Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Afgaanistaan iyo khasaare ka dhashay

ugu yaraan Seddex qof ayaa ku dhimatay, ruux kalena wuu ku dhaawacmay diyaarad Melateriga oo ay leeyihiin Ciidamada Afgaanistaan oo ku dhacday gobalka Wardak ee bartamaha dalkaas.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Afghanistan ayaa lagu sheegay in diyaaraddan miliateri oo nuuceedu yahay Mi-17 ay u dhacday cillad darteed.
Dhinaca kale, Kooxda Daalibaan ayaa sheegatay inay soo rideen diyaaradda ciidaan ee burburtay.
Ma jirto cid ka madax banaan labada dhinac oo ka hadashay sababta ay diyaaraddu usoo dhacday marka laga tago sheegashada isdiidan laba dhan kasoo baxaysa.