Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo daahfuray qorshaha fayo-dhowrka caafimaadka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir (Cumar Filish) ayaa Maanta daahfuray Qorshaha Fayo-dhowrka Caafimaad Dowladda Hoose ee Xamar, Bad-Qabka dadka u adeega Bulshada iyo Bixinta Buuga Caafimaad.

Munaasabadaan oo ka dhacday Hotelka Decale ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Wasiirka Wasaarada Cadaalada Dowlada Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Xildhibaano, Agaasimeyaal iyo Bahda Caafimaadka.

Qorshahan maanta la daah furay ayuu Maamulka Gobolka Banaadir ugu gol-leeyahay sidii loogu shaqeyn lahaa Badqabka Bulshada isla markaana loo tayeyn lahaa Fayo-dhowrka iyo Caafimaadka Bulshada Gobolka Banaadir.

Ra’iisal wasaare Rooble oo maanta ku wajahan magaalada Jowhar iyo Wafdi hordhac u ah socdaakiisa oo gaarey halkaasi

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno hordhacna u ah socdaalka Ra’iisal wasaare Rooble ayaa goordhow gaaray magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Wasiirada Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Gargaarka iyo masiibooyinka , waxaa lagu soo dhoweeyay fariisinka ciidamada AMISOM ee xaafadda horseed oo ka tirsan Degmada Jowhar.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa saacadaha soo socda la filaaa inuu gaaro magaalada Jowhar, iyadoo magaaladaasi ay ka socdaan qababqaabo ku aadan soo dhoweynta raiisul wasaaraha iyo wafdiga uu hoggaaminaayo.

Safarka Ra’iisul wasaaraha ayaa ku qotama u kuur gelidda xaaladda deegaanka iyo dadka ay daadadka saameyeen.
Dhanka kale, Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Jowhar si uu magaalada ugu soo dhoweeyo Wafdiga Ra’iisal wasaaraha.

Magaalada Jowhar iyo Guud ahaan Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa ka jira xaalado bini’aadannimo oo ay sababeen Fataahdo iyo dagaal beeleedyo kusoo laalaabtay, kuwaasoo dhawaan laga gaarey heshiis ay gar wadeen ka aheyd Dowladda Soomaaliya, iyadoo u dirtay Guddi isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano uu hogaaminaayey Wasiir kuxigeenka Gaashandhigga Soomaaliya Cabdifataax Qaasim.

Wafdi hordhac ah oo ka socda DFS oo gaaray Jowhar

Wafdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jiray  wasiirro iyo xildhibaanno hordhac u ah socdaalka Ra’iisal wasaare Rooble ayaa goordhow gaaray magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe.

Wafdigaasi oo ay ka mid ah Wasiirad Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Gargaarka iyo masiibooyinka , waxaa  lagu soo dhoweeyay fariisinka ciidamada AMISOM ee xaafadda horseed oo ka tirsan Degmada Jowhar.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa saacadaha soo socda la filaaa inuu gaaro magaalada Jowhar,iyadoo magaaladaasi ay ka socdaan qababqaabo ku aadan soo dhoweynta raiisul wasaaraha iyo wafdiga uu hoggaaminaayo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo magacabay Guddoomiye ku-xigeenka Gargaarka ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa magacaabay Gudoomiye ku-xigeenka Gargaarka iyo Samafalka ee Gobolka Bakool.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in markii uu Madaxweynaha dhageystay talo soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed, isla markaana uu tixgeliyay aqoonta uu u leeyahay howshan, waxa uu Mudane Cumar Daa’uud Khaliif u magacaabay in uu noqdo Guddoomiye ku xigeenka Gargaarka iyo Samafalka ee Gobolka Bakool.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa faray mudanaha la magacaabay inuu si hufan u guto waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Madaxweynaha Puntland oo soo gudbiyay magacyada Guddiga Doorashooyinka Puntland ee heer federaal

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u soo gudbiyay magacaabista xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ee heer Federaal.

Guddiga oo ka kooban sideed xubnood waxa ay kala yihiin:-

1. Cabdikariim Muuse Maxamuud
2. Mouse Cabdiqaadir Ducaale
3. Axmed Cabdi Maxamuud
4. Ceynaanshe Yuusuf Xuseen
5. Caydaruus Axmed Faarax
6. Cabdirisaaq Cabdulle Faarax
7. Farxiya Xuseen Maxamuud
8. Canab Xaaji Saleebaan Warsame

Wasiirka Cadaaladda oo sheegay in baaritaan lagu sameynayo isku dhac ciidan oo ka dhacay aga-gaarka Maxkamadda Gobalka Banaadir

Galabta ayey ahayd markii ciidan ka tirsan Asluubta iyo ciidamo ilaalo u ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh uu iska hor imaad kooban oo aan qasaare gaysan ku dhexmaray Kontarool ku yaal dhanka Degmada Xamar weyne oo laga ilaaliyo Hay’adaha Garsoorka iyo Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Cadaaladda iyo Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo shir jaraa’id ku qabtay Xabsiga Dhexe ayaa muujiyey sida ay uga xun yihiin gacan ka hadalka dhexmaray labada ciidan ee Qaranka u wada adeegayey.

