TALO GUUD HALLA GAARO

Adduunyadu waxay xoog iyo horumar ku gaartay midnimo iyo wadajir .

Haddii aan ka soo qaadno Jarmalka hantigoosad iyo hantiwadaag ayey ku kala biirtay waqti waqtiyada ka mid ah waxayna ogaatay in ay halis iyo dhibaato tahay kala qeybsanaanta waxayna tashi iyo wadjir ku gaareen in ay midoobaan iskana qaadaan darbiga dhex yaalla iyagoo meel iska dhigay xulufooyinka ay ku kala jireen una soo jeestay midnimo in ay kor u qaadaan awoodda jarmalka.

Waxay arkeen in aaney iyaga wax dan ah ugu jirin mabaadiida ay kala aaminsanaayeen sidaa darteed waxay u soo jeesteen danta dadka Jarmalka oo ah in ay mid yihiin.

Sidoo kale waxaa in badan tashi iyo shirar bilaabay dowladaha Yurub waxayna go’aansadeen in ay midowga Yurub sameystaan waxayna sameeyeen hal baarlamaaniyo hal lacag iyo in laga shaqeeyo midnimada Yurub.

Waxaa hore u jiray hantigoosad iyo hantiwadaag oo dalalka dunidu kala raacsanaayeen laakiin muddo ka dib dowladihii ku kala jiray waxay u soo jeesteen danahooda gaarka ah.

Adduunyada awoodaas leh oo raadisay midnimo iyadoo soomaalidu ka ficil qaadaneyso aragtidaas dheer siyaasad ahaana ka faa’ideysaneysa sow ma habboona in shanta gobol ee soomaalidu kala degto midoobaan oo hal weel wax ku cunaan.

Soomaalidu waxay noqon laheyd awood laga heybeysto geeska Afrika haddii ay sameyso midnimo soomaaliyeed waxba laguma keeno koox iyo tafaraaruq adduunyadu meel kuma gaarto, guusha waa wadajirka, sikaashiga iyo maskaxda oo la isu geeyey .

Tusaale waxaa laga qaadan karaa dowlado kala diin ah oo kala jinsiyado oo qowmiyado kala duwan ah in ay midoobeen laakiin soomaalida dareenka garashada haddii ay ka shaqeysiiso maskaxdeeda kana ficil qaadato dalalkaasi halka ay maanta marayaan waxay sameysn karaan horumar iyo midnimo miisaan leh.

Waxaa arrintaa tusaale u ah iskaashigu in uu ka awood badan yahay kala maqnaanshaha waxaana habboon in talo guud la gaaro markaa ayaa la helayaa horumar wanaagsan oo uu ku jiro kan dhaqaalaha .

W/Q: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre