Wasiirka maaliyadda oo shir guddoomiyey kulanka billaha ee guddiga maamul wanaaga maaliyadda

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka billaha ee guddiga maamul wanaaga maaliyadda ee ( FGC), oo ay ku mideysan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’addaha dhaqaalaha adduunka. Waxaana kulanka looga hadlay xaladda dib u habeynta maamulka maaliyadda ee dowladda iyo meelaha kale ee muhiimka ah sida habka qandaraasyadda, Iibka Qaranka (procurement), iyo heshiishyadda dowladdu gasho.

“ waxaan u mahadcelinayaa Hey’adihii nagala qeyb galay shirka oo ay ugu horreeyaan xafiisyadda Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, wasaaradda Badroolka, Bangiga Adduunka, IMF, iyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya” ayuu yiri Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Wasaaradaha Kalluumeysiga iyo Dekedaha oo xusay maalinta Caalamiga ah ee Baddaha Adduunka

Munaasabadda lagu xusayay maalinta Badaha Adduunka oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Wasaaraddaha Kheyraadka Badda iyo Gaadiidka Badda ayaa waxaa ka qeybgalay ururada iskaashatooyinka, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Soomaaliya iyo  mas’uuliyiin ka socotay xafiiska Ra’isul Wasaaraha dalka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya Mudane Maxamuud Sheekh Cabdullaahi ayaa sheegay in xuska maalinta badaha Adduunka ay muhiimad gaar ah u leedahay shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in si wada jir ah looga faa’iideysto kheyraadka badda ku jiro, maadaama Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer Qaaradda Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Kallkuumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame oo soo xiray munaasabadda lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Badaha Adduunka, isla markaana si gaar ah ula hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in uu meel gabagabo ah marayo sharciga looga hortagayo kalluumeysiga sharci darrada ah, mustaqbalka dhawna gudaha dalka lagu maxkamadeyn doono ciddii sharciga jebisa .

Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay wadfi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Sucuudiga

Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa la kulmay wefdi ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya,

Wasiir Ashkir iyo wafdigan ka socday dalka sucuudiga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka & iskaashiga labada dal iyo dib u furista safaaradda Sacuudiga ee Soomaaliya.

Giriigga oo go’aan ka qaadatay qaabbilaadda muhaajiriin ay Soomaali ku jirto

Dowladda Giriigga ayaa isbeddel xagga socdaalka ah kusoo rogtay dadka magangelyo doonka ah ee kasoo kala jeeda waddamada Soomaaliya, Pakistaan, Suuriya, Afganistan iyo Bangaladhesh.

Dadkan oo intooda badan waddanka Giriigga uga tallaaba xadka uu la wadaago Turkiga ayaa si sharci darra ah ku gala dalkaas, iyagoo uga sii gudba dalalka kale ee Yurub.

Wasiirka muhaajiriinta iyo magangelyo-doonka dalka Giriigga, Notis Mitarakis ayaa sababta ay musaafuriinta sharci darrada ah diiradda u saarayaan imaashiyaha Turkiga ku sheegay iyagoo u arka sida waddan kale oo ammaan u ah tahriibayaasha kasoo jeeda waddamadaas.

Dowladda Giriigga ayaa sheegtay in ay garwaaqsanayso inaysan imaashiyaha muhaajiriinta ee Turkiga khatar ku ahayn Jinsiyaddooda, Diintooda, muwaaddin-nimadooda ama siyaasadda ay aaminsan yihiin, balse ay ka cabsi qabaan inay Athnes marin u noqoto qul-qulka musaafuriinta sharci darrada ah iyo fal-dambiyeedyada shabakadaha wax tahriibiya.

Duqa Muqdisho oo dhagax-dhigay Xarunta Degmada Cabdicasiis

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax-dhigay Xarunta Degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho taasi oo dib u dhis balaaran lagu sameyn doonno.

Dhagax-dhigaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Kusimaha Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis, Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shacabka Degmada Cabdicasiis.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dib-u-dhiska Balaaran ee lagu sameenayo Xarunta Degmada Cabdicasiis ay qeyb ka tahay Mashaariicda dib-u-dhis ee Maamulka Gobolka Banaadir ka fulinayo xarumaha danta guud ee loogu adeego Bulshada Caasimada, Asigoona kula dar-daarmay in shacabka ay ilaashadaan goobaha danta guud ee dib-u-dhiska lagu sameeyay.

Horey ayuu Maamulka Gobolka Banaadir dib-u-dhisyo balaaran ku sameeyay Dhowr Xarumood oo ka tirsan 17 Degmo ee Gobolka Banaadir iyadoona Qorshaha Maamulka.

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Warfaafinta oo xilka la wareegey.

Munaasabad kooban oo ay kasoo qeyb galeen Wasiirka Wasaaradda Warfaafint, Agaasime waxeedyada iyo shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa xilka kula wareegay Agaasimaha cusub ee wasaaradda Cabdullaahi Maxamed Xayar oo dhawaan loo magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaaradda.

Munaasabada ayaa sidoo kale Agaasimihii hore ee Wasaaradda loogu magacaabay agaasime ku xigeen ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee wasaaradda warfaafinta .

Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda ayaa u mahadceliyey Agaasihii hore ee xilka kala wareegey waxa uuna agaasime waxeedyada iyo dhammaan shaqaalaha kula dardaarmay in ay dardar geliyaan shaqada Wasaaradda asagoo balanqaaday in uu si wanaagsan u gudan doono waajibaadkiisa.

Dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo mareysa meel gebo gabo ah.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud & Guryenta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan macalin (Soomaali) ayaa ka hadlay xilliga sida rasmiga ah ee xariga laga jarayo dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, isagoo sheegay in howsha dhismaha wadadaasi mar aan fogeyn lasoo gabo gabeyn doono.

Wasiirka oo la hadlay Warbahinta Qaranka ayaa sheegay in qorshuhu ahaa in xariga laga jaro dhismaha wadada Bishii Febaraayo ee la soo dhaafay balse sababao amni darteed uu dib ugu dhacay.

Waxaa sidokale wasiirka intaa hadalkiisa ku daray dhismaha wadada uu haatan yahay geba-gabo, isla markaana la gaarsiiyay Buundada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, dhawaana xariga laga jari doono.

Haween Soomaaliyeed oo cambaareeyey duqeyntii Gedo codsadayna in Kenya sharciga lala tiigsado

Qaar ka mid ah haweenka ku nool magaalada Muqdisho, kana soo jeeda gobolka Gedo ayaa cambaareyn dusha ugu tuuray dowladda Kenya iyagoo sheegay in Kenyaatigu si ulakac ah ay mar walbo duqeymo ula beegsadaan Shacabka ku nool magaalooyinka iyo baadiyaha gobolka Gedo.

Duqayn diyaaradaha dowladda Kenya ay ka geysteen gobolka Gedo 3-dii bishan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah oo aan waxba galabsan iyagoo sidoo kale ay ka horreeyeen duqeymo kale oo waxyeelo kasoo gaareen shacabka ku nool deegaanaasi.

Haweenka ayaa ku nuux nuuxsaday in ay tahay wax aan la aqbali karin duqaymaha soo laab laabtay ee ay dowladda Kenya ka geeysanayso gobolka Gedo, waxayna ku baaqeen in dowladda Kenya lagula xisabtamo gaboodfallada ay geysaneyso.

Haweenkii kulanka ka qayb galay oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in shacabka gobolka Gedo ay u baahanyihiin garab istaag, dhankoodana ay cambaareynayaan falkaasi foosha xun ee ay sameeyeen ciidamada Kenya, waxaana ay dowladda ka codsadeen inay wax ka qabato dhibaatada Kenya ay ku heyso shacabka Gobolka Gedo.

3-dii bishaan ayay ahayd markii diyaaradaha Kenya ay duqayn ka gaysteen gobolka Gedo, gaar ahaan deegaanka Ceel Cadde iyo tuulooyin hoostaga Degmada Beled Xaawo, taasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac dad shacab, waxaana ay u badnaayeen carruur iyo haween.

Dowlada Soomaliya ayaa magaalada Muqdisho keentay qaar ka mid ah dadkii ay dhaawacyadu ka soo gaareen duqeynta, kuwaasi oo iminka lagu daweynayo isbitaalada Muqdisho.

Taliyaha qeybta 60-aad ee CXDS oo maanta dib ugu soo laabtey magaaladda Baydhabo

Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Maxamed Shiikh Cabdullahi (Ciirow ) ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaaladda Baydhabo Xilli safaro shaqo ugu maqnaa magaalooyinka Muqdisho Iyo Baraawe.

Taliyaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalooyinka Muqdisho iyo Baraawe Waxa uu kulamo la qaatey Saraakiil ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed iyo walib kuwa Amisom ee nabad ilaalinta u jooga dalkeenna, asigoo kala hadlay xaaladha ay ku suganyihiin ciidamada xoogga dalka ee Qeybta 60-aad.

Sidoo kale Genaraalka ayaa magaalada Baraawe waxa uu kulamo kula qaatay Saraakiisha guutada 6-aad ee qeybta 60-aad ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ee fadhigoodu yahay Baraawe, Waxana ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wadda shaqeynta loona dar-dar gelinlahaa Howlgallada ka dhanka kooxda nabadiidka Al-Shabaab.

Taliyaha Qeybta 60-aad Gen Maxamed Shiikh Cabdullahi (Ciirow ) ayaa Saraakiisha iyo ciidanka Farey inay sii xoojiyaan Howlgallada lagu Sifeynayo nabadiidka Al-Shabaab loona bahan yahay in Ciidamada Feejignaan dheeri ah ay muujiyaan.

Madaxweyne Deni oo daah furay Barnaamijka Qorsheynta dhulka caasimadda Garoowe

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah furay Barnaamijka Qorsheynta dhulka magaalo madaxda dowlad goboleedka Puntland ee Caasimadda Garoowe.

Kulan oo ka dhacay xarunta Hay’adda Cilmi baarista Puntland ee PDRC, ayaa lagu soo bandhigay xog maqal iyo muuqaal ah oo hab farshaxameysan oo ay dowladda hoose ee Garoowe ku faah faahisay Qorsheynta dhulka caasimadda iyo sida loo hirgelinayo.

Mudane Deni ayaa u digay dadka inta badan dhulka xoogga ku qabsaday, isagoo faray laamaha amniga iyo Hay’adaha Garsoorka in ciddii lagu helo in ay boobayso dhul aysan laheyn la marsiinayo sharciga.

Madaxweynaha Puntland ayaa muujiyay muhiimada ay leedahay in Mustaqbalka Garoowe loo diyaariyo mid horumarsan oo ka qurux badan dhinac kasta sida dismaha waddooyinka, Guryaha iyo guud ahaan bilicda Magaalada, wuxuuna ku baaqay dowlad iyo shacab in taasi laga wada shaqeeyo.