Hoggaamiyihii kooxda Argagaxisada Booko Xaaram oo is dilay

Hoggaamiyihii kooxdka argagaxisadda ee Booko xaaram Abuubakar Shekau, ayaa is dilay sida lagu sheegay cajalad cod ah oo ay baahisay kooxda la baxday Dawladda islaamka ee galbeedka Afrika.

Shekau ayaa sida la sheegay geeriyooday ka dib dagaal adag oo dhex maray labadda kooxood iyadoo kooxdiisu jab kala kulantay dagaalka,hoggaamiyaha Booko Xaaram ayaa isku dilay qarax uu isku xidhay.

xigasho BBC Somali:

Wasiirka wasaaradda Haweenka oo kulan la yeelatay danjira UK ee Soomaaliya

Wasiiradda Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa maanta kulan la yeelatay danjiraha UK ee Soomaaliya Kate Foster.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka, ilaalinta xuquuqda Aadanaha iyo xaqiijinta qoonddada haweenka ee 30%.
Wasiir Xaniifa, ayaa ka warbixisay ololaha xaqiijinta qoonddada haweenka oo wasaaradda garwadeyn ka tahay.
Danjire Foster, ayaa dhankeeda soo dhaweysay dadaalka wasaaradda ugu jirto sidii loo ilaalin lahaa Xuquuqda siyaasadeed ee Haweenka ku leeyihiin labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ciidanka Isra’il oo xabsiga dhigay gabar u ololeysa xaafadda Sheekh Jarraax ee Qudus

Qudus- Booliska Israel ayaa maanta xabsiga dhigay Muna al-Kurd, oo safka hore kaga jirta dadkii u ololeeyay dhaqdhaqaaqyadii lagu joojiyay degaameynta ay Yuhuudda ka wadday xaafadda Sheikh Jarrah ee bariga magaalada Qudus.

Nabil al-Kurd, oo ah Muna aabbaheed ayaa Wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA u sheegay in gabadhiisa ay Boliiska ka wateen gurigooda oo ku yaalla xaafadda Sheikh Jarrah, isagoo intaa raaciyay inay Ciidanku ku war geliyeen inuu isa soo dhiibo walaalkeed la mataan ah oo lagu magacaabo Maxamed.

Muna Nabil al-Kurd, oo ah 23 jir u dhalatay Falastiin iyo walaalkeed Maxamed ayaa lagu eedeeyay inay ka mid yihiin dadka u dhaqdhaqaaqa xorriyadda dadka iyo dalkooda, iyagoo saddexdii bil ee ugu dambeysay waday olole ay ugu magic dareen #SaveSheikhJarrah (badbaadi Sheekh Jarraax).

Xarigga Muna ayaa yimid maalin kadib markii ay Ciidanka Yuhuudda xireen Givara Budeiri, oo ah suxufiyad u shaqaysa Aljazeera xilli ay tabineysay bannaanbax ka socday Sheikh Jarrah.

Wasaaradda Warfaafinta oo loo magacaabay Agaasime guud

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Maxamed Xuseen Rooble ayuu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ugu magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamed Xayir.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa horay usoo noqday Agaasimaha guud ee Wasaaradda ganacsiga iyo wershadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

dawladda Yemen ayaa ku eedaysay Xuutiyiinta weerar ka dhacay Marib oo ay ku dhinteen 17 qof

Ugu yaraan 17 qof oo ay ku jirto gabar shan sano jir ah ayaa la dilay ka dib markii gantaal ballistic ah lala beegsaday magaalada Marib ee Yemen weerarkan oo ay dowladda ku eedeysay falaagada Xuutiyiinta,Gantaalku wuxuu ku dhacay xarun shidaal oo ku taal xaafadda Rawdha, ayuu yiri Ali al-Ghulisi oo ah xoghayaha saxaafadda ee barasaabka gobolka.

Tan iyo bishii Febraayo, falaagada Xuutiyiinta waxay isku dayayeen inay qabsadaan Marib si ay u dhammaystiraan qorshahooda gacan ku haynta qaybta woqooyiga Yemen.

Weerarkii Sabtidii ayaa yimid maalin un kadib markii ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Yemen, Tim Lenderking, uu ku eedeeyay Xuutiyiinta inay xagal daacinayaan dadaaladda xabad joojinta oo ah mid aad loogu baahan yahay xiligan.

Dhinaca kale waxa dalka Yemen soo gaadhay Wafdi ka socda dalka Cumaan,Wafdigan ayaa yimid magaalada Sanca si ay wadahadalo ula yeeshaan hogaamiyaasha Xuutiyiinta si loo hormariyo geedi socodka nabada, sida uu sheegay Mohammed Abdul-Salam oo ah madaxa wada xaajoodka

Jordan Ciidamadda Amniga oo la kulmay Weeraro hubaysan.

