BUKAANKA SIDAN HA LOO DHAAMO

Waxaa la yiraahdaa Nin bukaa ma bilna, sidoo kale Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa(Nin bukaa boqol u Talisay)taas oo ah in qofka bukaanka uu qof walba gacan uga baahan si gaar ahna uu naxariis iyo gacan uga sugayo dhaqtarka.

Dhaqtarka wuxuu ku shaqeeyaa anshaxa ah in yeesho naxariis si gaar ahna u gargaaro dadka u imaanaya ee taakulada caafimaad uga baahan.

Waxaa la yaab noqneysa haddii halkii dawada laga soo raadsaday aan loogu imaan naxariis iyo anshaxa caafimaad ee ah in wax walba laga horreysiiyo sidii qofka loo badbaadin lahaa loona raadin lahaa qaab kasta oo uu caafimaad ku heli karo.

“Meeshii aad ka sugeysay naxariis iyo gacan qabasho waxaad u tageysaa dhaqaatiir lacag bis raadinaysa oo ka shaqeynaya sidii jeebka bukaanka lacag badan looga heli lahaa” sidaa waxaa sheegay Faadumo Cabdirisaaq Aaden oo ah mid ka mida isbitaallada Muqdisho la joogtay bukaan la il daran neef qabatin.

Waxay sheegtay in loo diray baarisyo kala duwan oo mid walba lacag looga raadinayo isla markaana dawooyinkii loo qoray bukaanka ay lacag badan oo aaney xamili Karin ugu kaceen.

Isbitaallada qaar waxaa ka jira iska dabo wareeg iyo in bukaanka iyo cidda la socotaa lagu jaho wareeriyo arrimo kala duwan oo midba lacag gaar ah laga rabo taas oo ay u dheer tahay in waqti badan uu bukaanka kaga lumo la kulanka dhaqtarka .

Dhaqaatiirta qaar waxay shaqooyinka soo galaan xilli dadkii subaxaa uu la kulmi lahaa ay soo jarmaadeen wuxuuna u yimaadaa isagoo waqtiga uu doono hurdada ku soo gaaray halka iyagu ay ku daaleen sugitaankiisaa.

Sidoo kalena bukaanka jiifka ayaa la kulma qarash aaney ka bixi Karin oo jiifka ah taas oo sababta in qofkii bukaanka ahaa oo aan sidii la rabay loo daweyn durba laga saaro isbitaalka.

Isbitaallada qaar waxay leeyihiin farmashiyeyaal dawooyinka dhaqtarka isbitaalka jooga uu keensado kuna iibiyo lacag aad u sarreysa marka loo eego magaalada inteeda kale iyadoo dawadaas bukaanka looga dhigo tan ugu fiican.

Si kastaba ha ahaatee iyadoo la eegayo anshaxa dhaqtarnimo iyo kan caafimaad waxaa wanaagsan in loo naxo bukaanka isla markaana maanka lagu hayo badbaadin naf bini’aadam oo ka mid ah waxyaabaha dhaqtarka aqoonta caafimaadka uu darteed u soo bartay halkii laga eegi lahaa in xirfaddan loo arko mid dhaqaale laga kasbado oo keliya.

W/Q: Mohamed Hassan