr. Abdalla Hamdok ayaa ka dambeeyay dib markii Amb Maxamed Sheekh Isxaaq uu booqasho ku tagay xafiiska raiisul wasaare.

Intii uu socday Kulankaasi labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Laba geesoodka ah ee labada dal iyo arimaha la xariira caqabadaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ka  heysta iqaamadaha, waxaana uu kulanku ku soo idlaaday guul.

Wasiirka ku xigeen wasaaradda caafimaadka ee XFS oo gaaray Garoowe

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Axmed Xuseen Macalin Dr. Gurey, ayaa gaaray magaaladda Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland, waxaana uu kormeer ku sameeyey xarunta wasaaradda caafimaadka ee Puntland, Isbitaalka weyn ee Garoowe, sheybaarka guud iyo xarunta caafimaad gobolka Nugaal.

Wafdiga wasiir ku xigeenka caafimaadka ee XFS oo ay qeyb ka ahaayeen Lataliyaha arrimaha bulshadda ee Xafiiska Madaxweynaha JFS Mudane Cali faarax Seeraar, wasiirka caafimaadka Galmudug Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac, ayaa intii ay ku guda jireen kormeerka waxaa ay warbixino ka dhageysteen wasiirka caafimaad Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan oo sharaxaad ka bixiyey dadaaladda ay ka sameeyeen nidaamka caafimaadka Puntland.

wasiir ku xigeenka caafimaadka ee xukuumada Federaalka Soomaaliya  Dr. Axmed xuseen macalin Dr. Gurrey ayaa ugu dambeyn ku booriyay Puntland iyo Galmudug ka wada shaqeynta horumarinta adeegayada aas-aasiga u ah Caafimaadka Bulshada, isagoo ka warbixiyey ujeedka safarkiisan uu ku kala bixinayo dhammaan dowlad Goboleedyada dalka

Guddoomiye Cumar Filish oo dhagax dhigay dhismaha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Jaziira

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay dhismaha waddada Xalane ee xiriirisa Muqdisho iyo Jaziira.

Waddadan oo kamid ah kuwa ugu mashquulka badan ee Caasimadda ayaa waxaa ku yimid bur bur uu sababay Roobkii ka da’ayay Magaalada Muqdisho bilihii lasoo dhaafay taas oo isticmaal keeda noqotay mid halis ah.

Dhagax dhigaan waxaa goob joog waxaa ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha guud ee Gobolka Banaadir iyo xubno kale.