GANACSATADA WAA INAY DABOOLAAN BAAHIDA BULSHADA

Ganacsi kasta waa lama huraan inuu yeesho qorshe u degsan lix bilood ama hal sano  kaaso ku saleeysan baahida bulshada oo markaasi aysan ka maarmin ama ay xiiseeyaan.

la socodka dalabka bulshada iyo xiriirka macaamiisha waa mid muhiim u ah Ganacsigu.

Tusaale ahaan, lama helo Saacadihii Tayada lahaa oo dad badani ay raadinayaan waxa kale oo jira kabahii Ragga ee kooyaha oo loo yiqiin (kooye Vero) oo haragga ka sameysnaayeen.

Boorsooyinkii casriga ahaa ayaa bedelay qaar jilacsan, Isdhaafsiga Ganacsigu ee Gobolada iyo deriska iyo Wadamada Ganacsigu lagu yiqiin sida Talyaaniga iyo Imaaraadka, shiinaha iyo qaar kale oo ku howlan arrimahaasi.

Ganacsatadu waa in mar kasta ay la socdaan waxyaabaha laga xiiseeyo meelahaasi inta aysan alaab ka soo waaridin, sido kale Ganacsatada degan dibadda ee Soomaalida ah iyo kuwa Gudaha waa in ay iska warqabaan waana mid Meesha ku jirta oo loo baahan yahay.

Qorshe habeysan, Xiriir wacan iyo la socodka waxa Dalka looga baahan yahay.

mehradaha Ganacsigu waxa kor u qaada ogeysiin Bulshada waxa Cusub ee markaasi soo kordhey.

Ganacsatada waa weyn iyo shirkadahu waa kuwo Qorsho leh oo habeysan.

Weli ma jiro sicir go’an oo wax lagu kala iibsado waxa ay u badan tahay Gorgortan, waa in la helaa tariifad sicir go’an.

Ganacsatada yar yar ee waratada ayaa aysan laheyn meel loogu soo hagaago gaar ahaan Xamar weyne iyo Goobo kale.

Waa lama huraan mar kasta in uu jiro Qorshe cad oo u degsan Ganacsigu taaso Qeyb wacan ka qaadaneysa habsami u socoda Ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa Ganacsigu ee Gudaha iyo kan dibadda.

Arrintu si kastaba ha ahaatee waa in ganacsigu noqdaa mid daboola baahida guud ee Bulshada,Ganacsiga ku Saleysan habka Cilmiyeeysan ee howlaha Ganacsigu waa mid dhaqso ugu talaabsada horumar la taaban karo.

horumarka Mehradaha Ganacsigu ayaa dhinac kale ka muuqan kara Tartan iyo dadaal iyo iskaashi, la socodka isbeddallada ka dhaca dunida ee Ganacsiga iyo dhaqaalaha waa arrin kale oo muhiim ah ayna tahay in diiradda lagu haayo goor walba, taasi oo kaalin wacan ka qaadata howl maalmeedka dhaqdhaqaaqa Ganacsiga, inkastoo dadaal badan uu jiro haddana Ganacsatadu ku howlan yihiin howl yaddidiilo leh ayaa haddana muhiimmaddu tahay in lagu saleeyo baahida bulshada ee gobollada iyo caasimadda oo aad mooddo ganacsigooda in uu isku xiran yahay ayna isdhaafsadaan badeeco kala duwan xilli kasta oo safarradu is dhaafaan.

Sidoo kale, waxaa jiraa badeecooyin iyo alaabo iskaga goosha magaalooyinka xeebaha ku teedsan iyadoo la marsiiyo badaha  taasoo ayana ah mid xiiso leh.

W/Q: Ibraahim Abuukar Cali (Fanax)

DOORKA ISKAASHATOOYINKA GANACSIGA DALKA

Iskaashato waa urur ay ku bahoobeen dad isku fikir ah oo ay ka dhexeeyso Hanti iyo Saami ayagoo isku raacsan hab-qeexan ee howl galka iyo miro dhalinta qeybta iskaashato ay mehrada ka dhigteen. Iskaashatadu oo qeybo  kala duwan leh ayaa waxay leeyihiin Guddi maamul oo howsha hag aka shir a lasocda shaqada iyo shaqaalaha.

Inkastoo iskaashatooyinka maanta si aan isleeyahay aysan laheyn hay’ad u gaar ah oo kulmisa guud ahaan oo ay ku hirtaan Ayaan hadana waxaa ay door ku leeyihiin hiigsiga shaqo abuur iyo hab-ganacsai abuur ah.

Waxaa jirtay iskaashitooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed oo euntii kaalin wax ku ool ah waddanka ku lahaa gaar ahaan wax soo saarka dalqyada Beeraha ee waraabka iyo xilli roobeedba kaalin wax soo saar oo lagu diirsaday ayaa Dalka jireen.

