Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Afgaanistaan iyo khasaare ka dhashay

ugu yaraan Seddex qof ayaa ku dhimatay, ruux kalena wuu ku dhaawacmay diyaarad Melateriga oo ay leeyihiin Ciidamada Afgaanistaan oo ku dhacday gobalka Wardak ee bartamaha dalkaas.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Afghanistan ayaa lagu sheegay in diyaaraddan miliateri oo nuuceedu yahay Mi-17 ay u dhacday cillad darteed.
Dhinaca kale, Kooxda Daalibaan ayaa sheegatay inay soo rideen diyaaradda ciidaan ee burburtay.
Ma jirto cid ka madax banaan labada dhinac oo ka hadashay sababta ay diyaaraddu usoo dhacday marka laga tago sheegashada isdiidan laba dhan kasoo baxaysa.

 

Miino baarayaal lagu laayey Afghanistan

Wasaaradda Arrimaha gudaha Afghanistan ayaa sheegtay in maanta oo Arbaca ah kooxda Daalibaan ay waqooyiga gobolka Baghlan, ku dileen Toban ka mid ah shaqaale miina-baaris oo ka hawlgalayay gudaha dalkaas.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Afghanistan, ayaa u sheegay Warbaahinta in dagaalamayaasha Daalibaan ay galeen xarun ay leedahay hay’ad miino baaris ah oo ka hawlgala dalkaas, kuwaa oo toogtay qof dhamaan dadkii halkaas ku sugnaa.

Bilihii la soo dhaafay, Gobolka Baghlan ee Afghanistan, ayaa waxaa ka dhacayay iska hor imaadyo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo Kooxda Daalibaan.

Dagaalada ka dhacay Baghlan ayaa sii kordhay tan iyo bilowgii bishii May, iyada oo ay socdaan qabanqaabadii ugu danbeysay ee bixitaanka ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afghanistan.

Wasiirka Maaliyadda oo Kulan looga hadlayay taakuleynta Ciidamada la qaatay Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed

Wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan looga hadlayay taakuleynta ciidamada qalabka sida la qaatay hay’adda culimada Soomaaliyeed, Sidoo kale kulan waxaa looga hadlay in Culimadda Soomaaliyeed ay doorkooda ka qaataan sidii dadka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa in la garab istaago ciidamada qaranka.

Wasiir Beyle ayaa sidoo kale ku bogaadiyay culimadda Soomaaliyeed xoojinta wacyigelinta bulshada gaar ahaan muhiimadda ay leeyihiin ciidamada qaran oo har iyo habeen utaagan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed .

“Waxaa sharaf ii ah in aan la kulmo Masuuliyiinta sare ee hey’adda Culumada Soomaaliyeed, sida Shiikh Bashiir A. Salaad iyo Shiikh Cali Wajiis.

Waxa aan ka wadahadlanay muhiimadda halabuurka dhaqaalaha iyo taakuleynta ciidamada dalkeena, iyada oo la adeegsanayo Wacyigalin iyo Barnaamijyada diiniga ah.

Madaxweynaha Faransiiska oo la dhirbaaxay xili uu safar ku marayey koonfurta dalka Faransiiska

Madaxweynaha Faransiiska Makroon ayaa wejiga dhirbaaxo looga dhuftay xili uu safar ku tegay koonfur-bari ee Faransiiska.

Muuqaal Video ah oo ku wareegaya baraha bulshada ayaa la arkayaa Mr Makroon oo Nin gashan funaanad cagaaran uu wejiga ka dharbaaxayo.

Laba nin ayaa loo xiray dhacdadan sida ay ku warantay warbaahinta Faransiiska, Ninka dhirbaaxada geystay ayaa la sheegay inuu ku qayliyay “Makroon ha dhaco” markuu dharbaaxay madaxweynaha,

Booqashada madaxweynaha ayaa ku soo aaday maalin ka hor talaabo weyn oo loo qaaday dib u furista goobaha lagu caweeyo iyo maqaayadaha Faransiiska kuwaas oo bandoo ku jiray mudo todoba bilood ah.

Howlgal lagu xaqiijinayo Amniga oo laga sameeyey Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xooggga dalka Qeybta 27-aad, ayaa howlgal ballaaran oo loogu gol leeyahay xoojinta iyo xaqiijinta Amniga gobolka Hiiraan ka fuliyay deegaano ka tirsan halkaasi.

Deegaanada howgalka uu hadda ka socdo ayaa waxaa ka mid ah Deegaanka Aboorey, Beero-yabal, Wariirey, Galboocale iyo Yasooman, kuwaa oo dhammaantood hoostaga degmada Buulo barde ee gobalka Hiiraan.

Howlgalka ayaa qeyb ka ah howlgalada sida guud Ciidanka Xoogga uga waddaan Hirshabeelle, kaas oo kooxda nabad diidka looga sifeynayo goobaha ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xooga dalka General Tareedisho oo Hor kacaya howshaan sifeynta ah ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in horumar weyn laga sameeyay howlgalki ay Ciidamada fuliyeen.

