Wasiir Dubbe oo kulan la qaatay safiirka Itoobiya ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cusmaan Abuukar Dubbe, ayaa xafiiskiisi kulan kula yeeshay Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Danjire Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan oo booqasho ku yimid xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

“Maanta waxaa Wasaaradda Warfaafinta booqasho ku yimid oo aan soo dhoweeyey Safiirka Dowladda Ethiopia u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan. Safiirka oo dhowaan la soo magacaabay waxaan ka wada hadalnay xoojinta cilaaqaadka labada dal gaar ahaan dhinacyada dalxiiska, Warbaahinta, khibrad wadaagga iyo isu soo dhoweynta shucuubta labada dal ee deris-wadaagga ah”. Ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Safiirka dowladda Itoobiya ee Soomaaliya Danjire Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan, ayaa bogaadiyey howlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta oo uu booqday, iyagoo gudana waajibaadkooda shaqo, waxaana uu indhihiisa ku soo arkay shaqadda baaxadda leh ee ay dalkooda u hayan.