Wasiir ku xigeenka cafimaadka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Qardho

Wafdigan oo uu horkacayay Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, sidookalena ay qayb ka yihiin Mas’uuliyiin ka socota Wasaaradda Caafimaadka Galmudug iyo Puntland, ayaa gaaray magaalada Qardho si ay ugu kuur galaan adeegyada Caafimaad ee ka jira Isbitaalka weyn ee magaalada Qardho.

Wasiir kuxigeenka iyo madaxdii la socotay ayaa ugu horeyn warbixin ka dhageeystay bukaanada iyo hawl wadeenada xarumahii Caafimaadka ee ay booqdeen.

Wasiirka Caafimaadka Dowlad gobaleedka dPuntland Jaamac Faarax Xassan iyo dhigiisa Galmudug Cabdiwali Cabdulahi Jaamac ayaa ugu horeyn ka waramay kormeerkan iyo faa’iidooyinka uu u lahaa hawl-galinta xaruma caafimaad iyo howl wadeenada la shaqeeya Wasaaraddaha Caafimaadfka Puntlan iyo Galmudug.

Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Axmed Xuseen Macalin ayaa ugu dambeyn u mahad celiyay Wasiiradda Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo Galmudug oo uu sheegay in ay howlo badan galiyeen sare u qaadida adeegyada aas-aasiga ah ee Caafimaadka.

Danjiraha Soomaaliya u fadhin doona Addis ababa oo Warqadihiisa aqoosiga u gudbiyey Madaxweynaha dalkaasi.

Madaxweynaha Dawladda Etoobiya Sahle-Work Zewde ayaa warqadahiisa aqoonsiga si rasmi ah uga guddoontay danjiraha cusub ee Dawladda Soomaaliya u fadhin doona dalkaasi Itoobiya Danjire Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka Jiir.

Munaasabad heerkeeda sarreeyey oo ka qabsoontay aqalka madaxtooyada Itoobiya ee caasimadda Addis Abeba, oo ay ka qayb galeen masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya iyo madaxda safaaradda Somaaliya ee Addis Abeba ayaa waxaa Waraaqadihiisa Safiirnimo loogu gudoomay Danjire Ilkajiir.

Kadib markii danjiraha cusub laga guddoomay warqadaha aqoonsiga ayuu si rasmi ah ugu gudbay una fariistay xafiiskiisa cusub ee safaaradda, halkaas oo ay ka dhacday munaasabad kooban oo hawl-wadeenada Safaaradu ay kusoo dhoweynayeen safiirka cusub ee Soomaaliya u joogi doona dalkaasi Etoobiya

Qaraxyo ruxay magaalada Kabul ee dalka Afganistaan

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay 12 kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib qaraxyo is xig-xiga oo maanta ka dhacay magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afganistaan.

Hamid Rushan oo ah afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Afganistaan ayaa sheegay in laba qarax oo iskuxigay ay ka dhaceen galbeedka magaalada Kabul, kuwaas oo uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac badan.

Qarax saddexaad ayaa ka dhacay xarun koronto oo ku taal waqooyiga magaalada Kabul, kaas oo geystay qasaare ballaaran oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayadoo sidoo kalena ay jirto burbur hantiyadeed oo baaxad leh sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal ka tirsan waaxda tamarta iyo korontada ee dowladda Afganistaan oo lagu magacaabo Sangar Niazai.

Qaraxyadan ayaa waxaa bartilmaameedkoodu ahaa goobo ay ku badanaayeen dadka Shiicada ah ee laga tirada badan yahay ee ku nool dalka Afganistaan, ma jirto cid sheegatay in ay ka dambeysay weerarradan.

Ururka Daacish ayaa looga bartay Qaraxyada noocaan ah ee lagu ugaarsanayo Shiicada ku dhaqan dalkaasi oo ah 20% dadka reer Afganistaan.

Madaxweynaha ciraaq oo warqadaha Aqoonisga danjirnimo ka guddoomay danjiraha cusub ee Soomaaliya fadhin doona Baqdaad.

