Qeybtii labaad ee Talaalka ka hortagga Covid 19 oo dalka laga bilaabay

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay in dalka oo dhan laga bilaabay qaadashada qeybta labaad ee tallaalka ka hortagga cudurka Covid 19.

War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la adkeeyo wacyigelinta ku aadan adkeynta nadaafadda, gaar ahaan qaadashada af-xirka iyo kala fogaanshaha dadka.

Qoraalkaan ayaa lagu xusay in dadka aan weli qaadan taallaalkii qeybtii hore loo diyaariyay tallaal cusub oo lagu magacaabo Sinoofam,kaas oo WHO ay u aqoonsatay in loo isticmaali karo ka hortagga Covid 19.