Ciidamada amniga ee dalka Jordan ayaa la kulmay weeraro hubeysan caasimada Cumaan, sida ay masuuliyiintu sheegeen ka dib markii ay isku dhaceen taageerayaasha xildhibaanka laga madnuucay baarlamaanka iyo booliska dalku maalinimadii sabtida

Xildhibaan Osama al-Ajarma, ayaa laga mamnuucay sharci dejinta muddo sanad ah dabayaaqadii bishii hore ka dib markii uu ku aflagaadeeyay meyd khudbad uu jeedinayay mudaaharaadayaasha xubnaha qabiilkiisa.

Warbixin gaar ah oo ay daabacday wakaaladda laamaha amniga ayaa lagu sheegay in afar xubnood oo ka tirsan ciidamada amniga oo la tacaalayay rabshadaha ka dhacay aagga Naour ay ku dhaawacmeen iyaga oo isku dayaya inay joojiyaan rabshadaha

Ciidanka Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan oo u dabaal degay maalinta Xoriyadda jabuuti

Cutubyadda ka tirsan ciidanka hawgalka midowga afrika ee dalka jabuuti ayaa qabsaday munaasab ay ugu dabaal degayaan xuska munaasabada 27 june oo ah maalintaa xoriyadda dalka jabuuti ka qaatay gumaystihii faransiiska.

Munaasibadan oo ka qayb galeen saraakiisha ciiidamda dalka jabuuti ee Amisom, saraakiil ka tirsan ciidamda xoogga dalka Soomaaliyeed, maamulka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmadda Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Goobta Munaasabada ka dhacaysa ayaa waxaa gaado ka ciyaar ku soo bandhigay cutubyo ka tirsan Ciidamada Amisom ee ka socda dalka jabuuti.

Shacabka jabuuti ayaa xoriyadooda ka qaatay gumaystihii faransiiska 27june sanadii 1977 iyagoo tan iyo wixii maalintaa ka dambeeyey sanad walba ku xuso munaasabado waaweyn maalinta xoriyadoodda.

Xubnihii ay cabashada ka timid oo laga saaray guddiga doorashooyinka dalka

Guddiga xaqiijinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku dhawaaqay in 34 xubnood laga saaray liiska guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan.

Dhawaan ayay aheyd markii midowga musharaxiinta ay soo gudbiyeen illaa iyo 67 qof oo ay siyaabo kala duwen uga cabanayeen oo ay la haayeen waxay katirsanyihiin dowladda ciidanka iyo qaar siyaasisiina ama ay ku eedeenayeen in ay dhexdhexaad aheen.

Guddiga xaqiijinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa ku dhawaaqay in 34 qof oo ka mida xubnihii  la soo magacaabay ay baaritaan dheer kadib ay saameen ku yeesheen eedeentii la soo jeediyay ayna u kala direen maamul goboleedyadii soo magacaabay iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaarkood laga soo magacaabay

Guddiga ayaa sheegay in muddo 48 saacadood gudahood ah ay ku soo magacaabaan xubnihii badalilahaa 34 taas qof ee uu guddigu soo gudbiyay.

Caalamka oo looga dabaaldagay xuska 5-ta June ee maalinta degaanka

Maanta oo kale Shanta bisha June ayaa waxaa caalamka laga xusaa maalinta degaanka Adduunka (World Environment day), iyadoo dal waliba uu ka hadlo dhibaatooyinka soo food-saaray degaankiisa iyo horumarrada laga gaaray.

Degaanka oo ka ballaaran inta aynu naqaan ama ay dhaayuhu arkaan ayaa ah amhiyadda ugu weyn ee aadmiga iyo noolaha kale, maaddaama aysan la’aantii nololiba jirteen.

Waxaana sidaa daraaddeed xil weyn iska saaray ilaalintiisa iyo ka warqabkiisa Aadanaha koonka ku dul nool, isagoo gudanaya waajibaadka uu Rabbi ka saaray ee ah inuu dadku ka yahay Khalliif ama hoggaamiye Adduunka, waxaanay iyagoo taa ka duulaya qabtaan waddamada caalamka kulamo looga hadlayo degaanka iyo isbeddelka cimillada.

Haddaba iyadoo diiradda la saarayo muhiimadda uu degaanku u leeyahay Aadmigu ayay Qaramada midoobay markii ugu horreeysay 5-dii June 1972 ku qabatay shir ay ugu magacdartay (United Nations Conference on Human Environment) magaalada Stockholm ee dalka Sweden, waloow aysan kulankaasi ka qeyb galin waddamada dunida saddexaad oo aan u arkayn xilligaasi inuu muhiimad u leeyahay iyaga.

Inkastoo 1972-kii kadib ay magac bixinta maalinta degaanka Adduunka soo martay marxalado kala duwan ayaa mar kale waxa ay QM shir kale ku qabatay magaalada Rio de janeiro ee dalka Brazil bishii June 1992-kii, kulankaas oo ahaa kii ugu ballaarnaa oo looga hadlo arrimaha degaanka waxaa ka qeyb galay 178 hoggaamiye dowladeed iyo hay’ado caalami ah.

Sanadkaas waxa uu ka mid ahaa waayaha madoow ee soo maray dalkeenna Soomaaliya, sababtoo ah ma jirin cid matasha oo shirkaasi ugu qeyb gashay iyo cid kusoo hadal qaadda marxaladaha ay ku sugnaayeen degaannada kala duwan ee Soomaaliya iyo waxa ka jiray.