Madaxweynaha dalka ciraaq Dr. Barham Saalax ayaa maanta qasriga Madaxtooyda ee Magaalada Baqdaad kaga gadoomay warqadahiisa aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doonna Magaalada Baqdaad Mudane Liibaan Sheekh Maxamuud (Maalinguur)

Ugu horeyn danjire Liibaan aya uga mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Ciraaq sida wanaagsan ee uu uqaabilay, waxuuna u gudibyay salaan iyo bogaadin uu kaga waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo isagana u rajeeyay caafimaad iyo hormar guud ahaan shacabka ciraaq iyo Hoggaamiyahooda Dr. Barham.

Danjiraha Soomaaliya Mudane Liibaan Sheekh Maxmuud ayaa dhankiisa cadeeyay sida dalkiisu u doonayo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Baqdaad si loo gaaro danaha guud iyo manfacadda gobolka, isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay taageerada Ciraaq ee howlgalka Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweynaha Dalka ciraaq Barham Saalax ayaa Safiir Liibaan u rajeyay inuu ku guuleysto waajibaadkiisa diblomaasiyadeed ee Baqdaad, isagoo muujiyay in Dowladda ciraaq diyaar u tahay inay bixiso wax kasta oo taageero ah si loogu guuleysto iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.

Danjire Liibaan Sheekh Maxamuud (Maalinguur) ayaa ah qabiir Muddo kabadan afartan sano ku soo Jiray Arrimaha Diplomaasiyadda asigoona noqonaya danjirahii 3aad ee soo mara Safaaradda Somaaliya ee Dalka ciraaq burburkii kadib, iyadoona munaasabaddii maanta ee warqadaha looga gudoomayay Safiirka uu ku wehlinayay qansulka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka ciraaq Cabidfataax Sheekh Axmed .

Dalka Mali waxaa laga hakiyay xubinnimadii Midowga Afrika

Wadamada ku bahoobay Ururka Midowga Afrika ayaa si kumeel gaar ah u joojiyay xubinnimadii dalka Mali ee ururkaasi, Tallaabadaas Ururku qaaday ayaa jawaab u ah afgambigii uu militariga dalkaasi ku qabsaday dowladdii dalkaas ka ariminaysay.

Bayaan kasoo baxay Urur gobaleedka Midowga Afrika, ayaa lagu sheegay in Mali ay la kulmi doonto cunaqabateyn dheeraad ah, haddii militarigu aanu awoodda dib ugu soo celin dowladdii rayidka aheyd ee dalkaas ka talineysay.

Militariga Mali ayaa asbuuci hore xiray, madaxweynihi ku meel gaarka ahaa Bah Ndaw iyo Ra’isul Wasaarihiisii Moctar Ouane, kaddibna ku cadaadiyay in ay iscasilaan, arrintaas oo dhabarka ka jabisay dadaalladi lagu doonayay in dalka galbeedka Afrika lagu gaarsiiyo doorasho dimoqraadi ah sideed bilood kaddib marki ay isla militarigu afganbi awoodda uga tuureen madaxweynihi hore ee dalkaasi.

Sidokale Urur goboleedka ECOWAS ee Galbeedka Afrika ayaa isna maalinimadii Axada dalka Mali ka joojiyay xubinnimada ururkaasi

Agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga ee XFS oo kulan la yeeshay bahda Saxaafadda

Agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan ayaa maanta furay kulan horudhac ah oo ay Wasaaradda la yeelatay qeybaha kala duwan ee Saxaafadda dalka, oo ay ugu soo bandhigaysay sidoo kalena faham buuxa ka siinaysay sida uu u shaqeeyo Habka Onlaynka ah ee Diiwaan gelinta Shirkadaha iyo Bixinta laysimada Ganacsiga Soomaaliya oo dhawaan la daah furi doono.

Ujeedka kulankan, ayaa siddii Saxaafadda dalka ay qeyb uga noqon lahayd in bulshada la fahamsiiyo sida uu u shaqeynaayo barnaamijkani maadama ay u dub dhexaad u yihiin horumarinta dawladnimada iyo siddii bulshada loo gaarsiin lahaa  xogo iyo war-bixinno dhammeystiran.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay Agaasimeyaal cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Agaasimeyaal cusub u magacaabay wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Caafimaadka.