 

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay sidii loo furi lahaa Safaaradda Sacuudiga ee Muqdisho

Danjire Maxamed Cali Nuur Xaaji, oo ah Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ee Soomaaliya, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo uu hoggaaminayay lataliye Abdusalam bin Abdullahi bin Rashud Al Anzi.

Danjire Maxamed Cali Nuur, ayaa soo dhoweeyay wafdigan ka socday Sacuudiga, isagoo caddeeyay in Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay tahay dowlad walaal ah oo xiriir qotodheer oo ku sal go’an ilbaxnimo iyo dhaqan uu kala dhexeeyo Soomaaliya, iyadoo ah dowlad wax wadaag istiraatiijiyadeed, waxa uu bogaadiyay taageerradeeda bani’aadannimo iyo mowqifyada heer caalami ee ay ku garab istaagto Soomaaliya.

Kulankani ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray qabanqaabada dib u furista Safaarada Sacuudiga ee Muqdisho, iyadoo adeegyadeedana laga soo wareejinayo caasimada Kenya ee Nairobi, iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee dano wadaagga ah oo ay ku jirto siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga , dhaqanka iyo waxbarashada si looga guul keeno yididiillada iyo himilooyinka labada dal iyo Shacabka walaalaha ah.

Maxay ka wada hadleen wasiirad Xaniifa iyo James Swan?

Wakiilka Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa kulan aaladda fogaan aragga ah la qaatay Wasiirka Haweenka ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade), iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo ka mid yihiin xaaladaha dalka iyo doorka Wasaaradda ee horumarinta Haweenka.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo qorshe cad oo lagu gaarayo qoondada 30% ee ah haweenka doorashooyinka soo socda iyo in la hubiyo ka qeybgalka buuxa ee haweenka inta lagu gudajiro doorashada,

Mr James Swan ayaa xusay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay in ay taageerto doorashooyin loo dhanyahay oo ka dhaca Soomaaliya.

Wasiirka Haweenka iyo Xuquul Insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa tilmaamtay in ka Wasaarad ahaan ay dadaal badan ku bixisay la kulanka Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka iyo mas’uuliyin kale oo ay kala hadashay in la adkeeyo qoondada haweenka 30% inay ku yeeshaan doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo.

 

Ilaa 21 Bukaan oo la xaqiijiyey in ay ka bogsoodeen Feyruska Karoona

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID-19 ku sheegtay in Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 21 qof oo cusub 24kii saac ee la soo dhaafay, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 6,985.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale sheegtay in la diiwaan geliyay 8 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Puntland (5) iyo Gobolka Banaadir (3), taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 14,776.

Bukaannada cusub 7 ka mid ah waa rag 1-na waa dumar, ma jirin bukaan u geeriyooday COVID-19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 773 qof.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, ayna qaataan talaalka cudurka oo laga heli karo Isbitaalada Martini iyo Banaadir.

 

Wasiir Dubbe oo kulan la qaatay safiirka Itoobiya ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cusmaan Abuukar Dubbe, ayaa xafiiskiisi kulan kula yeeshay Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Danjire Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan oo booqasho ku yimid xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

“Maanta waxaa Wasaaradda Warfaafinta booqasho ku yimid oo aan soo dhoweeyey Safiirka Dowladda Ethiopia u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan. Safiirka oo dhowaan la soo magacaabay waxaan ka wada hadalnay xoojinta cilaaqaadka labada dal gaar ahaan dhinacyada dalxiiska, Warbaahinta, khibrad wadaagga iyo isu soo dhoweynta shucuubta labada dal ee deris-wadaagga ah”. Ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Safiirka dowladda Itoobiya ee Soomaaliya Danjire Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan, ayaa bogaadiyey howlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta oo uu booqday, iyagoo gudana waajibaadkooda shaqo, waxaana uu indhihiisa ku soo arkay shaqadda baaxadda leh ee ay dalkooda u hayan.

 

 

Qormo: Jowhar maxaan ku soo arkay?

Khamisitii la’ soo dhaafay waxan kamid ahaa wefdi culus oo uu hoggaaminayey Raisal Wasaaraha Xukuumadda JFS Maxamed Xuseen Rooble, ujeedada wefdigu waxa ay ahayd bal in madaxda xukuumaddu indhahooda ku soo arkaan dhibaatada uu geystay Webiga Shabeelle oo ku fatahay magaalada Jowhar iyo hareereheeda.

Jowhar waa caasimadda Maamul Goboleedka Hirshabeele, waana caasimadda maamul goboleed ee ugu dhow Caasimadda Federaalka ee Muqdisho, Jowhar iyo Xamar waxay isu jiraan 50 Mayl oo u dhiganta 90KM oo keli ah.

