Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Hoggaanka Ciidamada Midowga Yurub

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya  Gen.Cabaas Aamiin ayaa waxay kulan la qaateen Saraakiil ka tirsan Hoggaanka Ciidamada Midowga yurub oo uu hogaaminayay Agaasimaha Guud ee Ciidamada Midowga Yurub ,Wafdigan ayaa ka yimid Xarunta Midowga Yurub ee Baraasalis .

Kulanka labada dhinac ayaa ku qotamay iskaashi iyo Siddii midowga Yurub ay u labo jibaari lahaayeen Taageerada iyo Tababarada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Ciidanka Midowga yurub ayaa tilmaamay in Soomaaliya horumar iyo soo kabasho ka sameysay arrimaha Ciidanka dhankoodana diyaar u yihiin garab istaaga Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa kaga mahadceliyay Wafdigan booqashada ay ku yimaadeen Soomaaliya isagoo xusay in Midowga yurub uu qeyb ka yahay dalalka taageera Soomaaliya, waxa si qota dheer ugu sheekeeyay iskaashiga Ciidan iyo kaalinta midowga yurub oo uu tilmaamay in ay tahay mid muuqata .