Taliyaha ciidanka Asluubta Jenaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in falka uu ahaa mid aan wanaagsaneen ku tagalkana uusan ahayn in ciidan hal hadaf leh ay isku dhacaan.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Mudane Cabadulqaadir Maxamed ayaa sheegay in ka dowlad ahaan ay ka xunyihiin rasaastii labada ciidan ay is dhaafsadeen, raali galina ay ka siinayaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Taliyaha Asluubta iyo Wasiirka Caddaalada ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in la baarayo sababta keentay in ciidanka isku dhacaan.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Hoggaanka Ciidamada Midowga Yurub

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya  Gen.Cabaas Aamiin ayaa waxay kulan la qaateen Saraakiil ka tirsan Hoggaanka Ciidamada Midowga yurub oo uu hogaaminayay Agaasimaha Guud ee Ciidamada Midowga Yurub ,Wafdigan ayaa ka yimid Xarunta Midowga Yurub ee Baraasalis .

Kulanka labada dhinac ayaa ku qotamay iskaashi iyo Siddii midowga Yurub ay u labo jibaari lahaayeen Taageerada iyo Tababarada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Ciidanka Midowga yurub ayaa tilmaamay in Soomaaliya horumar iyo soo kabasho ka sameysay arrimaha Ciidanka dhankoodana diyaar u yihiin garab istaaga Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa kaga mahadceliyay Wafdigan booqashada ay ku yimaadeen Soomaaliya isagoo xusay in Midowga yurub uu qeyb ka yahay dalalka taageera Soomaaliya, waxa si qota dheer ugu sheekeeyay iskaashiga Ciidan iyo kaalinta midowga yurub oo uu tilmaamay in ay tahay mid muuqata .

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo magacabay xubnihii laga sugayey ee Guddiyada Doorashooyinka Kuraasta Somaliland

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya  Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  u gudbiyey Magacaabista xubnihii laga sugayay ee Guddiyada Doorashooyinka Kuraasta Somaliland, Waxayna kala yihiin:-

1.Cabdishakuur Daa’uud Maxamed.

2.Maxamed Ciise Heybe (Xallinta Khilaafaadka ).

3.Suleymaan Caydiid Cusmaan.

4.Cabdishakuur Abiib Xayir .

5.Maxamed Cali Cabdullaahi.

6.Jaamac Cumar Cali

 

Wasaaradda Waxbarashada oo soo gabo-gabaysay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada sare

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xasan ayaa maanta soo xiray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka12aad.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda waxbarashada ayaa sheegay in aysan jirin caqabado ku yimid  Howlwadeennada, Ilaaliyayaasha, kormeerada iyo guud ahaan habsami u socodka Imtixaanka  Shahaadiga ah ee Sanad dugsiyeedka 2020-2021.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa u mahadceliyay Ardayda, Maamulada Iskuuladda, Ardayda iyo Waalidiinta ee xilliga adag ku dhiiraday in ay Carruurta Soomaaliyeed wax baraan.

Agaasimaha guud ayaa u rajeeyay Mustaqbal Wanaagsan iyo Horumar bahda Waxbarshada Soomaaliyeed heer kasta iyo meelba oo ay joogan.

Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaliya oo ka hadlay Xiriirka dawladdaha Soomaliya,kenya iyo jabuuti

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya, Mudane Muhammad Abdirizak, oo waraysi gaar ah la yeeshay telefishanka qaranku ayuu wasiirku kaga hadlay arrimihii ugu dambeyey ee gobolka iyo Siyaasadda arrimaha dibedda Soomaaliya, ugu horayn wasiirka oo ka hadlaya heshiiskii laga gaadhay khilaafka doorashada ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Heshiiskii Sebtember 17, oo ay si wada jir ah u wada gaareen dawladaha federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah, iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, wuxuu ahaa mid taariikhi ah, isagoo xusay dadaalka wadajirka ah ee ay wadaan madaxda iyo siyaasiyiinta dalka si loogu guuleysto guusha. qorshaha geeddi-socodka doorashooyinka dalka.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti, wuxuuna yiri: “Labada dal waxay leeyihiin xiriir walaaltinimo oo taariikhi ah, iyadoo la tixraacayo warbixintii ay Jabuuti ka soo saartay guddiga baaritaanka ee ku saabsan khilaafaadka u dhexeeya Muqdisho iyo Nairobi, Saamayn xun kuma yeelanayso xiriirka adag ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah: Raysulwasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu ka qayb galay xafladii caleemo saarka dib u doorashada Madaxweynaha Jabuuti. ”

dhinaca kale Wasiirka ayaa beeniyay in dawladda Qadar ay doonayso inay soo afjarto kala aragti duwanaanshaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya si xal diblomaasiyadeed looga gaaro muranka badda, isagoo carabka ku adkeeyay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay sugeyso go’aanka ugu dambeeya ee Maxkamadda Caalamiga ah.