Iskaashitooyinka Gaadiidka, Dhagax iyo Nuuriyada, Qareenada iyo kuwo kale.

Sida aan filayo maanta waxaa jira oo si wacan u howl gala iskaashato dhagax iyo nuuryada oo qeyb wax ku ool ah ka qaata habka dib u dhiska Dalka ee Guryaha iyo Dhismayaasha guud.

Iskaashitooyinkii Beeraha iyo Qareenada ayaa meesha ka baxay ilaa muddo sanooyin ah.

Haddii ay jirti iskashitada Gaadiidka Gobolka Banaadir iyo Gobolada kale ayaa weli aan aheyn mid sidii larabay ee awal hore ukala hagta habka Bl- ka iyo  Gawaarida Xamuulka iyo iwm.

Waa kaalin muhiim ah in dib- u habeyn lagu sameeyo, waxaa kaloo jira haatan iskaashitooyin yar-yar oo ay isugu tageen Ganacsato Soomaaliyeed oo kaalintooda ciyaara.

Habka iskaashitooyinka waxay abuuraysa ka haqab-tirka Bulshada waxyaabaha ay u baahi qabaan ayidoo dhinac kalena ay atahay mid abuurta dakhli dhaqaale kolka Cashuur bixiyaan ayna Rag badan ka faa’iidaan dhanka kale ee ku howlan howshaan.

Qodoolka Beeraha iyo waxsoo-saarka waa midleh ahmiyad Dhaqaale

Soomaalidu ayaa seddex qeyb oo ka mid ah noloshooda guud ay abaareen waa falashada Beeraha,Kalluumeysiga iyo dhaqashada Xoolaha nool. Haddii aan abaarno tan qodaalka Beeruhu waa mid munaan gooni ah leh oo daboosha daruuriga baahida cunto walow ay iskaabaan hadana dhanka xanaanada xoolaha iyo Kalluumeysiga wax soosaarka dalaqyada beeraha gaar ahaan geed miroodka khudaarta iyo furatadu waa mid aan looga maarmin isticmaalkooda dheeli tirka cuntada aadanuhu quuto.

Inkastoo hoos u dhac laga dareemo wax soosarkii heerka saree e dalku uu lahaa sida Galleyda, Haruurka iyo Digirta ayaa hadana Dalku kaafisaa inta lasoo saaro.

Waxa kaloo soosaarku khudaarta cagaaran, basasha, Bocorka ansalaatada iyo bigel oo wehliso liin dhanaanta aad ku arki kartid suuqyada inkastoo sicirku isbedbedelo. Sidaasi oo ay tahay  ayaa hadana la soo saaraa Muus walow tayadii hore uusan lamid aheyn hoos udhacna ku yimid ayadoo dhoofkiisa malaha meesha ay ka baxda.

Beeraha waraabka ayaa dadaal muujiya inkastoo webigu marna fataho marna uu guro taasoo caqabad ku ah wax soo saarka.

Waxaa yadadiilo wacan leh beeraley isku xil qaantay tijaabooyinka wax soosaarka Bariis noocyo kala duwan taasoo awal hore xarunta tijaabada ee Balcad guul wanaagsan ka gaadhay.

Beeraley ku dhaqan Gobolka Shabeellada dhexe gaar ahaan magaalada Jowhar ayaa ku guuleystay in dalka si wacan looga soo saari karo Bariis ilaa 5—7nooc ah.

Waa arrin soo dhaweyn iyo dhiiro-gelin mudan si markaasi kor loogu qaado wax soo saarka bariis tiro iyo tayo leh.

Dalka Soomaaliya waa dhul carro san ah gobolo badan kuna wanaagsan soo saarka Bariiska, sisinta iyo Qasabka laga dhaliyo Sonkorta

Arrinta si kastaba ha ahaatee waa in la dhiiro geliyaa Beeraleyda ku howlan wax soo saarka dalaqyada kala duwan ee dalka gaar ahaan soosaarka Muuska iyo Bariiska.

Beeraleyda waa in ay xooga saaraan daboolidda baahida bulshada ee dhinacyada wax soosaarka aasaasiga ah.

W/Q: Ibraahim Abuukar Cali (Fanax)

 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qeyb galay kulan lagu taageerayay hogaamintiisa ee hanaanka doorashooyinka iyo xasilinta Caasimadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabad ay bulshada Degmada Dayniile ku soo dhaweynayeen, kuna taageerayeen hoggaaminta Ra’iisul Wasaare Rooble ee arrimaha doorashooyinka iyo xasilinta caasimadda, kaasi oo lagu qabtay xarunta Degmada Deyniile.