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa Agaasimaha guud ee wasaaradda Gaashaandhigga loogu magacaabay Xasan Maxamed Saciid Samatar, halka Agaasimaha duud ee Wasaaradda caafimaadka & daryeelka Bulshada loo magacaabay Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim.

Madaxweyne ku xigeen Galmudug oo qaabilay wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka howlaha guud ee XFS

Samareeb- Madaxweyna ku xigeen dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid, ayaa xarunta madaxtooyada Galmudug ku qaabilay wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka Howlaha guud iyo guriyeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalim oo safar shaqo ku tagay Galmudug.

Wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo Guriyeynta ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Galmudug u tagay indho-indheyntii ugu dambeysay ee qorshaha bilaabashadda wadada laamiga ah ee isku xirta dhuusamareeb iyo deegaanka qaradhi oo dhawaan dhismihiisa la bilaabi doono.

Wasiirka Wasaaradad Howlaha Guud XFS iyo wafdi uu hoggaaminaayey oo gaaray Samareeb

Wafdi uu hoggaaminayey wasiirka  wasaarada howlaha guud, dib u dhiska iyo  guryeynta Dowlada Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Macalim ayaa maanta gaaray Magaalada samareeb ee Xarunta dowlad goboleedka Galmudug,

Socdaalka wasiirka oo ay ku wehlinayeen Masuuliyiin heer federaal ah ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaarada Howlaha guud, dib u dhiska iyo  guriyenta Galmudug Axmed dhiblaawe casir iyo Masuuliyiin kale.

Kadib soo dhaweyn loo sameeyay wasiirka wasaarada howlaha guud ee XFS, Maxamed aadan Macalim waxaa loo soo galbiyay Madaxtooyadda Galmudug halkaasi oo uu kula kulmay Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ahna ku simaha Madaxweynaha, waxaana ay halkaasi isku weydaarsadeen salaan iyo is xog wareysi kooban.

Ujeedka wasiirka wasaarada howlaha guud, dib udhiska iyo guriyenta Dowlada Soomaaliya u tagay samareeb ayaa ah daah-furka mashruuca dhismaha wadooyinka iyo dib udayactirka wadada laamiga ah kaasoo wajigiisa koowaad maanta laga dhagax dhigay Magaalada samareeb islamarkaana mitiraadkiisa koowaad ku eg yahay deegaanka qaradhi ee Gobolka Galgaduud.

Wasiirka Wasaarada Howlaha guud dib udhiska iyo guriyenta Galmudug axmed dhiblaawe casir oo soo dhaweyn kadib warbaahinta kula hadlay Gudaha Madaxtooyada Galmudug ayaa dul istaagay muhiimada wafdiga wasiirka usoo saareen Galmudug.

Dhinaca kale wasiirka wasaarada howlaha guud dib udhiska iyo guriyenta Dowlada Soomaaliya mudane Maxamed aadan Macalim ayaa sheegay in la daahfuri doono wajiga koowaad ee Dhismaha wadooyinka iyo dib udhiska wadada laamiga kaasoo ka bilaaban Doona magaalada samareeb

Guddiga uu Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay hubinta xubnaha cabashada laga qabo ee guddiyada doorashooyinka oo soo bandhigay magacyada xubnaha cabashada laga keenay

Guddiga Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u saaray xaqiijinta xubnaha cabashada laga qabo ee guddiyada doorashooyinka oo soo bandhigay magacyada xubnaha ay cabashada kamuujiyeen dhinacyada siyaasadeed iyo noocyada cabashada laga muujiyay.

Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare  Eng. Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa sheegay in guddigu ay shaqo bilaabeen, lana kulmeen dhammaan dhinacyada siyaasadeed oo u soo gudbiyay xubnaha ku jira guddiyada doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Dowlad-goboleed ee ay cabashada ka muujiyeen.

Afhayeenka guddiga Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay hubinta xubnaha cabashada laga qabo, ahna Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala, ayaa sheegay in soo gaareen 67 xubnood.

hoos ka akhri magacyadda xubnaha ku jira guddiyadda doorashooyinka ee cabashada laga muujiyey.