HAWEENKU WAA HORSEEDKA HORUMARKA DALKA

Wiil kasta oo adduunyada ku dhashay magac kasta iyo mansab kasta ha gaaree hooyo ayaa dhashay aabbe ayaana soo daadaheeyey laakiin hooyadu waxay hoodo iyo karaamo yeelataa marka nin wanaagsan Ilaahay u sahlo hooy gaar ah iyo magacna u sameeyo markaas ayaa la yiraahdaa reerkaasi waa qoys waayo qofna keligiis qoys ma noqon karo.

Guriaga wey dhistaa gosgoshana wey dhigtaa dhuuniga la cunayana wey u karisaa is garabsi iyo istaageer ayey wax ku wada dhaqaan muddo ka bacdi magacyo kale ayaa soo baxa oo iyaga ay dhaleen waxaana la yiraahdaa waa ilmo hebel .

Haweenku labiska raggooda ayey ka shaqeeyaan weyna habeeyaan wuxuuna tagaa fagaadreyaasha raggu isku arkaan ninkii hela xaas wanaagsan horumar ayuu sameeyaa kaas oo u kala baxa mid dhaqan iyo mid dhaqaale .

Hadii aan guriga haween joogin martidu kuma leexato laakiin marka guriga ay haween joogto martidu wey ku leexdaan gogoshana waa loo dhigaa ninkuna wuxuu halkaa ka helaa magac iyo maamuus.

Soomaalida waxay ku mahmaahdaa waxaa jira nin maalin kaa fiican, nin weligii kaa fiian iyo nin sanad kaa fiican.

Ninka maalinta kaa fiican, maalintaas ayuu jeebka lacag ku sitaa waana kaa jeeb roon yahay waadna soo gaartaa oo waxaa dhici karta in burrito adna ilaahay ku siiyo.

Nin sanad ayuu kaa fiican yahay, oo sanadkaas ayuu kaa dhaqaale roon yahay , adduun waa labada geline adiguna waxaa laga yaabaa in aaad sanadka dambe ka hormarto xagga dhaqaalaha laakiin ninka xaas wanaagsan Ilahay siiyey oo kaa xaas wanaagsan weligaa kama daba tagtid oo weligaa waa kaa horreynayaa.

Hore ayaa loo yiri haweenku waa jabiso iyo kabto waxaa kale oo soomaalidu ku mahmaahdaa Ilaahay markuu wanaag kula  doonayo dadkooda ayuu ku siiyaa .

Si kastaba ha noqotee wax la siisto ma jirto haweeney daacad oo hiil iyo hooba kula daba taagan oo meeshaad ka qabato dhanka kale ka qabaneysa.

Dugsi iyo gogol qurxoon midna lagama helo haddii aan haween joogin , illeyn gegi ciyaareed haddaan gabari boodeyn wax ma dhaanto geedaha.

Haweenka waa garabka ragga iyagaana gacan siiya oo ay ku tiirsan yihiin .

W.Q: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre