AMISOM oo soo xirtay tababar la xiriiray ka hortagga tacadiyada ku dhaca haweenka iyo caruurta

Maamulka howlgalka Midowga Afrika ee (AMISOM) ayaa magaalada Beydhabo ku soo gunaanuday tababar aqoonkororsi ah oo ku saabsanaa ka hortagga falalka iyo tacadiyada gaarka ah ee lala beegsado haweenka iyo caruurta.

Tababarkan oo ay soo qaban qaabiyeen qeybta booliska AMISOM, ayaa waxaa ka qeyb galay 6 gabdhood iyo 24 sarkaal oo rag ah, kuwaaas oo ka kala socday qeybaha saldhigyada.

Waxaa intii uu socdday tababarkaasi diiradda la saaray xuquuqda carruurta, ilaalintooda iyo sida loo dhaqangalin karo ama loo adkeyn karo sharciyada difaacaya xuquuqd dadka mirimageydada ah.

 

Tababar ku saabsan tabinta tacadiyada ka dhanka ah Jinsiga oo loo furay Saxafiyiin Soomaaliyeed

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta tababar ku saabsan hab-raaca saxaafadda ee loogu talagalay soo tabinta rabshadaha ku saleysan tacadiga Jinsiga u qabatay qaar kamid ah saxafiyiinta Galmudug.

Tababarka ayaa waxaa loo qabtay 50 wariye, waxaana uu socon doonaa labo maalin, wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Cabdi Shire Falagle ayaana si rasmi ah u furey, iyaddoo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka iyo agaasimaha waaxda Qorsheynta wasaaradda Haweenka Soomaaliya, mudane Feysal Nuur Faarax.

U jeedka tababarka ayaa ah siddii wariyeyaasha loo bari lahaa hab-raaca waafaqsan sharciga oo ay u mari lahaayeen tabinta wararka la xiriira xadgudubyada ka dhanka ah Jinsiga.

Tababarkaan ayaa waxaa maalgelisay hey’adda UNFPA oo kamid ah hey’adaha bah-wadaagta la ah wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya.

Maamulka G/Banaadir iyo taliyaha ciidamada Boliiska oo la kulmat taliyaasha saldhigyada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdi Maxamedd Xasan Xajaar,ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay saraakiil ka socotay   saldhigyada Boliiska ee  gobolka.

Kulankaasi lala yeeshay taliyeyaasha saldhigyada,waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee goobolk iyo sida ugu haboon ee loo dardargalin karo howlaga ciidamada ee dhinaca sugidda ammaanka.

 

Xukuumadda oo beenisay Warbixinta Qaramada Midoobay ee ku lug lahaanshaha Ciidan Soomaaliyeed colaadda Itoobiya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, xukuumadda Soomaaliya, mudane Cismaan Abokor Dubbe, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa beeniyay warbixinta baaraha guddiga xuquuqul insaanka Qaramada Midoobey oo dhowaan soo saaray taas oo lagu sheegay in ciidan Soomaaliyeed oo tababar ku qaadanaya dalka Eritrea ay ka qeybgaleen dagaalka gobolka Tigraay ee Ethiopia.

Waxaa uu sheegay in warbixinta Qaramada Midoobay aysan heysan wax daliil ah uu tusaya waxa ay sheegayaan, isaga oo intaas ku daray in siyaasiyiin dano gaar ah ka raadinaya ay arrintaas buun buuniyaan.

Wasiir Dubbe, waxaa uu tilmaamay in ciidanka Soomaaliyeed ee lagu tababarayo dalka Eritrea uusan ka qeybgalin dagaalka Itoobiya isla markaana aaney jirin baahi arrintaas loo qabo.

Mudane Cismaan Abokor Dubbe, waxaa uu sheegay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa mucaaradka ah ee maalin kasta ka hadla arrinta ciidanka Eritrea jooga aysan marna soo hadal qaadin dhibaatada Kenya ay ku heyso dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolada Jubbooyinka.

Dood cilmiyeed ku sabsan cudurka COVID-19 oo Muqdisho la qabtay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane; Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay madal Caafimaad oo ay soo qaban-qaabisay Agaasinka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowlada hoose ee Xamar.

Madashaan ayaa waxaa ka qeyb-galay madax kala geddisan oo ka kala socday maamulka Gobolka Banaadir, Wasaaradaha Caafimaadka, Maaliyadda, Dhalinyarada , Isboortiga  Ganacsiga, madaxda Ururrada Dhaqaatiirta, daneeyayaasha Caafimaadka, Rugta Ganacsiga, Shirkada Hormuud iyo marti sharaf kale.

Madashaan ayaa waxaa diiradda lagu saaray saameynta Caabuqa COVID19 uu ku yeeshay dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Banaadir iyo dedaalladii lagu bixiyay Wacyigelinta.

 

Biden oo digniin u direy dhigiisa Russia

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden oo safar ku tagay dalka Britain safarkaasi oo ah kii ugu horeeyay tan iyo markii uu xafiiska yimid, ayaa waxaa Russia uga digay in ay cawaaqib xun la kulmi doonto haddii ay isku dayo in uu la yimaaddo ficilo aan loo baahneyn.

Mr Biden ayaa la yimid rabitaan ah in uu xoojinayo xiriirka xulafada Mareykanka ee xumaaday xilligii maamulkii Trump. Isagoo ka hadlayay saldhiga ciidanka cirka ee Suffolk, arbacadii waxaa uu fariin cad u direy madaxweyne Putin.

“Ma doonayno in aan dagaal la galno Russia waxaa rabnaa deganaansho iyo xiriir maangal ah,”.

