Xubnihii ay cabashada ka timid oo laga saaray guddiga doorashooyinka dalka

Guddiga xaqiijinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku dhawaaqay in 34 xubnood laga saaray liiska guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan.

Dhawaan ayay aheyd markii midowga musharaxiinta ay soo gudbiyeen illaa iyo 67 qof oo ay siyaabo kala duwen uga cabanayeen oo ay la haayeen waxay katirsanyihiin dowladda ciidanka iyo qaar siyaasisiina ama ay ku eedeenayeen in ay dhexdhexaad aheen.

Guddiga xaqiijinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa ku dhawaaqay in 34 qof oo ka mida xubnihii  la soo magacaabay ay baaritaan dheer kadib ay saameen ku yeesheen eedeentii la soo jeediyay ayna u kala direen maamul goboleedyadii soo magacaabay iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaarkood laga soo magacaabay

Guddiga ayaa sheegay in muddo 48 saacadood gudahood ah ay ku soo magacaabaan xubnihii badalilahaa 34 taas qof ee uu guddigu soo gudbiyay.