Munaasabadda oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Degmada Deyniile ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya, xubno ka socday labada Gole ee Baarlamaanka, maamulka Gobolka Banaadir, Mas’uuliyiin iyo dadweyne aad u fara badan oo sitay boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ay ku taageeraayaan Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

MUWAADINIINTA SOOMAALIYEED EE KOOFUR AFRIKA DHIIGOODA YAA U MAQAN?

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sida arxan darrida ah loogu laaynayo dalka Koonfur Afrika iyagu dhiiggooda ma hal bacad lagu lisaa? Miyeysan lahayn cid ama dowlad u doodad ama ka soo kaxeysata meesha?

Dowladda South Afrika waxay raalli ka noqotay in shacabkeedu laayaan dadka ajaanibta ah, waayo taa waxaa daliil u ah in aysan jirin qof loo dilay dil uu geystay ama mag dil lagu xukumay.

Sida runta ah ajaanibta way ku dhibban yihiin dalka k/afrika, dowladdani waxay ku eedeysan tahay in dadka ajaanibta soo dhaweyso haddana raalli ka noqoto in lagu dilo dalkeeda, waayo sida la ogyahay adduunka waxaa ka jira sharci qofkii qof dila waxaa lagu xukumaa xabsiyo ad adag ama dil ama diyo laga baxsho.

Reer south afrika, waxay meel dhigteen iskuna raacsan yihiin in ay ciqaabaan qofkii dalkooda soo gala iyadoo burcaddu fasax u yihiin in ay laayaan ajaanibta

Waa dil joogta ah waa ciil iyo calool xumo joogta ah, waa dil aan qof kala xisaabtantaaba jirin south Africa, waxaa cad in dowladda k/afrika raali uga tahay in shacabkeedu gumaadaan dadkeenna Soomaalida ah lana dhaco ganacsiyadooda.

24- saac oo kasta dalka koonfur afrika in lagu gooyo nafaf soomaali ah maahan wax loo dulqaadan karo, intaasi nagu filan  enough is enough dipolomaasiyaddana maahan in raalli laga noqdo in dadkaada lagu gumaado dal ay qaxooti ku yihiin.

Waxaan ka xumahay in maalin waliba ay geeri u soo hoyato hooyo soomaaliyeed, waxaa ciil ah in maalin walba dalka soomaaliya asaay loo saaro gabar soomaaliyeed isla markaana la ogoonteeyo caruur soomaaliyeed.

Maxaa u gaar ah oo ay Caalamka dheer tahay Koonfur Afrika, iyadoo weliba dal afrikaan ah oo weliba aan annaga gobanimadeeda u doodi jirnay, ileen kheyr malaha ruux la gumeysan jiray iyagoo dhanba goor dhow bay ahaayeen, war waxaan yaa silsiladdoodii nooga celiya dowladnimo waxba kama yaqaanaan indhaha keliya ay lahaayeen wuxuu ahaa Nelson Mandela, gaaladii aan ku qeyli jirnay ayaaba roonaa ileen wuxu masas bay ahaayeen.

Waxay ku habbooneyd in la tuso xanuunka dilka burcadnimada ah uu leeyahay south afrikaanka, loogana aarsado adduunyada inteeda kale loona beegsado south afrikaan ahaan, sida ay u beegsanayaan dadka ku nool dalkooda.

Haddaba, war iyo dhammaantiis yey xanuun ku heysaa dhiigga iyo xoolaha soomaalida iyo geerida isdaba joogga ah ee dhegaha soomaalida soo gaaraya.

Miyeysan jirin cid ka gubaneysa dhallinta da’da yar ee iyaguba ku galay tahriibta iyo rafaadka lagu xasuuqayo koonfur afrika iyaga oo xoolahooda la baneysanayo lana gubayo weliba six un oo bini’aadannimada ka baxsan.

Haddey jiraan cid ay khuseyso arrintan waxaan u sheegeynaa inay ka gaabisay wax u qabashada muwaadiniinta ku gablamayaa dalka iscajabiyay ee koonfur Afrika.

Koonfur Africa, haddey gacanteennu gaarto taasi maba nagu sameyn kari lahayn ama ay Soomaali aqoon u leedahay, laakiin arrinta dipolomaasiyadda ayaa Meesha ka maqan.

Maxaa safiir ka jooga dalka south afrika haddii maalin walba shacabka soomaalida lagu hor gumaadayo, taasi maa ahan wax loo dulqaadan karo waa arrin shacabka soomaaliyeed dhamman tiisaba ay wada damqayaan kana xun yahiin waxa ka dhacay dalka koonfur afrika, War hooy dadka dhagax kama dhalanin dhiiggooduna buunsho maahan ee fadhiga halaga kaco.

Intaasi shacabka maalin waliba waxay maqlayaan waxbaa la dilay waxbaa la dhacay, waxaan shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka k/afrika ka codsanayaa in ay isaga soo guuraan dalkaas, iyagoo beegsanaya meel kasta oo amaan ay ka helayaan, tan ugu fiicanna waa in ay dalkooda dib ugu soo noqdaan waayo waa ammaan manta leysku haleyn karo, dalka manta wuxuu marayaa heerkii ugu sarreeyay dhankasta oo laga eego, haddey ahaan lahayd dhanka dhaqaalaha, horumarka, amaanka, isjaceylka iyo dowladnimada.

W/Q: Osman Dhiblaawe

 

 

TALO GUUD HALLA GAARO

Adduunyadu waxay xoog iyo horumar ku gaartay midnimo iyo wadajir .

Haddii aan ka soo qaadno Jarmalka hantigoosad iyo hantiwadaag ayey ku kala biirtay waqti waqtiyada ka mid ah waxayna ogaatay in ay halis iyo dhibaato tahay kala qeybsanaanta waxayna tashi iyo wadjir ku gaareen in ay midoobaan iskana qaadaan darbiga dhex yaalla iyagoo meel iska dhigay xulufooyinka ay ku kala jireen una soo jeestay midnimo in ay kor u qaadaan awoodda jarmalka.

Waxay arkeen in aaney iyaga wax dan ah ugu jirin mabaadiida ay kala aaminsanaayeen sidaa darteed waxay u soo jeesteen danta dadka Jarmalka oo ah in ay mid yihiin.

Sidoo kale waxaa in badan tashi iyo shirar bilaabay dowladaha Yurub waxayna go’aansadeen in ay midowga Yurub sameystaan waxayna sameeyeen hal baarlamaaniyo hal lacag iyo in laga shaqeeyo midnimada Yurub.

Waxaa hore u jiray hantigoosad iyo hantiwadaag oo dalalka dunidu kala raacsanaayeen laakiin muddo ka dib dowladihii ku kala jiray waxay u soo jeesteen danahooda gaarka ah.

Adduunyada awoodaas leh oo raadisay midnimo iyadoo soomaalidu ka ficil qaadaneyso aragtidaas dheer siyaasad ahaana ka faa’ideysaneysa sow ma habboona in shanta gobol ee soomaalidu kala degto midoobaan oo hal weel wax ku cunaan.

Soomaalidu waxay noqon laheyd awood laga heybeysto geeska Afrika haddii ay sameyso midnimo soomaaliyeed waxba laguma keeno koox iyo tafaraaruq adduunyadu meel kuma gaarto, guusha waa wadajirka, sikaashiga iyo maskaxda oo la isu geeyey .

Tusaale waxaa laga qaadan karaa dowlado kala diin ah oo kala jinsiyado oo qowmiyado kala duwan ah in ay midoobeen laakiin soomaalida dareenka garashada haddii ay ka shaqeysiiso maskaxdeeda kana ficil qaadato dalalkaasi halka ay maanta marayaan waxay sameysn karaan horumar iyo midnimo miisaan leh.

Waxaa arrintaa tusaale u ah iskaashigu in uu ka awood badan yahay kala maqnaanshaha waxaana habboon in talo guud la gaaro markaa ayaa la helayaa horumar wanaagsan oo uu ku jiro kan dhaqaalaha .

W/Q: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre

 

QEEXIDDA MUSUQ-MAASUQA

Waa howlo si hoose ah oo aan daahfurnayn ay u fuliyaan shakhsiyaad ka shaqeeya xafiisyada dowladda iyaga oo markaasi xil ka haya, sida maamulayaasha, masuuliyiinta xukuumadda iyo wixii la mid ah si ay markaasi u gaaraan ama u helaan hanti qaas ah, waxaana ka mid ah muuqaalada musuqmaasuqa aqbalida qaadashada laaluushka, haddiyado aaan munaasib ahayn, habdhaqan siyaasadeed oo aan qaanuunka meel kaga oolin, qish iyo dhagar, ku shubashada ama kala farsamaynta natiijooyinka doorashooyinka, hanti kala xawilid, beer abuur iyo lacag dhaqid.

Noocyada Musuqmaamusuqa

Howlaha iyo noocyada musuqmaasuqa  aad ayey u badan yihiin waa howlo aan akhlaaqi ahayn sida handadaad, laaluush, ina adeerso, qabyaalad, xatooyo iyo wixii la mid ah, hayeeshee si guud marka loo eego musuqmaasuqa waxaa loo qeybiyaa laba qeybood oo waaweyn, waxaana ka mid ah :

