Safiirka Soomaaliya ee Sudan oo la kulmay Ra’iisul wasaaraha dalkaas

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee u fadhiya wadanka Sudan Mudane Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa maanta Xafiiskiisa ku booqday ra’iisul wasaaraha wadanka Sudan Dr. Abdalla Hamdok.

kulan miro dhal ahaa oo ay wada yeesheen danjiraha iyo Ra’iisul wasaaraha wadanka Suudaan Dr. Abdalla Hamdok ayaa ka dambeeyay dib markii Amb Maxamed Sheekh Isxaaq uu booqasho ku tagay xafiiska raiisul wasaare.

Intii uu socday Kulankaasi labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Laba geesoodka ah ee labada dal iyo arimaha la xariira caqabadaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ka  heysta iqaamadaha, waxaana uu kulanku ku soo idlaaday guul.