KA SHAQEE NADAAFADDA CAASIMADDAADA

Magaalooyinka adduunka waxaa lagu qiimeeyaa nadaafaddooda waxaana ka wada shaqeeya dadka ku nool oo aan u ooggoleyn in warqad ama wax kale oo qashin ama nadaafad xumi keeni kara lagu tuuro waddooyinkooda.

Magaalooyinka Afrika ee dhinaca nadaafadda loogu ammaanta badan yahay waa magaalada Kigali ee caasimadda u ah dalka Ruwanda oo aan ognahay dhibaatadii ka dhacday iyo sida dadka dalkaas ku dhaqan Soomaaliya oo kale ay u soo mareen dagaalo sokeeye oo dad badan galaaftay.

Muqdisho inkastoo waddooyinka qaar subaxii iyo habeenkii lagu arko dad nadaafadda ka shaqeynaya hadana dadka intooda kale kuma baraarugsanaya in iyaga laftooda xil ka saaran yahay nadaafadda caasimadda.

Isla xil saarid la’aan weyn ayaa jirta waxaana laga arkaa waddooyinka qaar oo laga dhigay goobo lagu soo daadiyo qashinka iyo haraaga maqaayadaha , dumarkana wasaqda guryaha iyo biyaha ku soo daadiyaan.

Cid walba halka ay tabto ayey wax ku shubtaan kuna daadisaa biyaha taas oo keentay waddoyin dhan oo la dhisay qarashna ku baxay ay isu bedelaan meel aan ur, qashin iyo biyo wasaq leh dartood loo mari Karin.

Waxaa la yaab leh in cid kasta oo isku dayda in ay joojiso dhibaatadaa waddooyinka ku dhaceysa loogu jawaabo ma adigaa leh waddada waa naga dhaxeysaa.

Qashinka iyo wasaqda waxaa wanaagsan in loo sameeyo meelo cayiman oo la geeyo iyo in qeybaha magaalada la soo dhigo haamaha qashinka sidii ay hore u sameyn jirtay dowladda hoose.

Sidoo kale waxaa wanaagsan in dadka ku howlan wax u dhimista nadaafadda magaalada in laga qaado tallaabo sharci ah haddii ay tahay maqaayadleyda ama dadka ganacsiyada ku leh hareeraha waddada hadana aan daryeelin wadada iyo nadaafadda caasimadda.

Dhiaabatadan waxay noqotay arrin la iska caadeystay iyo in qashinka la iska dhexmaro bullaacadaha waddada ku soo fatahayana laga tallaabsado laakiin arrintan waa mid aragti fool xun ka bixineysa nadaafadda magaalada iyo dadka ku nool.

Waxaa la yiraahdaa inta qashinku kuu jiro ayaa cudurkuna kuu jiraa hase yeeshee murtidaa weli macnaheeda dhabta ah waan fahmi la’nahay waana tan nagu kallifeysa in aan qashinka weheshanno.

W/Q: Mohameed Hassan