  1. Musuqmaasuq xajmigiisu yar yahay : midkan saameyntiisu aad ayuu u yar yahay mana ka dhex muuqanayo guud ahaan waddanka, waxaana loo adeegsadaa lacag aan sidaa u badnayn oo yar ama waxaa inta badan adeegsada dad aan saameyn weyn ku dhex lahayn waddanka, hayeeshee waxaa suuragal ah inuu weynaao marka dambe dabadeedna uu keeno mashaakilo aad u baaxad weyn, waxaana ka mid ah bixin lacag aan xaq loo lahayn si loo helo kuraasta waxbarashada ama dalacsiin shaqo oo deg deg ah markii ay go’aan ay maxkamadi soo saarto lagu qanacsanaan waayo oo haddana la aado garsoore kale si uu u buriyo go’aankii maxkamadda ee hore.
  2. Musuqmaasuq Xajmigiisu Weyn Yahay : waa masuqmaasuq ku reebaya waddanka saameyn baaxad weyn oo silbi ah oo muddo badan qaadanaya, middaasi oo la kala musuqmaasuqayo hanti aad u tira badan, inta badan musuqmaasuqan ayaa waxaa ku dhaqma qof masuul ah oo mansab sare ka haya waddanka, waxaana ka mid ah in lacago la lunsado middaasi oo hadafka laga leeyahay uu ahaa abuuridda mashaariic u adeegaya danaha guud ee ummadda ama in lacago gaar ah oo loo siyaadiyo kuwa dejiya qaanuunka iyo shaqaale dowladeed oo gaar ah si loo sharciyeeyo qaanuun u adeegaya maslaxada qof cayiman ama koox ama bixinta lacago dad gaar ah oo shaqaalaha ka mid ah oo aan lahayn khibrad iyo aqoon toona, iyo qaabilaadda mashaariic aan wanaagsanayn ama wax qarash oo badan ku baxaynin iyo wixii la mid ah.

Sababaha keena musuqmaasuqa

Halkaan waxaan idinku soo gudbinaynaa qaar ka mid ah sababaha keena musuqmaasuqa, waxaana ka soo qaadanaynaa dhowr qodob :

  • Damac shaqsi : qofka isnaanka ahi waxa uu leeyahay waxyaaba riixaya oo fidri ahaan ugu beeran middaasi oo ah lahaansho, micnaha waxwalba uu gacanta ugu jiro. Tanina mararka qaar waxay ka mid tahay sababaha keena musuqmaasuqa, waxaana u badan middan dadka haya masuuliyadaha sare sida madaxda ama masuuliyiinta lacagaha maamula ee ugu sarreysa iyaga oo markaasi lahayn ama jirin xudduud akhlaaqeed ee celinaya.
  • Hoos u dhac ku yimaada dareenka waddaniyadeed iyo akhlaaqeed ee masuulka, taana waxaa sabab u noqon karta aqoonyarida qofka ama uu soo qaatay aqoon heerkeedu hooseyso oo silbi ah oo uu soo maray masuullka madaxda ah.
  • Wacyiga dadka oo hooseeya ama aysan jirin geesinimo ay dadka ku waajahaan masuulka madaxda ah ee musuqmaasuqaya xoolaha ama dadka wax musuqmaasuqaya, waxay indhahooda ka laabanayaan ama ay ka aamusayaan ka hadalka musuqmaasuqa, middaana waxay dhiirigelinaysaa in masuuliyiinta si joogta ah wax u musuqmaasuqaan weliba si weyn.
  • In ay jirto bii’ad ama dhaqan cayiman oo dhiirigeliya musuqmaasuqa waxaad arkaysaa dad ku dhiirigelinaya masuuliyiintooda in ay musuqmaasuq sameeyaan iyaga oo halkaasi ka eeganaya dano gaar ah ama maslaxad shaqsi ah, tanina waxa ay ka mid tahay waxyaabaha sababa oo inta badan dhiirgeliya musuqmaasuqa.
  • Jiritaan la’aan qaanuun iyo sharciyo ka hortagaya musuqmaasuqa middan ayaa waxay keenaysaa in lagu dhiirado weliba si bareer ah in wax la musuqmaasuqo, middaana waxay horseedaysaa in ay bataan oo ay meel kasta ku faafaan musuqmaasuqiistayaasha, nidaamka garsoorka oo daciif noqdo meelaha qaar iyo carqalad ku timaada nidaamka caddaaladda.
  • Iyada oo ay yar tahay ama jirinba heerar akhlaaqeed ee dhanka dalacsiinta ah, sidaa darteed marka dadka qaar la dalacsiinayo waxaa loo dalacsiiyaa si aan daahfurnayn oo aan hufnayn. .

