Madaxweynaha Ruushka oo qorshaynaya in la hagaajiyo xidhiidhka Ruushka iyo Maraykanka

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay inuu qorshaynayo sidii loo  hagaajin lahaa xiriirka Ruushka  iyo Maraykanka marka uu shir madaxeedkiisa ugu horeeya  uu la yeesho dhigiisa Mareykanka Joe Biden dabayaaqada bishan,

Kulanka fool ka foolka ah ee lagu wado inuu ka dhaco magaalada Geneva 16-ka Juun ayaa imanaya iyadoo uu aad u xumaaday xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Ruushka.

Xiisado ayaa ka taagan arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiisada Ukraine iyo eedeymaha la xiriira faragelinta doorashooyinka maraykanka.

madaxweynaha Ruushka ayaa sidoo kale sheegay in dowladaha reer Yurub ay tahay inay ku bixiyaan gaaska Ruushka lacagta yuurada maadaama Moscow ay wado dadaalkeeda ka dhanka ah doolar-ka, Ruushka ayaa qorshaynaya inuu dhimo kaydadkiisa lacagta dollarka isagoo raba inu uga wareego lacagaha sida yuurada iyo dahabka.