GANACSATADA WAA INAY DABOOLAAN BAAHIDA BULSHADA

Ganacsi kasta waa lama huraan inuu yeesho qorshe u degsan lix bilood ama hal sano  kaaso ku saleeysan baahida bulshada oo markaasi aysan ka maarmin ama ay xiiseeyaan.

la socodka dalabka bulshada iyo xiriirka macaamiisha waa mid muhiim u ah Ganacsigu.

Tusaale ahaan, lama helo Saacadihii Tayada lahaa oo dad badani ay raadinayaan waxa kale oo jira kabahii Ragga ee kooyaha oo loo yiqiin (kooye Vero) oo haragga ka sameysnaayeen.

Boorsooyinkii casriga ahaa ayaa bedelay qaar jilacsan, Isdhaafsiga Ganacsigu ee Gobolada iyo deriska iyo Wadamada Ganacsigu lagu yiqiin sida Talyaaniga iyo Imaaraadka, shiinaha iyo qaar kale oo ku howlan arrimahaasi.

Ganacsatadu waa in mar kasta ay la socdaan waxyaabaha laga xiiseeyo meelahaasi inta aysan alaab ka soo waaridin, sido kale Ganacsatada degan dibadda ee Soomaalida ah iyo kuwa Gudaha waa in ay iska warqabaan waana mid Meesha ku jirta oo loo baahan yahay.

Qorshe habeysan, Xiriir wacan iyo la socodka waxa Dalka looga baahan yahay.

mehradaha Ganacsigu waxa kor u qaada ogeysiin Bulshada waxa Cusub ee markaasi soo kordhey.

Ganacsatada waa weyn iyo shirkadahu waa kuwo Qorsho leh oo habeysan.

Weli ma jiro sicir go’an oo wax lagu kala iibsado waxa ay u badan tahay Gorgortan, waa in la helaa tariifad sicir go’an.

Ganacsatada yar yar ee waratada ayaa aysan laheyn meel loogu soo hagaago gaar ahaan Xamar weyne iyo Goobo kale.

Waa lama huraan mar kasta in uu jiro Qorshe cad oo u degsan Ganacsigu taaso Qeyb wacan ka qaadaneysa habsami u socoda Ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa Ganacsigu ee Gudaha iyo kan dibadda.

Arrintu si kastaba ha ahaatee waa in ganacsigu noqdaa mid daboola baahida guud ee Bulshada,Ganacsiga ku Saleysan habka Cilmiyeeysan ee howlaha Ganacsigu waa mid dhaqso ugu talaabsada horumar la taaban karo.

horumarka Mehradaha Ganacsigu ayaa dhinac kale ka muuqan kara Tartan iyo dadaal iyo iskaashi, la socodka isbeddallada ka dhaca dunida ee Ganacsiga iyo dhaqaalaha waa arrin kale oo muhiim ah ayna tahay in diiradda lagu haayo goor walba, taasi oo kaalin wacan ka qaadata howl maalmeedka dhaqdhaqaaqa Ganacsiga, inkastoo dadaal badan uu jiro haddana Ganacsatadu ku howlan yihiin howl yaddidiilo leh ayaa haddana muhiimmaddu tahay in lagu saleeyo baahida bulshada ee gobollada iyo caasimadda oo aad mooddo ganacsigooda in uu isku xiran yahay ayna isdhaafsadaan badeeco kala duwan xilli kasta oo safarradu is dhaafaan.

Sidoo kale, waxaa jiraa badeecooyin iyo alaabo iskaga goosha magaalooyinka xeebaha ku teedsan iyadoo la marsiiyo badaha  taasoo ayana ah mid xiiso leh.

W/Q: Ibraahim Abuukar Cali (Fanax)