Qaababka Loola Dagaalamo Musuqmaasuqa

Si meesha looga saaro muuqaalada musuqmaasuqa waxaa waajib ku ah mujtamaca qeybahiisa kala duwan in siyaaba kala duwan loola dagaalamo musuqmaasuqa, sida ku dhaqanka diinta, iyo akhlaaqda suuban, waddaniyadda, iyo insaaniyadda. Qaababka lagu xakameyn karo masuqmaasuqa ayaa waxaa ka mid ah :

  1. Waan la sameeya nidaam sharciyeysan oo hufan oo la dagaalama musuqmaasuqa lana waadixiyo, lana dejiyi ciqaab iyo ganaax uu mutaysanayo qofka ku dhaqma musuqmaasuqa iyo waxyaabaha la midka ah.
  2. In bulshada laga wacyigeliyo khatarta ay leedahay musuqmaasuqa iyo saameynta uu ku yeelan karo mujtamaca dhexdiisa, oo la horumariyo doorka mujtamaca ee la dagaalanka musuqmaasuqa iyo in la tirtiro.
  3. In abaalmarin maaliyadeed loo gaar yeelo si loogu abaal mariyo cidii soo sheegta cida ku dhaqmaysa musuqmaasuqa ee laamaha kala duwan ee dowladda.
  4. In la dejiyo cuquubaad munaasib ah oo joojinaysa nooc kasta oo musuqmaasuq ah si aan mar kale loogu dhiiran, iyada oo shuruud looga dhigayo in qof kasta oo musuqmaasuq ku dhaqaaqa loo soo bandhigaya mujtamaca hortiisa si cibra ugu noqoto inta kale.
  5. Dadka muwaadiniinta ah in loo abuuro fursado shaqo si uu qofka u helo shaqo munaasib u ah oo uu ka shaqeysto, sidaa darteed in kor loo qaado hagaajinta duruufaha nololeed ee ay dadka ku nool yihiin.
  6. Hourmarinta halabuurka iyo kor u qaadidda awoodaha shaqaalaha iyo abaalmarintooda.
  7. In la qabto nadwooyin diini ah iyo wacyigelin oo laga sameynayo laamaha dowladda, iskuulada, jaamacadaha, telefishanada, raadiyayaasha iyo wixii la mid ah oo lagu dhiirigelinayo muwaaddiniinta si loogu takhaluso musuqmaasuqa xididaystay.
  8. In la dhiso guddi ka shaqeeya arrimaha hagaajinta maamulka, in la derso waaqaca maamul ee jira, iyo qaabka loola dagaalamayo musuqmaasuqiistaha marka la ogaado.
  9. In la cayimo hoggaamiyayaal dhallinyaro ah oo firfircoon oo markaasi aaminsan horumarka iyo isbeddelka, lehna aqoon ku filan, khibrad wanaagsan iyo u diyaarsanaan shaqada uu qabanayo.
  10. Iyo in booska munaasibka ah loo dhiibo qof ku munaasib ah.

W/Q: Saalax Shire Shabeel

 

HAWEENKU WAA HORSEEDKA HORUMARKA DALKA

Wiil kasta oo adduunyada ku dhashay magac kasta iyo mansab kasta ha gaaree hooyo ayaa dhashay aabbe ayaana soo daadaheeyey laakiin hooyadu waxay hoodo iyo karaamo yeelataa marka nin wanaagsan Ilaahay u sahlo hooy gaar ah iyo magacna u sameeyo markaas ayaa la yiraahdaa reerkaasi waa qoys waayo qofna keligiis qoys ma noqon karo.

Guriaga wey dhistaa gosgoshana wey dhigtaa dhuuniga la cunayana wey u karisaa is garabsi iyo istaageer ayey wax ku wada dhaqaan muddo ka bacdi magacyo kale ayaa soo baxa oo iyaga ay dhaleen waxaana la yiraahdaa waa ilmo hebel .

Haweenku labiska raggooda ayey ka shaqeeyaan weyna habeeyaan wuxuuna tagaa fagaadreyaasha raggu isku arkaan ninkii hela xaas wanaagsan horumar ayuu sameeyaa kaas oo u kala baxa mid dhaqan iyo mid dhaqaale .

Hadii aan guriga haween joogin martidu kuma leexato laakiin marka guriga ay haween joogto martidu wey ku leexdaan gogoshana waa loo dhigaa ninkuna wuxuu halkaa ka helaa magac iyo maamuus.

Soomaalida waxay ku mahmaahdaa waxaa jira nin maalin kaa fiican, nin weligii kaa fiian iyo nin sanad kaa fiican.

Ninka maalinta kaa fiican, maalintaas ayuu jeebka lacag ku sitaa waana kaa jeeb roon yahay waadna soo gaartaa oo waxaa dhici karta in burrito adna ilaahay ku siiyo.

Nin sanad ayuu kaa fiican yahay, oo sanadkaas ayuu kaa dhaqaale roon yahay , adduun waa labada geline adiguna waxaa laga yaabaa in aaad sanadka dambe ka hormarto xagga dhaqaalaha laakiin ninka xaas wanaagsan Ilahay siiyey oo kaa xaas wanaagsan weligaa kama daba tagtid oo weligaa waa kaa horreynayaa.

Hore ayaa loo yiri haweenku waa jabiso iyo kabto waxaa kale oo soomaalidu ku mahmaahdaa Ilaahay markuu wanaag kula  doonayo dadkooda ayuu ku siiyaa .