Haddii aan dib ugu yara laabto taariikhda magaalada: Jowhar waxa lagu tiriyaa in ay tahay magaalooyinkii ugu horreeyey dhulka Soomaalida ee aan xeebaha ahayn ee magaalooba. Quruxda iyo hodantininadeedu waxay sanadkii 1905 soo jiidatay Amiirkii Reer Boqor ee Talyaaniga ahaa ee Abruzzi, Amiirkaas oo magaaladan si weyn u caashaqay ugu dambayntiina degey illaa uu ka geeryoonayey. Jowhar waxay kaga hormartay magaalooyinkii kale ee dhiggeeda ama da’deeda ahaa Talyaaniga oo arkay muhiimaddeeda iyo nimcada Rabbi ku mannaystay, iyo dadkeeda oo ah dad tacab badan.

Abruzzi iyo asxaabtiisii ayaa sabab u ahaa maal-gelin badan oo Talyaanigu ku sameeyey Jowhar iyaga oo ka hirgeliyey tareenkii ugu horreeyey ee isku xidha Xamar iyo Jowhar, iyo sidoo kale casriyeyntii beeraha, horumaruntii jidadka iyo buundooyinka iyo goobaha adeegga bulshada. Sidaas ayay Jowhar uga mid noqotay magaaloyinkii ugu horreeyey ee dhulka Soomaalida ee Warshado yeesha.

Xoriyaddii kaddibna Jowhar waxay noqotay magaalo wax soo saar oo dhaqaale leh. Sidoo kale waxay caan ku noqotay qaybaha kala duwan ee sports ka oo mar kasta ay ahayd horyaal.

Jowhar marka laga tago in ay tahay magaalo istaraatiiji ah haddana waxay caan ku tahay wax-soo saarka Beeraha, xoolaha iyo warshedaha. Beri-samaadkii Jowhar oo caasimad u ahayd Gobolka Shabeelada Dhexe waxa hoos iman jirey Warshadaha ugu waaweyn dalka sida:

Warshaddii Sonkorta ee Isnai-piazza iyo qaybteedii kale ee Perfumes ka
Warshaddii Dharka ee Balcad
Warshaddii Hubka iyo Rasaasta Mahaday
Waa xilliga ay soo baxday ama Jidda ama Jowhar. Ama sidoo kale “ifkana Jowhar ka joog, aakhirana jannada ka joog”.

Sidoo kale Jowhar waxay caan ku tahay beeraha iyo dalagga ku baxa webiga Shabeele oo waraabiya dhul beereed badan. Khudradda Jowhar ayaa aad uga dhadhan ‘mac’ qudradda kale ee Dalka ka soo go’da, sababta ma aqaan! Dallagyada bariiska iyo qasabka sonkorta laga sameeyo ayay Jowhar caan ku ahaan jirtay.
Xoolaha hilibka macaan ee deexda uga yimaadda iyo caanaha daadka ah ee galbeedka webiga ka yimaadda iyo wax soo saarka kale ee faraha badan ayaa magaalada Jowhar ka dhigay halbowlayaasha quudiya dadweynaha Caasimadda Xamar ee malaayiinta kor u dhaafay.

Laakiin: Haddii xilliyada qaar la odhan jirey; Ku dekee haddaad Jowhar timi waa dan raaxaduye; hadda waxan indhahanaga ku soo aragnay xaalad u baahan gurmad degdeg ah, sidii aan ku baahinay wararkayagii hore illaa 12,000 kun oo qoys ayaa ku barakacay fatahaadii uu dhowaan sameeyey Webiga Shabeele. 27 tuulona wuu saameeyey, 40 kun oo hiktar oo dhul-beereed ahna wuu baabi’iyey, xoolaha uu waxyeelayna tiro laguma soo koobi karo, waxana go’an jidkii Balcad-Jowhar-Mahaday, ku dhowaad 60km ayaa biyo jiifaan.

Sida aan kor ku soo xusay; Hirshabelle waa maamul-goboleed deris la’ ah caasimadda, oo dhib iyo dheef wadaagba la’ ah, sidaas oo ay tahay dabaqadihii dhexe ee wax haystay iyo ganacsatadii tunka weynayd ee Caasimaddu weli uma gurman yaraankoodii.

Raage Ugaas wuxu yidhi; Nin Ugaas walaalkii yahay oo eeday baan ahaye Shacabka Reer Jowhar ee 3-da usbuuc guryahoodii iyo beerahoodii ka maqan oo isdul buuxiyey degaamada iyo tuulooyinka dibadda ee weli fatahaaddu aanay gaadhin iyo dadweynaha faraha badan ee magaalada Jowhar dhexdeeda ku go’doonsan ee aan wax gaadiid ah oo raashin u wadaa aanay ku dhowaad hal bil u tegin runtii waxay u baahan yihiin gurmad degdeg ah.

Cismaan Dubbe
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS