MUWAADINIINTA SOOMAALIYEED EE KOOFUR AFRIKA DHIIGOODA YAA U MAQAN?

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sida arxan darrida ah loogu laaynayo dalka Koonfur Afrika iyagu dhiiggooda ma hal bacad lagu lisaa? Miyeysan lahayn cid ama dowlad u doodad ama ka soo kaxeysata meesha?

Dowladda South Afrika waxay raalli ka noqotay in shacabkeedu laayaan dadka ajaanibta ah, waayo taa waxaa daliil u ah in aysan jirin qof loo dilay dil uu geystay ama mag dil lagu xukumay.

Sida runta ah ajaanibta way ku dhibban yihiin dalka k/afrika, dowladdani waxay ku eedeysan tahay in dadka ajaanibta soo dhaweyso haddana raalli ka noqoto in lagu dilo dalkeeda, waayo sida la ogyahay adduunka waxaa ka jira sharci qofkii qof dila waxaa lagu xukumaa xabsiyo ad adag ama dil ama diyo laga baxsho.

Reer south afrika, waxay meel dhigteen iskuna raacsan yihiin in ay ciqaabaan qofkii dalkooda soo gala iyadoo burcaddu fasax u yihiin in ay laayaan ajaanibta

Waa dil joogta ah waa ciil iyo calool xumo joogta ah, waa dil aan qof kala xisaabtantaaba jirin south Africa, waxaa cad in dowladda k/afrika raali uga tahay in shacabkeedu gumaadaan dadkeenna Soomaalida ah lana dhaco ganacsiyadooda.

24- saac oo kasta dalka koonfur afrika in lagu gooyo nafaf soomaali ah maahan wax loo dulqaadan karo, intaasi nagu filan  enough is enough dipolomaasiyaddana maahan in raalli laga noqdo in dadkaada lagu gumaado dal ay qaxooti ku yihiin.

Waxaan ka xumahay in maalin waliba ay geeri u soo hoyato hooyo soomaaliyeed, waxaa ciil ah in maalin walba dalka soomaaliya asaay loo saaro gabar soomaaliyeed isla markaana la ogoonteeyo caruur soomaaliyeed.

Maxaa u gaar ah oo ay Caalamka dheer tahay Koonfur Afrika, iyadoo weliba dal afrikaan ah oo weliba aan annaga gobanimadeeda u doodi jirnay, ileen kheyr malaha ruux la gumeysan jiray iyagoo dhanba goor dhow bay ahaayeen, war waxaan yaa silsiladdoodii nooga celiya dowladnimo waxba kama yaqaanaan indhaha keliya ay lahaayeen wuxuu ahaa Nelson Mandela, gaaladii aan ku qeyli jirnay ayaaba roonaa ileen wuxu masas bay ahaayeen.

Waxay ku habbooneyd in la tuso xanuunka dilka burcadnimada ah uu leeyahay south afrikaanka, loogana aarsado adduunyada inteeda kale loona beegsado south afrikaan ahaan, sida ay u beegsanayaan dadka ku nool dalkooda.

Haddaba, war iyo dhammaantiis yey xanuun ku heysaa dhiigga iyo xoolaha soomaalida iyo geerida isdaba joogga ah ee dhegaha soomaalida soo gaaraya.

Miyeysan jirin cid ka gubaneysa dhallinta da’da yar ee iyaguba ku galay tahriibta iyo rafaadka lagu xasuuqayo koonfur afrika iyaga oo xoolahooda la baneysanayo lana gubayo weliba six un oo bini’aadannimada ka baxsan.

Haddey jiraan cid ay khuseyso arrintan waxaan u sheegeynaa inay ka gaabisay wax u qabashada muwaadiniinta ku gablamayaa dalka iscajabiyay ee koonfur Afrika.

Koonfur Africa, haddey gacanteennu gaarto taasi maba nagu sameyn kari lahayn ama ay Soomaali aqoon u leedahay, laakiin arrinta dipolomaasiyadda ayaa Meesha ka maqan.

Maxaa safiir ka jooga dalka south afrika haddii maalin walba shacabka soomaalida lagu hor gumaadayo, taasi maa ahan wax loo dulqaadan karo waa arrin shacabka soomaaliyeed dhamman tiisaba ay wada damqayaan kana xun yahiin waxa ka dhacay dalka koonfur afrika, War hooy dadka dhagax kama dhalanin dhiiggooduna buunsho maahan ee fadhiga halaga kaco.

Intaasi shacabka maalin waliba waxay maqlayaan waxbaa la dilay waxbaa la dhacay, waxaan shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka k/afrika ka codsanayaa in ay isaga soo guuraan dalkaas, iyagoo beegsanaya meel kasta oo amaan ay ka helayaan, tan ugu fiicanna waa in ay dalkooda dib ugu soo noqdaan waayo waa ammaan manta leysku haleyn karo, dalka manta wuxuu marayaa heerkii ugu sarreeyay dhankasta oo laga eego, haddey ahaan lahayd dhanka dhaqaalaha, horumarka, amaanka, isjaceylka iyo dowladnimada.

W/Q: Osman Dhiblaawe