Si kastaba ha noqotee wax la siisto ma jirto haweeney daacad oo hiil iyo hooba kula daba taagan oo meeshaad ka qabato dhanka kale ka qabaneysa.

Dugsi iyo gogol qurxoon midna lagama helo haddii aan haween joogin , illeyn gegi ciyaareed haddaan gabari boodeyn wax ma dhaanto geedaha.

Haweenka waa garabka ragga iyagaana gacan siiya oo ay ku tiirsan yihiin .

W.Q: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre

 

MUHIIMADDA WAXBARASHADA

Qof kasta oo ku nool dunida waxaa loo baahan yahay in uu wax barto si uu u ogaado waxa uu leeyahay iyo waxa lala leeyahay iyo waxa uu u nool yahay inta uu joogo adduunka .

Adduunyada waxaa la sheegaa in waxa la barto falka in uu ugu xun yahay isagana wuxuu ka fiican yahay qofka jaahilka ah ee aan wax baran.

Ummaada hadday noqdaan ummad wax baratay isma dilaan ismana dhacaan wuxuuna garanayaa mid kasta waxa uu xaqa u leeyahay wuxuuna ka ilaalinayaa walaalkiis waxa aan munaasabka u aheyn waayo waa qof wax bartay .

Marka lagu daro aqoonta maskaxda dhaqanka ak dhexeeya dadyowga deriska ah o oleh xeerarka soo jireenka ah marka lagu dabaqo aqoonta iyo waxbarashada waxaa soo baxaya ummad miisaan leh oo is fahmeysa laakiin haddii la waayo labadaas waxba ma wada maareyn karaan.

Dhaqanka oo jira waxaa saldhig u ah aqoonta sababtoo ah waa maskax lagu daray waxbarasho miisaan ayaana ka soo baxaya kaas oo diidaya wax kasta oo fudeyd ku imaan lahaa waxayna qaadanayaan aragti maskaxeed oo fog.

Maskaxda waxaa kobciya akhriska iyo waxbarashada sababtoo ah haddaad wax soo barato oo aadan wax akhrin waxay ka dhigan tahay in aadan waxba soo baran.

Aqoonta iyo waxbarashada waxay isugu soo ururaan miisaan culus oo mas’uuliyadeed iyo hoggaamin sidaa darted wax kasta oo la doonayo in laga faa’ido waa in la akhriyaa haddii aan la akhrin waxba laga faa’idi mayo.

Faa’idada cuntada waa in la kariyo oo la bisleeyo haddii aan la bisleyn waxba laga faa’idi mayo sidaas o kale ayuu cilmigu u baahan yahay in la kariyo oo la bisleeyo.

Dadku haddii ay wax bartaan oo maskax ahaan u bislaadaan wey is jeclaanayaan oo way is xaq dhowrayaan amaanada ayey dhowrayaan ballaantana waa fulinayaan wax kasta oo soo dhexgalana cilmiga ayey ku dabaqayaan.

Waxay diidaysaa aqoontu xadgudubka oo ah qofku in uu qaato ama ku xadgudbo sharafta qof kale waxayna aqoontu sameysaa is xaq dhowr iyo is jeclaan mid guud iyo mid gaar ah.

Somaalida gees iyo gees waa in uu gaaro is jeceylka iyo is xushmeynta taana waxaa keeni kara waxbarashada .

W/Q: Abwaan Gabayre

 

KA SHAQEE NADAAFADDA CAASIMADDAADA

Magaalooyinka adduunka waxaa lagu qiimeeyaa nadaafaddooda waxaana ka wada shaqeeya dadka ku nool oo aan u ooggoleyn in warqad ama wax kale oo qashin ama nadaafad xumi keeni kara lagu tuuro waddooyinkooda.

Magaalooyinka Afrika ee dhinaca nadaafadda loogu ammaanta badan yahay waa magaalada Kigali ee caasimadda u ah dalka Ruwanda oo aan ognahay dhibaatadii ka dhacday iyo sida dadka dalkaas ku dhaqan Soomaaliya oo kale ay u soo mareen dagaalo sokeeye oo dad badan galaaftay.

Muqdisho inkastoo waddooyinka qaar subaxii iyo habeenkii lagu arko dad nadaafadda ka shaqeynaya hadana dadka intooda kale kuma baraarugsanaya in iyaga laftooda xil ka saaran yahay nadaafadda caasimadda.

Isla xil saarid la’aan weyn ayaa jirta waxaana laga arkaa waddooyinka qaar oo laga dhigay goobo lagu soo daadiyo qashinka iyo haraaga maqaayadaha , dumarkana wasaqda guryaha iyo biyaha ku soo daadiyaan.

