AMISOM oo soo xirtay tababar la xiriiray ka hortagga tacadiyada ku dhaca haweenka iyo caruurta

Maamulka howlgalka Midowga Afrika ee (AMISOM) ayaa magaalada Beydhabo ku soo gunaanuday tababar aqoonkororsi ah oo ku saabsanaa ka hortagga falalka iyo tacadiyada gaarka ah ee lala beegsado haweenka iyo caruurta.

Tababarkan oo ay soo qaban qaabiyeen qeybta booliska AMISOM, ayaa waxaa ka qeyb galay 6 gabdhood iyo 24 sarkaal oo rag ah, kuwaaas oo ka kala socday qeybaha saldhigyada.

Waxaa intii uu socdday tababarkaasi diiradda la saaray xuquuqda carruurta, ilaalintooda iyo sida loo dhaqangalin karo ama loo adkeyn karo sharciyada difaacaya xuquuqd dadka mirimageydada ah.