Safarka sideeda maalin ah ee madaxweynaha uu ku joogi doono Yurub, waxaa uu ka qeybgali doonaa shirka dalalka hodanka ah ee G7, sidoo kale waxaa magaalada Geneva kula kulmi doonaa madaxweynaha dalka Russia Vladimir Putin.

Kulanka Biden iyo Putin ayaa looga hadli doonaa arrimo ay kamid yihiin, xakameynta hubka, isbedelka cimilada, ciidanka Russia uu jooga dalka Ukraine, weerarada dhanka computerada iyo xariga hogaamiyaha mucaaradka Russia ee Alexei Navalny.

Madaxweynaha Biden waxaa uu xusay in Mareykanka uu dib u soo laabtay isla markaana dimoqraadiyada dunida si wadajir ah u wajahayso caqabadihii ugu adag oo quseeya mustaqbalkeena.

Shirka dalalka hodanka ah ee G7 ayaa jimcaha ka furmi doono Cornwall oo ku taala koofur galbeed England, waxaana diiradda la saari doonaa wax ka qabashada dhibaatada aafada COVID-19 iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa safmarada kale ee mustaqbalka imaan doona.

Warbaahinta UK waxay soo warineysaa in Ra’isul wasaare Boris Johnson uu sheegay in shirka lagu qeexi doono heshiis cusub ee caalami ah kaas oo caddeynaya sidii la isugu diyaarin lahaa aafooyinka imaan doona.

Sidoo kale, warbaahinta Mareykanka ayaa dhankeeda tabisay in maamulka Biden qorsheeyeen in 500 oo milyan oo kuuro oo talaalka COVID-19 ah la siin doono ku dhowaad 100 dal labada sano ee soo socota.

Madaxweyne Biden, shirka G7 ka dib waxaa uu u safri doonaa dalka Belgium halkaas oo kula kulmi doono wasiirada dalalka Gaashaan-Buurta NATO isniinta soo socota sida uu qorshuhu yahay.

Xiriirka Mareykanka iyo NATO ayaa ahaa mid xumaaday xilligii maamulka madaxweynihii hore Donald Trump, xoghayaha ururkaas General Jens Stoltenberg oo isniintii tagay Aqalka Cad, ayaa sheegay in madaxweyne Biden uu u muujiyay sida ay uga go’an tahay in xulafada Mareykanka uu xiriir adag la yeesho.

Ciidanka Badda Mareykanka oo badbaadiyay Shaqaale Markab xamuul ah

Ciidanka Badda Mareykanka ayaa Arbacadii shalay badbaadiyay 15 shaqaale oo la socday Markabka Falcon Line oo ka diiwaan gashan waddanka Gabon, kaas oo ku degay Gacanka Cadmeed.

Xarunta howlgalka ilaalada ganacsiga badaha dalka Ingiriiska ee Gacanka Cadmeed ayaa ku wargelisay Markabka Patuxent ee ay leeyihiin Ciidanka Maraykanka inuu quusayo Markabka Falcon Line una baahan yahay gurmad, ka dib markii ay soo wajahday cillad sababtay inuu quuso.

Markabkan oo siday qalab u badan Matoorro ayaanan la shaacin halka uu ka yimid iyo halka uu u rarnaa toona, iyadoo shaqaalihii la badbaadiyayna la mariyay xaalad xaafimaad si loo hubiyo badqabkooda.

Qeybtii labaad ee Talaalka ka hortagga Covid 19 oo dalka laga bilaabay

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay in dalka oo dhan laga bilaabay qaadashada qeybta labaad ee tallaalka ka hortagga cudurka Covid 19.

War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la adkeeyo wacyigelinta ku aadan adkeynta nadaafadda, gaar ahaan qaadashada af-xirka iyo kala fogaanshaha dadka.

Qoraalkaan ayaa lagu xusay in dadka aan weli qaadan taallaalkii qeybtii hore loo diyaariyay tallaal cusub oo lagu magacaabo Sinoofam,kaas oo WHO ay u aqoonsatay in loo isticmaali karo ka hortagga Covid 19.

Taliyaha ciidanka Asluubta iyo Wasiirka Cadaaladda XFS oo si wadajir ah u Dahfuray tababarka la xiriira ka hor taga fikiradaha xagjirka.

Munaasabad kooban oo lagu dahfurayay tababar ku saabsan  wacyigalinta ka hortaga fikirka xagjirka ah ayaa loo furay sarakiisha iyo qaar ka tirsan ciidanka asluubta ee ka howlgal xabsiga dhaxe xamar.

Madasha ayaa waxaa ku sugnaa wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta iyo qaar ka mid ah culumaa’udiinta bixin doonta  tababarka  oo socon doona mudo sadex cisho ah.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay ciidanka in ay ka faa’iideestaan aqoonta ay bixin doonan culimada  wasaaradda diinta Awqaafta.

Wasiirka cadaaladda XFS ayaa sheegay in markasta ay xooga sarayaan sare u qaadista aqoonta ciidanka asluubta lana joogtayn doono tababarada noocan oo kale ah.

Wasiirka Warfaafinta XFS ahna Guddoomiyaha guddiga Xuska Maalmaha xoriyadda oo la kulmay Heya’adaha Amniga

Wasiirka Warfaafinta XFS ahna Guddoomiyaha guddiga Qaran ee qaban qaabada xuska maalmaha xorriyadda 26 June iyo 1-da Luulyo Cismaan Obokar Dubbe ayaa kulan la qaatay hay’adaha amniga kana dhagaystay warbixin ku saabsan maalmaha muhiimka u ah Qaranka ee xorriyaddaha,

kulankan  oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda Warfaafinta ayaa looga hadlay hawlaha dardar gelinta maalmaha xoriyadda oo fooda inagu soo haya.