Cid walba halka ay tabto ayey wax ku shubtaan kuna daadisaa biyaha taas oo keentay waddoyin dhan oo la dhisay qarashna ku baxay ay isu bedelaan meel aan ur, qashin iyo biyo wasaq leh dartood loo mari Karin.

Waxaa la yaab leh in cid kasta oo isku dayda in ay joojiso dhibaatadaa waddooyinka ku dhaceysa loogu jawaabo ma adigaa leh waddada waa naga dhaxeysaa.

Qashinka iyo wasaqda waxaa wanaagsan in loo sameeyo meelo cayiman oo la geeyo iyo in qeybaha magaalada la soo dhigo haamaha qashinka sidii ay hore u sameyn jirtay dowladda hoose.

Sidoo kale waxaa wanaagsan in dadka ku howlan wax u dhimista nadaafadda magaalada in laga qaado tallaabo sharci ah haddii ay tahay maqaayadleyda ama dadka ganacsiyada ku leh hareeraha waddada hadana aan daryeelin wadada iyo nadaafadda caasimadda.

Dhiaabatadan waxay noqotay arrin la iska caadeystay iyo in qashinka la iska dhexmaro bullaacadaha waddada ku soo fatahayana laga tallaabsado laakiin arrintan waa mid aragti fool xun ka bixineysa nadaafadda magaalada iyo dadka ku nool.

Waxaa la yiraahdaa inta qashinku kuu jiro ayaa cudurkuna kuu jiraa hase yeeshee murtidaa weli macnaheeda dhabta ah waan fahmi la’nahay waana tan nagu kallifeysa in aan qashinka weheshanno.

W/Q: Mohameed Hassan

 

BUKAANKA SIDAN HA LOO DHAAMO

Waxaa la yiraahdaa Nin bukaa ma bilna, sidoo kale Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa(Nin bukaa boqol u Talisay)taas oo ah in qofka bukaanka uu qof walba gacan uga baahan si gaar ahna uu naxariis iyo gacan uga sugayo dhaqtarka.

Dhaqtarka wuxuu ku shaqeeyaa anshaxa ah in yeesho naxariis si gaar ahna u gargaaro dadka u imaanaya ee taakulada caafimaad uga baahan.

Waxaa la yaab noqneysa haddii halkii dawada laga soo raadsaday aan loogu imaan naxariis iyo anshaxa caafimaad ee ah in wax walba laga horreysiiyo sidii qofka loo badbaadin lahaa loona raadin lahaa qaab kasta oo uu caafimaad ku heli karo.

“Meeshii aad ka sugeysay naxariis iyo gacan qabasho waxaad u tageysaa dhaqaatiir lacag bis raadinaysa oo ka shaqeynaya sidii jeebka bukaanka lacag badan looga heli lahaa” sidaa waxaa sheegay Faadumo Cabdirisaaq Aaden oo ah mid ka mida isbitaallada Muqdisho la joogtay bukaan la il daran neef qabatin.

Waxay sheegtay in loo diray baarisyo kala duwan oo mid walba lacag looga raadinayo isla markaana dawooyinkii loo qoray bukaanka ay lacag badan oo aaney xamili Karin ugu kaceen.

Isbitaallada qaar waxaa ka jira iska dabo wareeg iyo in bukaanka iyo cidda la socotaa lagu jaho wareeriyo arrimo kala duwan oo midba lacag gaar ah laga rabo taas oo ay u dheer tahay in waqti badan uu bukaanka kaga lumo la kulanka dhaqtarka .

Dhaqaatiirta qaar waxay shaqooyinka soo galaan xilli dadkii subaxaa uu la kulmi lahaa ay soo jarmaadeen wuxuuna u yimaadaa isagoo waqtiga uu doono hurdada ku soo gaaray halka iyagu ay ku daaleen sugitaankiisaa.

Sidoo kalena bukaanka jiifka ayaa la kulma qarash aaney ka bixi Karin oo jiifka ah taas oo sababta in qofkii bukaanka ahaa oo aan sidii la rabay loo daweyn durba laga saaro isbitaalka.

Isbitaallada qaar waxay leeyihiin farmashiyeyaal dawooyinka dhaqtarka isbitaalka jooga uu keensado kuna iibiyo lacag aad u sarreysa marka loo eego magaalada inteeda kale iyadoo dawadaas bukaanka looga dhigo tan ugu fiican.

Si kastaba ha ahaatee iyadoo la eegayo anshaxa dhaqtarnimo iyo kan caafimaad waxaa wanaagsan in loo naxo bukaanka isla markaana maanka lagu hayo badbaadin naf bini’aadam oo ka mid ah waxyaabaha dhaqtarka aqoonta caafimaadka uu darteed u soo bartay halkii laga eegi lahaa in xirfaddan loo arko mid dhaqaale laga kasbado oo keliya.

W/Q: Mohamed Hassan