Wasiirka wasaaradda Haweenka oo kulan la yeelatay danjira UK ee Soomaaliya

Wasiiradda Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa maanta kulan la yeelatay danjiraha UK ee Soomaaliya Kate Foster.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka, ilaalinta xuquuqda Aadanaha iyo xaqiijinta qoonddada haweenka ee 30%.
Wasiir Xaniifa, ayaa ka warbixisay ololaha xaqiijinta qoonddada haweenka oo wasaaradda garwadeyn ka tahay.
Danjire Foster, ayaa dhankeeda soo dhaweysay dadaalka wasaaradda ugu jirto sidii loo ilaalin lahaa Xuquuqda siyaasadeed ee Haweenka ku leeyihiin labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.