Taliyaha ciidanka Asluubta iyo Wasiirka Cadaaladda XFS oo si wadajir ah u Dahfuray tababarka la xiriira ka hor taga fikiradaha xagjirka.

Munaasabad kooban oo lagu dahfurayay tababar ku saabsan  wacyigalinta ka hortaga fikirka xagjirka ah ayaa loo furay sarakiisha iyo qaar ka tirsan ciidanka asluubta ee ka howlgal xabsiga dhaxe xamar.

Madasha ayaa waxaa ku sugnaa wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta iyo qaar ka mid ah culumaa’udiinta bixin doonta  tababarka  oo socon doona mudo sadex cisho ah.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay ciidanka in ay ka faa’iideestaan aqoonta ay bixin doonan culimada  wasaaradda diinta Awqaafta.

Wasiirka cadaaladda XFS ayaa sheegay in markasta ay xooga sarayaan sare u qaadista aqoonta ciidanka asluubta lana joogtayn doono tababarada noocan oo kale ah.