QM waxay shirkaas ay Soomaaliya bannaanka ka ahayd kasoo saartay ajende ay ugu magic dartay Agendaha 21, oo ah xeer illaa iyo maanta looga dhaqmo dunida marka laga hadlayo arrimaha degaanka, kaas oo ah mid loogu talagalay in Qarnigan 21-aad lagu dhowro laguna horumariyo degaanka dunida, halka Soomaaliyana ay ahayd mid cagaha lasii galaysay dagaallo sokeeye .

Degaannada Soomaaliya ayaa wixii ka horreeyay burburkii dowladdii dhexe 1991-kii waxay ahaayeen meelaha dunida loogu jecel yahay bad iyo berriba, waxay lahayd hawo macaan oo nadiif ah, cimillo deggen oo dhex-dhexaad ah, dhul barwaaqo ah oo ku habboon beerashada iyo dalxiiska, Ugaar kala duwan, dhir kala jaad ah, xeeb aad u dheer, waxay sidoo kale ahayd meel ay ku kulmaan laba bad oo ay ka buuxaan kheyraad fara badan.

Burburkii ka dib Soomaaliya waxaa degaannadeenna bad iyo Berriba lasoo gudboonaatay ayaan darradii ugu weynayd oo ay ka mid ahaayeen Dowlad la’aan, daryeel la’aan iyo dayac u nugleeyay inay nacab waliba u noqdaan baylah.

Nasiib darro,  marxaladihii adkaa ee ay bulshadu gashay awgeed waxaa dalka ka billowday kooxo kala duwan oo ka ganacsada Dhuxusha, kuwaas oo qaarkood abaabulan haystana awoodo ciidan una dhoofiya qaar ka mid ah waddamada Khaliijka.

Xaalufka ku yimid dhirta iyo keymihii waaweynaa awgeed waxaa dalka ka dhacay roob yaraan badan oo sabab u noqday abaaro soo laalaabtay, kuwaas oo galaaftay nolosha dad iyo duunyo badan, dhaliyayna qax iyo barakac, taas oo muddo kooban gudaheed ku beddeshay muuqaalkii quruxda badnaa ee degaannadeenna.

Duurjoog badan oo ay Soomaaliya caan ku ahayd ayaa dalka ka hayaamay, iyadoo qaar badan oo ka mid ihi gashay waddama deriska, halka in badan oo ka mid ahna loo manaafacaadsado si xad ka bax ah maaddama aysan jirin dowlad il gaar ah ku eegta iyo hay’ado iska xil saara ilaalintooda.

Soddonkii sano ee lasoo dhaafay waxaa sidoo kale ka billowday badaha Soomaaliya kooxo abaabulan oo wata Maraakiib waawyn, kuwaas oo qashinka kasoo hara waxyaabaha ay Wershadahooda farsameeyaan ku daadiya Xeebaheenna, iyagoo sidoo kale jiriif ba’an ka geysta biyaheenna kana gurta Kalluunka qaaliga ah, Ugxantiisa iyo Macdanno kale.

Inkastoo dowladda FS aysan lahayn awood ay ku daboosho baahiyaha ku gedaaman hanashada iyo ka warqabka degaanka, sida ilaalinta dhirta iyo duur-joogta, ka hortagga xaalufka iyo la tacaalidda abaaraha, haddana dedaal badan ayay ugu jirtaa soo celinta awooddii dowladnimo iyo waxyaabihii bud-dhigga u ahaa degaan dhowrka.

Hay’adaha iyo xeel dheerayaasha kale ee ku taqasusay degaanka iyo wax ka qabashadiisa sheegeen in hanashada degaanka ay gundhig u tahay dowlad xoog leh oo ay u idil yihiin imkaaniyaadkii u fududeyn lahaa wax ka qabashada degaanka dalkeenna.

Madaxweynaha Ruushka oo qorshaynaya in la hagaajiyo xidhiidhka Ruushka iyo Maraykanka

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay inuu qorshaynayo sidii loo  hagaajin lahaa xiriirka Ruushka  iyo Maraykanka marka uu shir madaxeedkiisa ugu horeeya  uu la yeesho dhigiisa Mareykanka Joe Biden dabayaaqada bishan,

Kulanka fool ka foolka ah ee lagu wado inuu ka dhaco magaalada Geneva 16-ka Juun ayaa imanaya iyadoo uu aad u xumaaday xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Ruushka.

Xiisado ayaa ka taagan arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiisada Ukraine iyo eedeymaha la xiriira faragelinta doorashooyinka maraykanka.

madaxweynaha Ruushka ayaa sidoo kale sheegay in dowladaha reer Yurub ay tahay inay ku bixiyaan gaaska Ruushka lacagta yuurada maadaama Moscow ay wado dadaalkeeda ka dhanka ah doolar-ka, Ruushka ayaa qorshaynaya inuu dhimo kaydadkiisa lacagta dollarka isagoo raba inu uga wareego lacagaha sida yuurada iyo dahabka.